Waa sidee xaaladda Baydhaba kadib dagaalkii saaka?
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Baydhabo (Caasimada Online) – Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa degan saacado kadib markii uu magaalada ka dhacay dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda, kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo ciidanka taabacsan Lafta-gareen.
Dagaalka ayaa sababay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed, hase yeeshee tirada rasmiga ah ee khasaaraha weli lama xaqiijin.
Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in xaaladda amni ay hadda ka wanaagsan tahay sidii ay ahayd xilligii uu dagaalku socday, iyadoo dhaq-dhaqaaqa shacabka uu si tartiib ah dib ugu soo laabanayo.
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Baydhabo oo isugu jira militariga iyo booliiska iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa howlgallo xaqiijin amni ah wada, waxaana sidoo kale nawaaxiga magaalada lagu arkayaa ciidamada tiro badan.
Goobaha muhiimka ah ee magaalada ayaa weli lagu arkayaa ciidamo dheeraad ah, kuwaas oo qayb ka ah dadaallada lagu xaqiijinayo amniga kadib iska horimaadkii dhacay saaka.
Dadka magaalada ayaa bilaabay inay dib ugu laabtaan goobahooda shaqo iyo hawlahooda maalinlaha ah, iyadoo la sugayo faahfaahin dheeraad ah oo kasoo baxda dhinacyada amniga oo ku saabsan dagaalkii dhacay.
Inkasta oo xaaladda magaalada ay hadda deggan tahay, haddana waxaa laga cabsi qabaa in mar kale uu qarxo dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen.
Dagaalka maanta ayaa waxaa guullo ka sheegtay dowladda, iyadoo Wasaaradda Gaashaandhigga ay sheegtay in ciidamadu ay jab culus gaarsiiyeen ragga weerarka soo qaaday oo ay tilmaamtay inay ahaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo kuwa Lafta-gareen ee isku milmay, iyadoo soo bandhigtay maydadka xubno la dilay inta uu socday dagaalka.
Sidoo kale waxay wasaaraddu sheegtay in ciidamadu ay si geesinimo leh uga hortageen weerarka, isla markaana ay si buuxda ay gacanta ugu hayaan magaalada Baydhaba.
Dhanka kale, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay dagaalka Baydhaba ayaa sheegay in la jabiyay maleeshiyaadka weerarka soo qaaday, isaga oo boggaadiyay ciidamada dowladda iyo kuwa Birmadka ee maamulka Koonfur Galbeed.
“Mataanihii Argagixisada ee saakay soo weeraray Baydhabo jab xooggan ayaa dhabarka loo saaray,” ayuu yiri Wasiir Axmed Macallin oo qoraal kooban ku daabacay battiisa Facebook.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Caasimada Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · xaaladda · baydhaba · sidee
Keep reading
Live story thread
Open live story