Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Beledweyne uga qeyb galay xuska 49-aad ee madaxbannaanida Jabuuti
Beledweyne – Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan uga qeyb galay xuska iyo dabaal-degga munaasabadda 49-aad ee maalinta madax-bannaanida Jamhuuriyadda Jabuuti. Wasiir Fiqi ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti, munaasabadda qaran ee xu

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Beledweyne – Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan uga qeyb galay xuska iyo dabaal-degga munaasabadda 49-aad ee maalinta madax-bannaanida Jamhuuriyadda Jabuuti.
Wasiir Fiqi ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti, munaasabadda qaran ee xuska maalinta xorriyadda, isagoo tilmaamay in xiriirka labada dal uu ku saleysan yahay walaaltinimo iyo iskaashi taariikhi ah oo dhinacyo badan leh.
Wasiirka ayaa yiri: “Jabuuti dowlad aan xuduud juqraafi leenahay kaliya ma aha. Waxaa naga dhaxeeya Diin, dhiig iyo dhaqan.”
Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada Hiil Walaal ee Jabuuti ee qeybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya inay kaalin libaax leh ka qaateen dib u soo celinta nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Shabelle Media
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.