Xasan Sheekh iyo mas’uul Mareykan ah oo New York kaga wada hadlay xiriirka labada dal
NEW YORK — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada New York kulan kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Arrimaha Afrika, Frank Garcia, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo…
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
NEW YORK — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada New York kulan kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Arrimaha Afrika, Frank Garcia, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Mareykanka.
Kulanka oo ka dhacay xarumaha Qaramada Midoobay ayaa diiradda lagu saaray xiriirka labada dal, arrimaha mudnaanta u leh labada dhinac iyo danaha ay wadaagaan.
Labada mas’uul ayaa sidoo kale is-weydaarsaday aragtiyo ku saabsan sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga Soomaaliya iyo Mareykanka ee dhinacyada kala duwan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay dowladda Mareykanka taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dowlad-dhiska, amniga iyo horumarinta hay’adaha dowladda.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo xiriirka labada dal.
Kulanka ayaa qeyb ka ahaa kulamo uu Madaxweyne Xasan Sheekh magaalada New York kula yeelanayo mas’uuliyiin iyo madax ka qeybgalaya kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa leh iskaashi dhow oo dhinacyada amniga iyo dowlad-dhiska ah, iyadoo Washington ay taageero siiso dadaallada lagu xoojinayo hay’adaha iyo ciidamada Soomaaliya.
Labada dhinac ayaan kulanka kaddib shaacin heshiis cusub oo gaar ah.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Shabelle Media
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · dal · new · wada
Keep reading
Live story thread
Open live story