Xasan Sheekh oo Golaha Ammaanka ka sheegay in aan la aqbali karin in…
New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Fadhiga Guud ee Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, isagoo kaga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo arrimaha caalamka.
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Fadhiga Guud ee Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, isagoo kaga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo arrimaha caalamka.
Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa ku xusay caqabadaha ka dhashay colaadaha, loollanka juqraafi-siyaasadeed, isbeddelka cimilada iyo hoos u dhaca iskaashiga caalamiga ah.
Xasan Sheekh ayaa sidoo kale soo bandhigay guulaha iyo horumarka Soomaaliya ay ka sameysay dhinacyada dowlad-dhiska, dimuqraadiyeynta iyo amniga, iyo sidoo kale dadaallada lagu dhammaystirayo Dastuurka dalka.
Madaxweynaha ayaa intaas ku daray horumarka laga sameeyay dib-u-habeynta waxbarashada, kobaca dhaqaalaha iyo hirgelinta doorashooyin loo dhan yahay, isagoo tilmaamay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay arrimahaasi ku waddo.
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku baaqay in Qaramada Midoobay dib loogu soo celiyo kalsoonida caalamka, lana xoojiyo nidaamka dhinacyada badan iyo fulinta go’aannada caalamiga ah.
Waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay in aan la aqbali karin in Qaaradda Afrika ay ka maqnaato fadhiyada iyo madallada lagu go’aaminayo masiirka ummadda dunida, isagoo ku baaqay in codka Afrika uu si buuxda uga dhex muuqdo go’aanada caalamiga ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale markale xaqiijiyay taageerada Soomaaliya ee xaqa shacabka reer Falastiin u leeyihiin aayo-ka-tashi, dowladnimo iyo nolol ku dhisan nabad iyo amni. Waxa uu ku baaqay in la helo xal waara oo caddaalad ah oo ku saleysan laba dowladood, lana dhiso dowlad Falastiini ah oo madax-bannaan.
Context and open questions
Reader briefing
Article context
What happened
- President Hassan Sheikh Mohamud addressed the 81st General Assembly of the United Nations, discussing the situation in Somalia and global issues.
Key claims
- President Hassan Sheikh Mohamud addressed the 81st General Assembly of the United Nations, discussing the situation in Somalia and global issues.
- Hassan Sheikh emphasized the need for the United Nations to restore global confidence and strengthen multilateral systems.
- He called for Africa's voice to be fully represented in global decision-making.
- The President reaffirmed Somalia's support for the rights of the Palestinian people.
Source limitations
- The article does not include responses from other parties regarding the President's statements.
- Claims made by the President are not independently verified.
- The article does not provide details on the reactions to the President's address.
Reader takeaway
The President's address highlights Somalia's position on global issues and its commitment to international cooperation.
What remains unclear
- What specific actions does the President propose to strengthen multilateral systems?
- How will Somalia's support for Palestine be implemented in practical terms?
- What are the implications of Africa's voice being represented in global decision-making?
Why it matters
The article does not provide enough independently verified detail to assess the specific significance of this event beyond what is reported.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Caasimada Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · sheekh · xasan · golaha
Keep reading
Live story thread
Open live story