Aadan Madoobe oo dalbaday wada-hadal iyo ergo gaartay Baydhaba
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiAadan Madoobe ayaa dalbaday wada-hadal si loo wajaho xaaladda kasii dareysa ee Koonfur Galbeed, iyadoo ergadii gaartay Baydhaba.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Sheekh Aadan Madoobe ayaa Aqalka Madaxtooyadao ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay guddoomiyihii Hore ee Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo uu wehlinayaan siyaasiyiin kale oo uu kamid yahay Aadan Saransoor, kuwaas oo kamid ahaa saaxibadii Lafta-gareen oo hadda dibadjoog ah, dagaalna kula jira Sheekh Aadan Madoobe.
- Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray xoojinta wada-tashiga, is-fahamka iyo iskaashiga siyaasadeed, iyadoo si gaar ah looga wada hadlay xaaladda guud ee Koonfur Galbeed, arrimaha siyaasadda, amniga, dowlad-dhiska iyo sidii loo sii xoojin lahaa midnimada iyo wadajirka bulshada.
- Sidoo kale, waxaa kulanka lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada-hadalka iyo wada-tashiga siyaasadeed, si loo abuuro jawi horseeda xasillooni siyaasadeed, nabad waarta iyo horumar loo dhan yahay.
- Waxaa kale oo ay dhinacyadu is dhaafsadeen aragtiyo iyo talooyin ku aaddan xaaladda dalka iyo tan Koonfur Galbeed, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in khilaafaadka iyo kala aragti duwanaanshaha lagu wajaho wada-hadal, is-qaddarin iyo xalal siyaasadeed oo lagu heshiiyo.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee la qaadi doono si loo fududeeyo wada-hadalka?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-tashiga iyo iskaashiga siyaasadeed ee Koonfur Galbeed.
- Wafdiga waxaa kamid ahaa guddoomiyihii Hore ee Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo siyaasiyiin kale.
- Aadan Madoobe ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in khilaafaadka lagu wajaho wada-hadal iyo xalal siyaasadeed.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa ugu dambeyn dalbaday in wada-hadal lagu wajaho xaaladda kasii dareysa ee maamulkaas, iyadoo maanta ergadii ugu horreysay ay gaartay gudaha magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa Aqalka Madaxtooyadao ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay guddoomiyihii Hore ee Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo uu wehlinayaan siyaasiyiin kale oo uu kamid yahay Aadan Saransoor, kuwaas oo kamid ahaa saaxibadii Lafta-gareen oo hadda dibadjoog ah, dagaalna kula jira Sheekh Aadan Madoobe.
Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray xoojinta wada-tashiga, is-fahamka iyo iskaashiga siyaasadeed, iyadoo si gaar ah looga wada hadlay xaaladda guud ee Koonfur Galbeed, arrimaha siyaasadda, amniga, dowlad-dhiska iyo sidii loo sii xoojin lahaa midnimada iyo wadajirka bulshada.
Sida ay sheegtay Madaxtooyada Koonfur Galbeed, socdaalka wafdiga Maxamed Mursal yaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo ka qeybgalayaasha siyaasiyiinta gogasha dib-u-heshiisiinta ee dhowaan ka furmaysa caasimada ku-meel-gaarka ah ee Baydhaba
Sidoo kale, waxaa kulanka lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada-hadalka iyo wada-tashiga siyaasadeed, si loo abuuro jawi horseeda xasillooni siyaasadeed, nabad waarta iyo horumar loo dhan yahay.
Waxaa kale oo ay dhinacyadu is dhaafsadeen aragtiyo iyo talooyin ku aaddan xaaladda dalka iyo tan Koonfur Galbeed, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in khilaafaadka iyo kala aragti duwanaanshaha lagu wajaho wada-hadal, is-qaddarin iyo xalal siyaasadeed oo lagu heshiiyo.
Madaxweyne Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo madasha ka hadlay ayaa wafdiga uu hoggaaminayay guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya uga mahadceliyay booqashadooda magaalada Baydhaba iyo ka qeybgalka gogasha dib u heshiisinta.
Aadan Madoobe ayaa sidoo kale soo dhaweeyay kaalinta ay madaxda Soomaaliyeed, siyaasiyiinta, waxgaradka, culimada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ka qaadanayaan xoojinta wada-tashiga, nabadda, dowlad-dhiska iyo midnimada shacabka Koonfur Galbeed, isagoo tilmaamay in wada-shaqeynta iyo is-dhaafsiga aragtiyaha ay muhiim u yihiin horumarinta dowladnimada iyo xasilloonida deeganka.
Arrimahan ayaa kusoo aadayo, xilli maalmihii u dambeeyay ay dagaallo culus ka dhaceen gudaha Baydhaba, kadib weerarro ay kusoo qaadeen ciidamada taabacsan Lafta-gareen, kuwaas oo s oo noqnoqoshadooda ay walaac gaar ah ka abuurtay magaaladaas oo hoy u ah boqolaal kun oo qof oo ku barakacay colaadaha iyo abaaraha ka jira qeybo kale oo dalka ah.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Aadan Madoobe ayaa dalbaday wada-hadal si loo wajaho xaaladda kasii dareysa ee Koonfur Galbeed, iyadoo ergadii gaartay Baydhaba. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-tashiga iyo iskaashiga siyaasadeed.
Qodobada muhiimka ah
- Aadan Madoobe ayaa dalbaday wada-hadal si loo wajaho xaaladda kasii dareysa ee Koonfur Galbeed, iyadoo ergadii gaartay Baydhaba.
- Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-tashiga iyo iskaashiga siyaasadeed ee Koonfur Galbeed.
- Wafdiga waxaa kamid ahaa guddoomiyihii Hore ee Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo siyaasiyiin kale.
- Aadan Madoobe ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in khilaafaadka lagu wajaho wada-hadal iyo xalal siyaasadeed.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dhinacyada kale ee siyaasadda ku lug leh.
- Eedeymaha ku saabsan xaaladda kasii dareysa iyo dagaallada dhawaan la soo sheegay ayaa la weriyay laakiin aan si madax-bannaan loo xaqiijin.
- Faahfaahin gaar ah lagama bixin doodaha ama natiijooyinka wafdiga.
Gunaanadka akhristaha
Dalabka Aadan Madoobe ee wada-hadalka ayaa muujinaya xiisadaha siyaasadeed ee socda ee Koonfur Galbeed.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee la qaadi doono si loo fududeeyo wada-hadalka?
- Sidee ayay dagaallada dhawaanahan u saameyn doonaan xaaladda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed?
- Maxay yihiin jawaabaha hogaamiyeyaasha kale ee siyaasadda ku saabsan dalabka Madoobe ee wada-hadalka?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · aadan · hadal · dalbaday
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada