DF oo Imaaraadka ku eedeysay inuu 6,000 oo dagaalyahano Colombian ah…
Waxa dhacay
Hal il · Caasimada Online
Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay Imaaraadka Carabta inuu magaalada Boosaaso u adeegsaday marin ay in ka badan 6,000 oo calooshood u shaqeystayaal Colombian ah uga sii gudbaan Suudaan, halkaas oo ay kaga qeyb qaateen dagaalka u dhexeeya ciidamada dowladda Suudaan iyo RSF.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Eedeynta Muqdisho waxay sidoo kale taabaneysaa duulimaadyo iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo dowladda Soomaaliya ku tilmaantay kuwo si sharci-darro ah ugu xadgudbay hawada iyo madax-bannaanida dalka, iyadoo lagu sheegay inay xiriir la leeyihiin Imaaraadka iyo shabakadaha taageera RSF.
- Warbixin baaritaan ah oo SNTV ay baahisay Talaadadii ayaa lagu sheegay in dagaalyahannada Colombian-ka ah ay garoonka diyaaradaha Boosaaso ku galeen iyagoo isu ekaysiinaya rakaab rayid ah, mana aysan wadan qalab ciidan ama astaamo muujinaya inay yihiin askar.
- Markii ay garoonka kasoo degeen, sida lagu sheegay warbixinta waxaa lagu qaaday basas kuwaas oo geeyay xarun ciidan oo Imaaraadku maamulo oo ku taalla Boosaaso.
- Muuqaallo uu baahiyay telefishinka qaranka ayaa ku sheegay inay muujinayaan basaska rakaabka ka qaaday garoonka iyo xarumaha lala xiriiriyay dhaq-dhaqaaqyadaas.
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa xiisadaha socda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara amniga gobolka iyo xiriirka diblomaasiyadeed.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin cadeymaha ay dowladda Soomaaliya haysato si ay u taageerto eedeymahaheeda?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay Imaaraadka Carabta inuu magaalada Boosaaso u adeegsaday marin ay in ka badan 6,000 oo calooshood u shaqeystayaal Colombian ah uga sii gudbaan Suudaan.
- Warbixintu waxay sheegtay in dagaalyahannada Colombian-ka ah ay garoonka diyaaradaha Boosaaso ku galeen iyagoo isu ekaysiinaya rakaab rayid ah.
- Xogta duulimaadyada ayaa sidoo kale qeyb weyn ka ahayd baaritaanka, iyadoo SNTV sheegtay inay xog ka heshay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo muujinaysa in 668 duulimaad oo aan fasax rasmi ah ka haysan hay’adaha duulista federaalka
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay Imaaraadka Carabta inuu magaalada Boosaaso u adeegsaday marin ay in ka badan 6,000 oo calooshood u shaqeystayaal Colombian ah uga sii gudbaan Suudaan, halkaas oo ay kaga qeyb qaateen dagaalka u dhexeeya ciidamada dowladda Suudaan iyo xoogagga RSF.
Eedeynta Muqdisho waxay sidoo kale taabaneysaa duulimaadyo iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo dowladda Soomaaliya ku tilmaantay kuwo si sharci-darro ah ugu xadgudbay hawada iyo madax-bannaanida dalka, iyadoo lagu sheegay inay xiriir la leeyihiin Imaaraadka iyo shabakadaha taageera RSF.
Warbixin baaritaan ah oo SNTV ay baahisay Talaadadii ayaa lagu sheegay in dagaalyahannada Colombian-ka ah ay garoonka diyaaradaha Boosaaso ku galeen iyagoo isu ekaysiinaya rakaab rayid ah, mana aysan wadan qalab ciidan ama astaamo muujinaya inay yihiin askar.
Markii ay garoonka kasoo degeen, sida lagu sheegay warbixinta waxaa lagu qaaday basas kuwaas oo geeyay xarun ciidan oo Imaaraadku maamulo oo ku taalla Boosaaso. SNTV waxay sheegtay in raggaasi aysan marin habraacyada caadiga ah ee socdaalka iyo kastamka dowladda federaalka.
Muuqaallo uu baahiyay telefishinka qaranka ayaa ku sheegay inay muujinayaan basaska rakaabka ka qaaday garoonka iyo xarumaha lala xiriiriyay dhaq-dhaqaaqyadaas. Sidoo kale, warbixintu waxay sheegtay in qaar kamid ah muwaadiniinta Colombian-ka ah lagu arkay agagaarka ciidamada Puntland, xilli lagu tilmaamay inay ahaayeen tababarayaal.
Goobihii loo sii gudbiyay dagaalyahannada iyo hubka waxaa kamid ahaa Amdjaras ee dalka Jaad, gobolka Daarfuur ee Suudaan iyo magaalada Kufra ee Liibiya, sida ay sheegtay warbixintu. Halkaas ayay kaga biireen dagaalka ay RSF kula jirto ciidamada dowladda Suudaan.
Xogta duulimaadyada ayaa sidoo kale qeyb weyn ka ahayd baaritaanka, iyadoo SNTV sheegtay inay xog ka heshay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo muujinaysa in 668 duulimaad oo aan fasax rasmi ah ka haysan hay’adaha duulista federaalka ay galeen hawada Soomaaliya sannadkii 2025.
Boosaaso gaar ahaan, waxaa la sheegay in sannadkii 2024 laga diiwaangeliyay 301 duulimaad oo aan haysan fasax, kuwaas oo lagu eedeeyay inay qeyb ka ahaayeen dhaqdhaqaaqyada la xiriira qaadista dagaalyahannada iyo agabka milatari ee loo waday Suudaan.
Warbixintu waxay sheegtay in duulimaadyadaas loo adeegsaday diyaarado ay leeyihiin shirkado gaar loo leeyahay oo Imaaraadku kireystay, iyadoo SNTV ay sidoo kale magacowday dhowr shirkadood oo diyaaradeed oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen howlahaas.
Eedeymahan ayaa kusoo beegmaya kaddib warbixin Human Rights Watch ay soo saartay bishii May, taas oo diiwaangelisay in askar hore uga tirsanaa ciidamada Colombia loo shaqaaleysiiyay dagaalka Suudaan, qaar kamid ahna ay Soomaaliya sii mareen.
Imaaraadka Carabta ayaa horey u diiday eedeymahan, isagoo sheegay inuusan taageerin dhinacyada ku dagaallamaya Suudaan ama u gudbin hub iyo dagaalyahanno xoogagga RSF. Abu Dhabi waxay ku adkeysatay in hawlgalladeeda gobolka ay ku saleysan yihiin amniga badda, gargaarka bani’aadannimada iyo la dagaallanka argagixisada.
Xiisadda Muqdisho iyo Abu Dhabi ayaa xilligan sii xoogeysaneysa, iyadoo dowladda Soomaaliya ay 19-kii November amartay in safiirka Imaaraadka uu dalka ka baxo, halka ay safiirkeedana uga yeeratay Abu Dhabi wadatashi. Si kastaba, eedeymahan cusub ayaa kusoo biiraya khilaafka diblomaasiyadeed ee labada dhinac.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay Imaaraadka Carabta inuu magaalada Boosaaso u adeegsaday marin ay in ka badan 6,000 oo calooshood u shaqeystayaal Colombian ah uga sii gudbaan Suudaan, halkaas oo ay kaga qeyb qaateen dagaalka u dhexeeya ciidamada dowladda Suudaan iyo RSF.
Qodobada muhiimka ah
- Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay Imaaraadka Carabta inuu magaalada Boosaaso u adeegsaday marin ay in ka badan 6,000 oo calooshood u shaqeystayaal Colombian ah uga sii gudbaan Suudaan.
- Warbixintu waxay sheegtay in dagaalyahannada Colombian-ka ah ay garoonka diyaaradaha Boosaaso ku galeen iyagoo isu ekaysiinaya rakaab rayid ah.
- Xogta duulimaadyada ayaa sidoo kale qeyb weyn ka ahayd baaritaanka, iyadoo SNTV sheegtay inay xog ka heshay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo muujinaysa in 668 duulimaad oo aan fasax rasmi ah ka haysan hay’adaha duulista federaalka
- Imaaraadka Carabta ayaa horey u diiday eedeymahan, isagoo sheegay inuusan taageerin dhinacyada ku dagaallamaya Suudaan.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay eedeymo ay soo jeedisay dowladda Soomaaliya iyo SNTV iyada oo aan la xaqiijin madax-bannaan.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka timid Imaaraadka Carabta oo ku saabsan eedeymaha gaarka ah ee ay soo jeedisay dowladda Soomaaliya.
- Maqaalku ma bixinayo faahfaahin ku saabsan xaqiijinta tirada duulimaadyada aan la oggolaan.
Gunaanadka akhristaha
Dowladda Soomaaliya ayaa soo jeedisay eedeymo culus oo ka dhan ah Imaaraadka Carabta oo ku saabsan dhaq-dhaqaaqyada calooshood u shaqeystayaasha Colombian-ka ah ee Suudaan u socda.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin cadeymaha ay dowladda Soomaaliya haysato si ay u taageerto eedeymahaheeda?
- Sidee ayey eedeymahan u saameyn doonaan xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka?
- Maxay yihiin tallaabooyinka, haddii ay jiraan, ay dowladda Soomaaliya qaadi doonto si ay uga jawaabto eedeymahan?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa xiisadaha socda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara amniga gobolka iyo xiriirka diblomaasiyadeed.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · colombian · eedeysay · inuu