Dowladda oo dhisaysa ciidan awood badan – Maxaa socda?
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dardar-gelisay qorshaha lagu dhisayo ciidamo cusub oo u badan dhallinyaro, kuwaas oo lagu tababarayo xeryaha ciidamada, iyadoo dowladda ay doonayso inay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amniga guud ee dalka.
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dardar-gelisay qorshaha lagu dhisayo ciidamo cusub oo u badan dhallinyaro, kuwaas oo lagu tababarayo xeryaha ciidamada, iyadoo dowladda ay doonayso inay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amniga guud ee dalka.
Qorshahan ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Soomaaliya ay horey Midowga Afrika uga heshay ballanqaad ku saabsan in mas’uuliyadda amniga dalka si buuxda loogu wareejiyo ciidamada Soomaaliyeed, isla markaana laga maarmi doono ciidanka Afrikaanka ah ee ku howlgala howlgalka AUSSOM.
Si loo xoojiyo awoodda ciidamada, dowladda ayaa taageero dhinaca qalabka iyo agabka ciidan ka raadinaysa dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya, iyadoo qaar kamid ah dalalkaasi ay horey u sameeyeen ballanqaadyo, halka kuwo kalena laga sugayo inay fuliyaan taageeradii ay ballanqaadeen.
Hadafka dowladda ayaa ah in Soomaaliya ay yeelato ciidan leh awood dhul, cir iyo bad, kuwaas oo sidoo kale heli kara qalab casri ah oo ay adeegsadaan ciidamada dalalka horumaray.
Tababarrada ciidamada ayaa sidoo kale lagu wadaa in lagu sii xoojiyo gudaha dalka, iyadoo dhallinyaro cusub la qorayo lana geynayo xeryaha ciidamada si ay u qaataan tababarro ciidan oo dheeraad ah.
Turkiga ayaa kamid ah dalalka sida weyn u taageera dhismaha ciidamada Soomaaliya, iyadoo dowladda Ankara ay si gaar ah diiradda u saartay tababarka iyo qalabaynta ciidamada, kuwaas oo tababarro ku qaata gudaha Soomaaliya iyo dibadda.
Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale weli sugaysa taageero iyo fulinta ballanqaadyo ay horey u sameeyeen dalal kale oo saaxiib la ah Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka noqon kara qorshaha lagu dhisayo ciidamo Soomaaliyeed oo awood u leh inay si buuxda ula wareegaan amniga dalka.
Xilli dhismaha ciidamada qalabka sida uu socdo, ayaa xeryaha ciidamada lagu diyaarinayaa goobihii lagu tababari lahaa dhallinyarada cusub, iyadoo dowladda ay waddo qorshe ay ku doonayso in ciidamadan ay mustaqbalka qaadaan mas’uuliyadda amniga guud ee Soomaaliya.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · dowladda · badan · ciidan