Midowga Yurub oo sheegay in howlgalka Badda Cas uu u baahan yahay in ka badan 10 markab dagaal
NEW YORK — 22 Sebtembar 2026: Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, Kaja Kallas, ayaa sheegtay in howlgalka ciidamada badda ee Midowga Yurub ee Aspides uu u baahan yahay…
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
NEW YORK — 22 Sebtembar 2026: Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, Kaja Kallas, ayaa sheegtay in howlgalka ciidamada badda ee Midowga Yurub ee Aspides uu u baahan yahay in la kordhiyo tirada maraakiibta dagaalka, iyadoo xaaladda amni ee Badda Cas ay sii xumaanayso.
Kallas ayaa sheegtay in markii howlgalka la bilaabay 2024 loo qorsheeyay inuu u baahdo ugu yaraan 10 markab dagaal, balse hadda xaaladdu ay ka sii daran tahay. Sida ay sheegtay Reuters, waxaa xilligan goobta ka howlgala qiyaastii lix markab.
Howlgalka Aspides waxaa Midowga Yurub bilaabay 2024, ujeeddadiisuna tahay ilaalinta maraakiibta ganacsiga ee mara Badda Cas, kaddib weerarro ay Xuutiyiintu ku qaadeen maraakiibta.
Kallas waxay sheegtay in howlgalka uu u baahan yahay maraakiib iyo diyaarado dheeraad ah, si looga jawaabo heerka khatarta ee sii kordhaya.
Waxay sidoo kale sheegtay in weerarrada Xuutiyiintu ay saameynayaan danaha Yurub iyo dhaqaalaha caalamka, gaar ahaan silsiladaha sahayda iyo qiimaha shidaalka.
Kallas ayaa 19-kii Sebtembar warqad u dirtay 27-ka dal ee xubnaha ka ah Midowga Yurub, iyadoo ka codsatay inay kordhiyaan taageerada iyo ciidamadooda ay ku biirinayaan howlgalka Aspides.
Dhanka kale, Talyaaniga ayaa sheegay inuu diyaarinayo howlgal ciidan-badeed oo u gaar ah oo gobolka ah, isagoo sheegay inuusan sugi karin jawaabta Midowga Yurub xaaladda cusub awgeed.
Kallas waxay sidoo kale xustay in horumarrada Xuutiyiintu ka sameeyeen xeebaha Badda Cas ay kordhiyeen awoodda ay ku carqaladeyn karaan maraakiibta ganacsiga, xilli xaaladda marin-biyoodka Bab al-Mandab iyo Strait of Hormuz ay horeyba u ahayd mid xasaasi ah.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · midowga · badda · baahan
Sii akhri
- Dowladda oo dhisaysa ciidan awood badan – Maxaa socda?
Caasimada Online
- Mareykanka oo xayiraad fiiso saaray Cabdifataax al-Burhan
Caasimada Online
- Shirkadda Maersk oo ku dhowaaqday go’aan si weyn u saameynaya Soomaaliya
Caasimada Online