Eritrea oo xiriirka u jartay Itoobiya, kadib tallaabadii ay qaaday
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiEritrea ayaa gebi ahaanba xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Itoobiya kadib markii Itoobiya xirtay safaaraddeeda Asmara iyo cayrisay 10 diblomaasi oo Eritrean ah.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Wasaaradda Arrimaha Dibadda Eritrea ayaa tallaabada Itoobiya ku tilmaantay “falal cadaawad ah oo aan cudurdaar lahayn”, waxayna sheegtay in Asmara aysan hadda heysan doorasho kale oo aan ahayn inay tallaabadaas si la mid ah uga jawaabto.
- “Xaaladda hadda jirta, Eritrea ma hayso wax doorasho ah oo aan ka ahayn inay si la mid ah uga jawaabto oo ay jarto dhammaan xiriirka diblomaasiyadeed ee Itoobiya, iyadoo ay la socdaan dhammaan cawaaqibta taban ee arrintaasi leedahay,” ayay wasaaraddu ku tiri bayaan ay soo saartay.
- Go’aanka ayaa soo afjaraya xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada dal ay dib u soo celiyeen sanadkii 2018, wuxuuna imaanayaa xilli xiisadda Itoobiya iyo Eritrea ay si weyn sare ugu kacday, iyadoo dagaalkuna mar kale ka qarxay waqooyiga Itoobiya.
- Itoobiya ayaa goor sii horreysay Khamiistii sheegtay inay xireyso safaaraddeeda Asmara, isla markaana ay 10 diblomaasi oo Eritrean ah ku amartay inay dalka uga baxaan 48 saacadood gudahood.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin falalka gaarka ah ee diblomaasiyiinta Eritrea lagu eedeeyay?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Wasaaradda Arrimaha Dibadda Eritrea ayaa tallaabada Itoobiya ku tilmaantay “falal cadaawad ah oo aan cudurdaar lahayn”, waxayna sheegtay in Asmara aysan hadda heysan doorasho kale oo aan ahayn inay tallaabadaas si la mid ah uga jawaabto.
- Itoobiya ayaa diblomaasiyiinta ku eedeysay inay ku lug lahaayeen falal ay sheegtay inay “khatar toos ah ku yihiin amniga qaranka Itoobiya”.
- Eritrea ayaa ku eedeysay Itoobiya inay isku dayeyso inay mas’uuliyadda xiisadda labada dal dusha ka saarto Asmara.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Asmara (Caasimada Online) – Dowladda Eritrea ayaa Khamiistii ku dhawaaqday inay gebi ahaanba xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Itoobiya, saacado kadib markii Addis Ababa ay xirtay safaaraddeeda Asmara, isla markaana ay dalkeeda ka cayrisay 10 diblomaasi oo Eritrean ah.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Eritrea ayaa tallaabada Itoobiya ku tilmaantay “falal cadaawad ah oo aan cudurdaar lahayn”, waxayna sheegtay in Asmara aysan hadda heysan doorasho kale oo aan ahayn inay tallaabadaas si la mid ah uga jawaabto.
“Xaaladda hadda jirta, Eritrea ma hayso wax doorasho ah oo aan ka ahayn inay si la mid ah uga jawaabto oo ay jarto dhammaan xiriirka diblomaasiyadeed ee Itoobiya, iyadoo ay la socdaan dhammaan cawaaqibta taban ee arrintaasi leedahay,” ayay wasaaraddu ku tiri bayaan ay soo saartay.
Go’aanka ayaa soo afjaraya xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada dal ay dib u soo celiyeen sanadkii 2018, wuxuuna imaanayaa xilli xiisadda Itoobiya iyo Eritrea ay si weyn sare ugu kacday, iyadoo dagaalkuna mar kale ka qarxay waqooyiga Itoobiya.
Itoobiya ayaa goor sii horreysay Khamiistii sheegtay inay xireyso safaaraddeeda Asmara, isla markaana ay 10 diblomaasi oo Eritrean ah ku amartay inay dalka uga baxaan 48 saacadood gudahood.
Addis Ababa waxay diblomaasiyiinta ku eedeysay inay ku lug lahaayeen falal ay sheegtay inay “khatar toos ah ku yihiin amniga qaranka Itoobiya”, iyadoo sidoo kale Eritrea ku eedeysay “falal toos iyo dadban oo cadaawad iyo dagaalnimo ah”.
Dowladda Itoobiya ma aysan faahfaahin falalka ay ku eedeysay diblomaasiyiinta Eritrea.
Eritrea oo eedda ku celisay Itoobiya
Eritrea ayaa si adag u diidday eedeymahaas, waxayna Itoobiya ku eedeysay inay isku dayeyso inay mas’uuliyadda xiisadda labada dal dusha ka saarto Asmara.
“Tani runtii waa arrin lala yaabo,” ayay wasaaradda Eritrea tiri. “Xaqiiqdu waxay tahay in Itoobiya ay muddo saddex sano ah wadday ajande cadaawadeed oo joogto ah.”
Asmara waxay si gaar ah farta ugu fiiqday dadaalka Itoobiya ee ku aaddan inay hesho marin ay ku gaarto Badda Cas, arrin muddooyinkii dambe noqotay mid ka mid ah qodobbada ugu waaweyn ee khilaafka labada dal.
Eritrea waxay ku eedeysay dowladda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed inay waddo qorshe ay ku raadineyso waxa ay Itoobiya ugu yeertay “marin madax-bannaan oo badeed”, iyadoo Asmara sheegtay in hadalladaas ay ku jiraan damac ku wajahan dekedo iyo dhul xeebeed ay Eritrea leedahay.
Itoobiya ayaa dhowr jeer sheegtay in helitaanka marin lagu kalsoonaan karo oo Badda Cas ah uu muhiim u yahay mustaqbalkeeda dhaqaale iyo istaraatiijiyadeed.
Eritrea ayaa si gaar ah uga carootay hadallada la xiriira dekedda Casab iyo sheegasho kasta oo u muuqata inay taabaneyso madax-bannaanida iyo dhulka Eritrea.
Asmara waxay sidoo kale Itoobiya ku eedeysay inay martigelisay, tababartay isla markaana hub siisay kooxo mucaarad Eritrean ah, kuwaas oo ay sheegtay in loo adeegsanayo in gudaha Eritrea laga abuuro qalalaase iyo “isbeddel dowladeed”.
Itoobiya ayaa dhinaceeda Eritrea ku eedeysay inay taageerto xoogag hubeysan oo dagaal kula jira dowladda federaalka Itoobiya, eedeymahaas oo Asmara ay beenisay.
Dagaalka waqooyiga Itoobiya
Burburka xiriirka labada dal ayaa kusoo aadaya xilli dagaal culus uu dib uga qarxay waqooyiga Itoobiya, iyadoo dowladda Abiy Ahmed iyo xoogagga Tigray ay markale isku hayaan deegaano dhowr ah.
Itoobiya ayaa sidoo kale Eritrea, Masar iyo Sudan ku eedeysay inay taageerayaan isbaheysi cusub oo ay ku jiraan TPLF iyo kooxo kale oo hubeysan oo kasoo horjeeda dowladda federaalka. Dalalka lagu eedeeyey ayaa diiday sheegashada Addis Ababa.
Dagaallada cusub ayaa ah kuwii ugu xooganaa ee waqooyiga Itoobiya ka dhaca tan iyo markii heshiiskii Pretoria ee 2022 uu soo afjaray wejigii ugu weynaa ee dagaalkii socday muddo laba sano ah.
Eritrea iyo Itoobiya waxay dagaalkaas ahaayeen xulafo, waxaana ciidamada Eritrea ay garab siinayeen kuwa dowladda Itoobiya dagaalka ay kula jireen TPLF.
Hase yeeshee Eritrea kama aysan qeybgelin heshiiskii nabadeed ee Pretoria, xiriirka Addis Ababa iyo Asmara ayaana si tartiib ah u xumaaday wixii ka dambeeyey heshiiskaas.
Khilaafka Badda Cas, xaaladda Tigray iyo eedeymaha amni ee labada dhinac ayaa sii kala fogeeyey labada dowladood.
Itoobiya iyo Eritrea ayaa 2018 dib u soo celiyey xiriirkooda kadib ku dhowaad labaatan sano oo colaad ah oo ka dambeysay dagaalkii xuduudda ee 1998-2000.
Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa xilligaas ku heshiiyey inay soo afjaraan colaaddii muddada dheer u dhaxeysay dalalkooda, taas oo horseeday dib u furista xiriirka diblomaasiyadeed.
Sideed sano kadib, go’aanka Eritrea ee ay ku jartay xiriirka Itoobiya ayaa meesha ka saaraya mid ka mid ah natiijooyinkii ugu waaweynaa ee heshiiskii 2018, xilli dagaalka waqooyiga Itoobiya uu sii kordhinayo walaaca laga qabo xasilloonida Geeska Afrika.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Eritrea ayaa gebi ahaanba xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Itoobiya kadib markii Itoobiya xirtay safaaraddeeda Asmara iyo cayrisay 10 diblomaasi oo Eritrean ah.
Qodobada muhiimka ah
- Eritrea ayaa gebi ahaanba xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Itoobiya kadib markii Itoobiya xirtay safaaraddeeda Asmara iyo cayrisay 10 diblomaasi oo Eritrean ah.
- Wasaaradda Arrimaha Dibadda Eritrea ayaa tallaabada Itoobiya ku tilmaantay “falal cadaawad ah oo aan cudurdaar lahayn”, waxayna sheegtay in Asmara aysan hadda heysan doorasho kale oo aan ahayn inay tallaabadaas si la mid ah uga jawaabto.
- Itoobiya ayaa diblomaasiyiinta ku eedeysay inay ku lug lahaayeen falal ay sheegtay inay “khatar toos ah ku yihiin amniga qaranka Itoobiya”.
- Eritrea ayaa ku eedeysay Itoobiya inay isku dayeyso inay mas’uuliyadda xiisadda labada dal dusha ka saarto Asmara.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaab ka timid dowladda Itoobiya oo ku saabsan eedeymaha Eritrea.
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay bayaanno ka yimid Eritrea iyo Itoobiya iyada oo aan la xaqiijin madax-bannaan.
- Faahfaahin gaar ah laguma bixin falalka keenay joojinta xiriirka diblomaasiyadeed.
Gunaanadka akhristaha
Joojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Eritrea iyo Itoobiya waxay muujinaysaa kororka xiisadaha u dhexeeya labada dal.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin falalka gaarka ah ee diblomaasiyiinta Eritrea lagu eedeeyay?
- Sidee ayuu xiriirka diblomaasiyadeed ee la joojiyay u saameyn doonaa xasiloonida gobolka?
- Maxay noqon doonaan cawaaqibka Eritrea iyo Itoobiya ka dib go'aankan?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · itoobiya · eritrea · xiriirka
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada