Golaha Aqalka Sare oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Dakhliga
MUQDISHO – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa shir guddoomiyay kulanka 8-aad ee Kalfadhiga 8-aad ee Golaha Aqalka Sare, kaas oo ajandihiisu ahaa akhrinta saddexaad ee Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda…
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
MUQDISHO – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa shir guddoomiyay kulanka 8-aad ee Kalfadhiga 8-aad ee Golaha Aqalka Sare, kaas oo ajandihiisu ahaa akhrinta saddexaad ee Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Dakhliga iyo ansixinta laba xubnood oo ka bannaanaa Guddiga Madaxa-bannaan ee Dastuurka.
Ugu horreyn, Senatorrada Aqalka Sare ayaa ansixiyay Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Dakhliga, kaddib markii Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare, Senator Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer, uu Golaha la wadaagay warbixinta akhrinta saddexaad ee hindise sharciyeedka, isagoo ka codsaday mudanayaasha inay meel mariyaan.
Markii cod loo qaaday Hindise Sharciyeedka, waxaa oggolaaday 27 Senator, iyadoo aysan jirin cid ka aamustay ama diidday. Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Raaxo Maxamuud Janaqoow, ayaa Senatorrada Aqalka Sare uga mahadcelisay ansixinta Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Dakhliga.
Waxay sheegtay in Hay’adda Dakhliga ay door muhiim ah ka qaadan doonto maamulka, ururinta iyo kobcinta dakhliga gudaha dalka. Dhinaca kale, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Ilyaas Sheekh Cumar, ayaa Golaha la wadaagay warbixin ku saabsan laba xubnood oo buuxinaya boosaska ka bannaanaa Guddiga Madaxa-bannaan ee Dastuurka.
Wasiiru-dowlaha ayaa Senatorrada ka codsaday inay ansixiyaan labada xubnood si ay uga mid noqdaan Guddiga Madaxa-bannaan ee Dastuurka. Intaas kaddib, mudanayaasha Aqalka Sare ayaa u codeeyay labada xubnood ee ay soo gudbisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka. Labada xubnood ayaa waxaa oggolaaday 27 Senator, iyadoo aysan jirin cid diidday ama ka aamustay.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · aqalka · adda · sare
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada