GOLAHA WASIIRRADA OO ANSIXIYAY QARAARKA DHAQAN-GELINTA DASTUURKA
Waxa dhacay
40 ilbiriqsiGolaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay qaraarka dhaqan-gelinta Dastuurka iyo guddi wasiirro ah u saaray diyaarinta hindise-xeerka qeexaya tirada xubnaha Xukuumadda iyo waajibaadkooda.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Shir aan caadi ahayn oo caawa uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa looga hadlay fulinta Dastuurka, dowlad-dhiska, xoojinta hay’adaha dowladda iyo horumarinta nidaamyada maamulka qaranka.
- Goluhu wuxuu guddi uu hoggaaminayo Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka u xilsaaray dardargelinta fulinta Dastuurka iyo diyaarinta hindise-xeerka dhismaha Xukuumadda, kaas oo lagu wado in lagu soo diyaariyo muddo laba bilood ah.
- Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Xukuumadda, xeerkan ayaa qeexaya tirada xubnaha Xukuumadda iyo waajibaadkooda, waxaana lagu tilmaamay xeer markii ugu horreysay dalka yeelanayo tan iyo 1968-kii.
- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Dastuurku dhaqan-gal yahay, fulintiisana loo marayo marxalado kala duwan.
Sida ay sheegtay Goobjoog Somali
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin marxaladaha gaarka ah ee fulinta Dastuurka?
Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay qaraarka dhaqan-gelinta Dastuurka.
- Gudi wasiirro ah u saaray diyaarinta hindise-xeerka qeexaya tirada xubnaha Xukuumadda iyo waajibaadkooda.
- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Dastuurku dhaqan-gal yahay, fulintiisana loo marayo marxalado kala duwan.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho, 13 Oktoobar 2026 — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay qaraarka dhaqan-gelinta Dastuurka, iyaga oo sidoo kale guddi wasiirro ah u saaray diyaarinta hindise-xeerka qeexaya tirada xubnaha Xukuumadda iyo waajibaadkooda.
Shir aan caadi ahayn oo caawa uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa looga hadlay fulinta Dastuurka, dowlad-dhiska, xoojinta hay’adaha dowladda iyo horumarinta nidaamyada maamulka qaranka.
Goluhu wuxuu guddi uu hoggaaminayo Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka u xilsaaray dardargelinta fulinta Dastuurka iyo diyaarinta hindise-xeerka dhismaha Xukuumadda, kaas oo lagu wado in lagu soo diyaariyo muddo laba bilood ah.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Xukuumadda, xeerkan ayaa qeexaya tirada xubnaha Xukuumadda iyo waajibaadkooda, waxaana lagu tilmaamay xeer markii ugu horreysay dalka yeelanayo tan iyo 1968-kii.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Dastuurku dhaqan-gal yahay, fulintiisana loo marayo marxalado kala duwan. Waxa uu sidoo kale xusay in Xukuumaddu ku howlan tahay sidii sannadka 2027 dalka looga qaban lahaa doorasho qof iyo cod ah oo heer federaal ah, sida uu dhigayo Dastuurka dalka.
Dhanka kale, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa Golaha Wasiirrada u soo bandhigtay warbixin ku saabsan dib u soo celinta nidaamka code-ka Soomaaliya ee IATA, kaas oo loo adeegsado maamulka iyo nidaaminta tikidhada diyaaradaha.
Wasaaraddu waxay sheegtay in dib u soo celinta nidaamkan ay Soomaaliya u suuragelinayso inay xoojiso awooddeeda maareynta adeegyada tikidhada duulimaadyada iyo xiriirka nidaamyada safarrada caalamiga ah, taas oo qayb ka ah horumarinta adeegyada duulista rayidka iyo dib u soo celinta xuquuqo muhiim ah oo dalka ka maqnaa.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay qaraarka dhaqan-gelinta Dastuurka iyo guddi wasiirro ah u saaray diyaarinta hindise-xeerka qeexaya tirada xubnaha Xukuumadda iyo waajibaadkooda.
Qodobada muhiimka ah
- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay qaraarka dhaqan-gelinta Dastuurka.
- Gudi wasiirro ah u saaray diyaarinta hindise-xeerka qeexaya tirada xubnaha Xukuumadda iyo waajibaadkooda.
- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Dastuurku dhaqan-gal yahay, fulintiisana loo marayo marxalado kala duwan.
- Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa Golaha Wasiirrada u soo bandhigtay warbixin ku saabsan dib u soo celinta nidaamka code-ka Soomaaliya ee IATA.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabo ka yimid dhinacyada la eedeeyay ama la dhaleeceeyay.
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan sheegashooyinka la sameeyay.
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay bayaanno ka yimid mas'uuliyiin dowladda iyada oo aan la helin xaqiijin dibadda ah.
Gunaanadka akhristaha
Ansixinta Golaha Wasiirrada ee dhaqan-gelinta Dastuurka waxay calaamad u tahay tallaabo muhiim ah oo ku saabsan maamulka Soomaaliya.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin marxaladaha gaarka ah ee fulinta Dastuurka?
- Sidee ayuu hindise-xeerku u saameyn doonaa qaab-dhismeedka hadda ee dowladda?
- Maxay yihiin natiijooyinka la filayo ee dib u soo celinta nidaamka code-ka IATA?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · dhaqan · qaraarka · wasiirrada
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada