Guddiga Shaqaalaha Rayidka oo soo saaray amar ku saabsan dib-u-eegista Qaraar uu horay u meelmariyay Golaha Shacabku
Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal rasmi ah oo ku saabsan fulinta iyo dib-u-eegista Qaraarka Golaha Shacabka, kaas oo loo diray Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka.
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal rasmi ah oo ku saabsan fulinta iyo dib-u-eegista Qaraarka Golaha Shacabka , kaas oo loo diray Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka.
Qoraalka oo ku taariikhaysan 26/09/2026 , kuna saxiixan Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka, ayaa lagu sheegay in la fulinayo qaraar Golaha Shacabka uu horey u soo gudbiyay, kaas oo wata tixraaca GSHH/B-11/23/09/2026 , lana xiriira xeerarka iyo habraacyada shaqaalaha dowladda.
Guddigu wuxuu xusay in qaraarkaasi uu tixraacayo Sharciga Shaqaalaha Rayidka ee Lr. 132 ee 11 May 2025 , iyo qaraar kale oo ku saabsan hannaanka tartanka furan ee shaqaalaha dowladda , kaas oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Sida ku cad qoraalka, Agaasimeyaasha Waaxyaha Maamulka Shaqaalaha ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka ayaa laga doonayaa inay si dhow uga qayb qaataan hawsha, isla markaana ay gutaan waajibaadka kaga aaddan fulinta qaraarka.
Guddiga Shaqaalaha Rayidka ayaa sidoo kale faray Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka inay qaataan mas’uuliyadda ku aaddan fulinta iyo dib-u-eegista Qaraarka Golaha Shaqabka , iyadoo la raacayo qodobbada sharciga iyo Dastuurka Federaalka Soomaaliya.
Qoraalka ayaa si gaar ah u xusaya Qodobka 2-aad ee Qaraarka , iyo sidoo kale Qodobbada 158-aad iyo 159-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , kuwaas oo saldhig u ah waajibaadka iyo shaqada hay’adaha dowladda ee arrintan.
Guddigu wuxuu sheegay in tallaabadan ay qayb ka tahay habraaca lagu hubinayo in qaraarrada iyo xeerarka la xiriira shaqaalaha dowladda loo maro nidaamka sharciga ah, iyadoo hay’adaha ay khusayso laga doonayo inay gutaan waajibaadkooda.
Qoraalka waxaa ku saxiixan Xasan Abshirow Maxamed, Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka , waxaana loo diray Wasaaradda Shaqada iyo Hay’adda Dowladda, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Xafiiska Madaxtooyada.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · rayidka · guddiga · saabsan
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada