Guddiga shaqaalaha rayidka DF oo qaaday tallaabo dhabar-jab ku ah Xamza
Warka oo kooban
60 ilbiriqsiMuqdisho (Caasimada Online) – Guddiga shaqaalaha rayidka ee dowladda ayaa maanta fuliyay qaraarkii kasoo baxay Golaha Shacabka Soomaaliya ee lagu laalay go’aankii dhawaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ee ku aadanaa in xilalka agaasime-waaxeedyada wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda lagu buuxiyo hannaan tartan ah.
Qodobbada muhiimka ah
- Guddoonka Baarlamaanka ayaa Khamiistii amar ku bixiyay in guddiga shaqaalaha rayidka ee dowladda loo madaxbanneeyo gudashada waajibaadkiisa iyo fulinta hawlaha sharci ahaan loo igmaday ee ay kamid tahay shaqo qoridda, magacabidda iyo dalacsiinta shaqaalaha rayidka dowladda.
- Intaas kadib guddiga ayaa ugu dmabeyn u hoggaansamay tallaabada Baarlamaanka, wuxuuna joojiyay boosaskii la xayaysiiyay ee agaasimeyaasha waaxda maamulka shaqaalaha ee wasaaradaha iyo hay’adaha Dowladda.
- “Iyadoo la fulinayo Qaraarka Golaha Shacabka ee summaddiisu tahay Tix: GHSH/B-11/23/09/2026, kuna taariikheysan 23/09/2026, kaasoo ujeeddadiisu tahay Qaraarka Golaha Shacabka ee Laalista Xeer Lr. 132 ee 11/05/2025 iyo Qaraarka Higelinta Hannaanka Tartanka Furan ee Shaqaalaha Dowladda ee Doorsoocasho ee Ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha Lr. 205 ee 17/09/2026.
- Sidoo kale, waxaa la faray dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya in ay ka gutaan waajibaadka kaga aadan fulinta Qaraarka Golaha Shacabka.
Sida ay sheegtay Caasimada Online

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga shaqaalaha rayidka ee dowladda ayaa maanta fuliyay qaraarkii kasoo baxay Golaha Shacabka Soomaaliya ee lagu laalay go’aankii dhawaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ee ku aadanaa in xilalka agaasime-waaxeedyada wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda lagu buuxiyo hannaan tartan ah.
Guddoonka Baarlamaanka ayaa Khamiistii amar ku bixiyay in guddiga shaqaalaha rayidka ee dowladda loo madaxbanneeyo gudashada waajibaadkiisa iyo fulinta hawlaha sharci ahaan loo igmaday ee ay kamid tahay shaqo qoridda, magacabidda iyo dalacsiinta shaqaalaha rayidka dowladda. Waxaa kale oo la faray inuu u hoggaansamo kala madaxbanaanida hay’adaha dowladda ee fulinta, garsoorka iyo sharcidajinta ee la xiriira arrimaha shaqaalaha.
Intaas kadib guddiga ayaa ugu dmabeyn u hoggaansamay tallaabada Baarlamaanka, wuxuuna joojiyay boosaskii la xayaysiiyay ee agaasimeyaasha waaxda maamulka shaqaalaha ee wasaaradaha iyo hay’adaha Dowladda. Tallaabadan ayaa dhabar-jab wayn ku ah Ra’iisul wasaaraha oo damacsanaa qorshe dib u habeyn loogu sameynayo shaqaalaha dowladda.
“Iyadoo la fulinayo Qaraarka Golaha Shacabka ee summaddiisu tahay Tix: GHSH/B-11/23/09/2026, kuna taariikheysan 23/09/2026, kaasoo ujeeddadiisu tahay Qaraarka Golaha Shacabka ee Laalista Xeer Lr. 132 ee 11/05/2025 iyo Qaraarka Higelinta Hannaanka Tartanka Furan ee Shaqaalaha Dowladda ee Doorsoocasho ee Ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha Lr.
205 ee 17/09/2026. Si waafaqsan Qodobka 1aad ee Qaraarka Golaha Shacabka BJFS, waxaa la hakiyey boosaskii la xayeysiiyey ee Agaasimiyaasha Waaxda Maamulka Shaqaalaha ee Wasaaradda & Hay’adaha Dowladda,” ayaa lagu yiri qoraalka uu soo saaray guddiga shaqaalaha rayidka.
Sidoo kale, waxaa la faray dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya in ay ka gutaan waajibaadka kaga aadan fulinta Qaraarka Golaha Shacabka.
Waxaa kale oo qoraalka lasii raaciyay “Sidaas darteed, si waafaqsan Qodobka 2aad ee Qaraarka iyo Qodobka 158aad iyo 159aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee Federaalka, waxa uu waajibaadkiisa u gudan doonaa si waafaqsan Dastuurka, sidoo kale, Guddiga wuxuu warbixinno joogto ah siin doonaa Golaha Shacabka arrimaha la xiriira fulinta qaraarka iyo tallaabooyinkiisa waxqabadkiisa”.
Si kastaba, ha’ahaatee, Arrintan ayaa keentay is-qab-qabsi awoodeed oo durbo ka dhex bilowday guddoonka Baarlamaanka iyo xafiiska Ra’iisul wasaaraha. Is-haysiga labada xafiis ayaa loo arkaa mid salka ku haya ku tartanka awoodda iyo saamaynta siyaasadda ee dalka.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · xamza · guddiga · shaqaalaha
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Guddiga Shaqaalaha Rayidka oo soo saaray amar ku saabsan dib-u-eegista Qaraar uu horay u meelmariyay Golaha Shacabku
Goobjoog Somali
- DEG DEG: Ra’iisul wasaare Xamza oo sameeyay magacaabis cusub + Sawirro
Caasimada Online
- R/W Xamza oo shaaciyey in doorasho laga qabanayo deeganada Jubaland iyo habka
Caasimada Online