DEG DEG: Ra’iisul wasaare Xamza oo sameeyay magacaabis cusub + Sawirro
Muqdisho (Caasimada Online) -Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay agaasimeyaasha guud ee qaar ka mid ah wasaaradaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, si loo dardargeliyo hawlihii socday.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) -Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay agaasimeyaasha guud ee qaar ka mid ah wasaaradaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, si loo dardargeliyo hawlihii socday.
Xamza ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay agaasimaha guud ee wasaaradda tamarta iyo kheyraadka Biyaha, kaas oo loo magacaabay Cabdullaahi Ibraahim Cabdi.
Sidoo kale, Axmed Yuusuf Cabdulle ayaa isna loo magacaabay agaasimaha guud ee wasaaradda isgaarsiinta iyo teknolojiyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, sida lagu sheegay wareegtada.
Ra’iisul wasaraaha ayaa magacaabistan u cuskaday qodobada 119-aad, farqada (D) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna faray agaasimeyaasha cusub inay si hufan u gutaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday.
Waxaa kale oo uu ku amray inay dardargaliyaan shaqooyinka wasaaradaha ee loo igmaday, si horay loogu sii wado horumarka ay ku tallaabsaneyso xukuumadda Dan-Qaran.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe waday isbeddello cusub oo ku aaddan xukuumaddiisa oo dhawaan u dabaal-dageyso waxqabadkeeda, maadaama ay u buuxsantay 4 sanno.
Magacaabistan ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah oo ay taagan tahay xiisad soo kala dhex-gashay Xukuumadda iyo Baarlamaanka, taas oo ka dhalatay qaraarkii kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ee ku aadanaa in xilalka agaasime-waaxeedyada wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda lagu buuxiyo hannaan tartan ah, kaas oo ay gebi ahaanba meesha ka saareen xildhibaannada Golaha Shacabka.
Arrintan ayaa sidoo kale keentay is-qab-qabsi awoodeed oo durbo ka dhex bilowday guddoonka Baarlamaanka iyo xafiiska ra’iisul wasaaraha. Is-haysiga labada xafiis ayaa loo arkaa mid salka ku haya ku tartanka awoodda iyo saamaynta siyaasadda dalka.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · iisul · xamza · sameeyay
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada