Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyey kulanka Guddoonka Baarlamaannada EAC
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiGuddoomiyaha Golaha Shacabka ee Soomaaliya ayaa shir guddoomiyey kulanka 21-aad ee Guddoonka Baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ka dhacay Arusha, Tanzania, iyadoo diiradda la saaray iskaashiga baarlamaannada xubnaha ka ah.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo xiriirka baarlamaannada dalalka ku mideysan EAC, horumarinta diblomaasiyadda baarlamaanka, is-weydaarsiga khibradaha iyo sidii is-dhexgalka Bariga Afrika uu shacabka dalalka xubnaha ka ah ugu horseedi lahaa faa’iidooyin muuqda.
- Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa ka qaybgalayaasha kulanka la wadaagay horumarka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dowlad-dhiska, dhameystirka iyo ansixinta Dastuurka, amniga iyo sarreynta sharciga, maamulka maaliyadda guud iyo horumarinta dhaqaalaha.
- Guddoomiyuhu wuxuu xusay in Golaha Shacabka uu ansixiyey in ka badan 56 sharci iyo 18 qaraar, isagoo tilmaamay in himilada Golaha ay tahay gudashada waajibaadkiisa dastuuriga ah, gaar ahaan sharci-dejinta iyo korjoogteynta, iyo u adeegidda danaha shacabka Soomaaliyeed.
- Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in baarlamaannada Bariga Afrika ay yeeshaan iskaashi xooggan, hay’ado adkaysi leh iyo wada-shaqeyn wax-ku-ool ah oo horseedda horumar iyo is-dhexgal dhab ah oo ka dhex dhaca bulshada gobolka.
Sida ay sheegtay Goobjoog Somali
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin natiijooyinka gaarka ah ee kulanka la gaaray?
Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa shir guddoomiyey kulanka 21-aad ee Guddoonka Baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika (EAC).
- Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo xiriirka baarlamaannada dalalka ku mideysan EAC.
- Soomaaliya ay ka go'an tahay inay si buuxda uga qayb qaadato dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga iyo is-dhexgalka Bulshada Bariga Afrika.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Arusha, Tanzania – 2 Oktoobar 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika (EAC), Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa magaalada Arusha ee dalka Tanzania ku shir guddoomiyey kulanka 21-aad ee Guddoonka Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo xiriirka baarlamaannada dalalka ku mideysan EAC, horumarinta diblomaasiyadda baarlamaanka, is-weydaarsiga khibradaha iyo sidii is-dhexgalka Bariga Afrika uu shacabka dalalka xubnaha ka ah ugu horseedi lahaa faa’iidooyin muuqda.
Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa ka qaybgalayaasha kulanka la wadaagay horumarka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dowlad-dhiska, dhameystirka iyo ansixinta Dastuurka, amniga iyo sarreynta sharciga, maamulka maaliyadda guud iyo horumarinta dhaqaalaha.
Guddoomiyuhu wuxuu xusay in Golaha Shacabka uu ansixiyey in ka badan 56 sharci iyo 18 qaraar, isagoo tilmaamay in himilada Golaha ay tahay gudashada waajibaadkiisa dastuuriga ah, gaar ahaan sharci-dejinta iyo korjoogteynta, iyo u adeegidda danaha shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in baarlamaannada Bariga Afrika ay yeeshaan iskaashi xooggan, hay’ado adkaysi leh iyo wada-shaqeyn wax-ku-ool ah oo horseedda horumar iyo is-dhexgal dhab ah oo ka dhex dhaca bulshada gobolka.
Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay inay si buuxda uga qayb qaadato dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga iyo is-dhexgalka Bulshada Bariga Afrika.
Intii uu socday kulanka, Guddoomiyaha Golaha Shacabka wuxuu sidoo kale ku dhawaaqay in Soomaaliya ay diyaar u tahay martigelinta Kulanka 22-aad ee Guddoonka Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika, kaas oo lagu qaban doono magaalada Muqdisho dhammaadka bisha Janaayo 2027.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa muujiyey rajada laga qabo in Muqdisho ay si wanaagsan ugu soo dhoweyso Guddoonka Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada EAC, iyadoo kulankaasi la filayo inuu sii xoojiyo dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo Bulshada Bariga Afrika iyo iskaashiga baarlamaannada gobolka.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Soomaaliya ayaa shir guddoomiyey kulanka 21-aad ee Guddoonka Baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ka dhacay Arusha, Tanzania, iyadoo diiradda la saaray iskaashiga baarlamaannada xubnaha ka ah.
Qodobada muhiimka ah
- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa shir guddoomiyey kulanka 21-aad ee Guddoonka Baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika (EAC).
- Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo xiriirka baarlamaannada dalalka ku mideysan EAC.
- Soomaaliya ay ka go'an tahay inay si buuxda uga qayb qaadato dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga iyo is-dhexgalka Bulshada Bariga Afrika.
- Guddoomiyaha Golaha Shacabka wuxuu sidoo kale ku dhawaaqay in Soomaaliya ay diyaar u tahay martigelinta Kulanka 22-aad ee Guddoonka Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika, kaas oo lagu qaban doono magaalada Muqdisho dhammaad
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dhinacyada kale ee ku lug leh wadahadalada EAC.
- Eedeymaha ku saabsan guulaha sharci-dejinta Soomaaliya ayaa la weriyay iyada oo aan la xaqiijin madax-bannaan.
- Ilo dibadda ah laguma xusin si loo xaqiijiyo faahfaahinta kulanka.
Gunaanadka akhristaha
Kulanka wuxuu muujinayaa doorka firfircoon ee Soomaaliya ee iskaashiga gobolka ee Bulshada Bariga Afrika.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin natiijooyinka gaarka ah ee kulanka la gaaray?
- Sidee loo hirgelin doonaa iskaashiga baarlamaannada EAC si wax ku ool ah?
- Maxay yihiin caqabadaha Soomaaliya ka horyimid martigelinta kulanka xiga ee EAC?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · baarlamaannada · golaha · shacabka
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Safiirka Soomaaliya ee Tanzania oo Arusha ku Soo Dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka
Shabelle Media
- Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Qaabilay Wafdi uu Hoggaaminayay Guddoomiyihii Hore ee Golaha Shacabka
Shabelle Media
- Xogta kulan xasaasi ah oo caawa yeelanayaan Aadan Madoobe iyo ergo dhex-dhexaadin ah
Caasimada Online