Xogta kulan xasaasi ah oo caawa yeelanayaan Aadan Madoobe iyo ergo dhex-dhexaadin ah
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiKulan gaar ah ayaa la filayaa inuu caawa magaalada Baydhabo ku dhexmaro hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Madoobe, iyo ergo dhex-dhexaadin ah oo uu hoggaaminayo Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Go’aan la gaarayIntii ay joogeen magaalada, ergadu waxay kulan hordhac ah la yeesheen Aadan Madoobe iyo guddi uu dhawaan magacaabay oo isugu jira dhaqan iyo siyaasiyiin.
- Wafdiga Maxamed Mursal ayaa maanta gaaray Baydhabo, waxaana ku jira lix xubnood oo dhammaantood ah xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
- Ergada dhex-dhexaadinta wada ayaa sidoo kale hore magaalada Nairobi kula kulantay Madaxweynihii Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, kaas oo wada-hadallada miro-dhalka ah shardi uga dhigay in Aadan Madoobe uu xilka ka dego.
- Kulanka caawa ayaa imanaya xilli labada dhinac ay weli ku kala aragti duwan yihiin cidda maamuleysa Koonfur Galbeed, iyadoo khilaafka siyaasadeed uu saameyn ku yeeshay xaaladda magaalada Baydhabo iyo guud ahaan maamulka.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin natiijooyinka gaarka ah ee laga filayo kulanka caawa?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Kulan gaar ah ayaa la filayaa inuu caawa magaalada Baydhabo ku dhexmaro hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo ergo dhex-dhexaadin ah oo uu hoggaaminayo Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Maxamed
- Wafdiga Maxamed Mursal ayaa maanta gaaray Baydhabo, waxaana ku jira lix xubnood oo dhammaantood ah xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
- Ergada dhex-dhexaadinta wada ayaa sidoo kale hore magaalada Nairobi kula kulantay Madaxweynihii Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, kaas oo wada-hadallada miro-dhalka ah shardi uga dhigay in Aadan Madoobe uu xilka ka de
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Baydhabo (Caasimada Online) – Kulan gaar ah ayaa la filayaa inuu caawa magaalada Baydhabo ku dhexmaro hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo ergo dhex-dhexaadin ah oo uu hoggaaminayo Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
Wafdiga Maxamed Mursal ayaa maanta gaaray Baydhabo, waxaana ku jira lix xubnood oo dhammaantood ah xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Wafdigan ayaa qayb ka noqonaya dadaallada lagu doonayo in xal laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed.
Intii ay joogeen magaalada, ergadu waxay kulan hordhac ah la yeesheen Aadan Madoobe iyo guddi uu dhawaan magacaabay oo isugu jira dhaqan iyo siyaasiyiin. Guddigaas waxaa guddoomiye u ah Suldaan Warsame Ibroow, waxaana dhinacyadu ka wada-hadleen xaaladda siyaasadeed iyo amni ee ka taagan gobolka.
Ergada dhex-dhexaadinta wada ayaa sidoo kale hore magaalada Nairobi kula kulantay Madaxweynihii Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, kaas oo wada-hadallada miro-dhalka ah shardi uga dhigay in Aadan Madoobe uu xilka ka dego.
Kulanka caawa ayaa imanaya xilli labada dhinac ay weli ku kala aragti duwan yihiin cidda maamuleysa Koonfur Galbeed, iyadoo khilaafka siyaasadeed uu saameyn ku yeeshay xaaladda magaalada Baydhabo iyo guud ahaan maamulka.
Inkastoo dadaallada dhex-dhexaadintu ay hadda bilow yihiin, haddana waxaa muuqata in dhinacyadu ay ku kala fog yihiin qodobbada ugu waaweyn ee khilaafka, taas oo ka dhigaysa inaan si degdeg ah loo filan natiijo kama dambeys ah.
Qaar kamid ah siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ayaa qaba in mudnaanta koowaad ee wada-hadallada ay tahay in la gaaro xabbad-joojin degdeg ah oo dhex marta labada dhinac ee isku haya hoggaanka maamulka.
Wada-hadalladan ayaa imanaya xilli maalmihii dambe ay Baydhabo ka dhaceen dagaallo qaraar, iyadoo haatan mudnaanta la siinayo sidii loo dejin lahaa xaaladda amni ee magaalada iyo isfaham isku soo dhawaansho ah oo dhinacyadu ay gaaraan.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Kulan gaar ah ayaa la filayaa inuu caawa magaalada Baydhabo ku dhexmaro hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Madoobe, iyo ergo dhex-dhexaadin ah oo uu hoggaaminayo Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
Qodobada muhiimka ah
- Kulan gaar ah ayaa la filayaa inuu caawa magaalada Baydhabo ku dhexmaro hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo ergo dhex-dhexaadin ah oo uu hoggaaminayo Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Maxamed
- Wafdiga Maxamed Mursal ayaa maanta gaaray Baydhabo, waxaana ku jira lix xubnood oo dhammaantood ah xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
- Ergada dhex-dhexaadinta wada ayaa sidoo kale hore magaalada Nairobi kula kulantay Madaxweynihii Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, kaas oo wada-hadallada miro-dhalka ah shardi uga dhigay in Aadan Madoobe uu xilka ka de
- Qaar kamid ah siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ayaa qaba in mudnaanta koowaad ee wada-hadallada ay tahay in la gaaro xabbad-joojin degdeg ah oo dhex marta labada dhinac ee isku haya hoggaanka maamulka.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha Aadan Madoobe ama siyaasiyiin kale oo ku lug leh.
- Eedeymaha ku saabsan shuruudaha dhex-dhexaadinta iyo xaaladda siyaasadeed waxay ku saleysan yihiin bayaanno aan la xaqiijin.
- Ma jiraan xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan faahfaahinta ku saabsan wada-hadallada xabbad-joojinta.
Gunaanadka akhristaha
Kulanka caawa waa tallaabo muhiim ah oo lagu xallinayo xiisadaha siyaasadeed ee socda ee Koonfur Galbeed.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin natiijooyinka gaarka ah ee laga filayo kulanka caawa?
- Sidee loo maareyn doonaa xiisadaha siyaasadeed ee Baydhabo ka dib kulankan?
- Maxay noqon doonaan cawaaqibka haddii Aadan Madoobe uusan xilka ka degin?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · aadan · dhex · dhexaadin
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Aadan Madoobe oo dalbaday wada-hadal iyo ergo gaartay Baydhaba
Caasimada Online
- Waa Kuma Dr. Maxamed Aadan Sheekh?
Goobjoog Somali
- Kulan dhex maray Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka
Goobjoog Somali