Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi sare oo ka socda Ciidanka Cirka Pakistan
Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi sare oo ka socda Ciidanka Cirka Pakistan. Wafdiga…
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi sare oo ka socda Ciidanka Cirka Pakistan.
Wafdiga waxaa hoggaaminayay Taliyaha Difaaca Cirka ahna Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Cirka Pakistan, Air Marshal Muhammad Sarfraz.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji.
Intii uu socday kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iyo dardargelinta dhismaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, gaar ahaan horumarinta awoodda ciidan, tayeynta iyo tababarka ciidamada iyo xoojinta iskaashiga dhinaca difaaca ee Soomaaliya iyo Pakistan.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dadaalladan ay qeyb ka yihiin qorshayaasha lagu horumarinayo Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, si loo xoojiyo awoodda difaaca cirka ee dalka loona dardargeliyo howlaha Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · xasan · sheekh · socda
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada