Mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo iska celiyay baasaboorka Kenya
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee dowladda federaalka Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid ayaa maanta ku dhawaaqay in uu ka tanaasulay dhalasho uu… Sii akhri
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee dowladda federaalka Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid ayaa maanta ku dhawaaqay in uu ka tanaasulay dhalasho uu ka haystay dalka Kenya.
Jibriil Cabdirishiid oo tagay safaaradda dowladda Kenya ku leedahay magaalada Muqdisho ayaa mas’uuliyiintii halkaas joogtay u dhiibay baasaboorkii uu ka haystay dalkaas, oo xusay in uu lahaa dhowr iyo labaatan sano.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad Soomaaliya wuxuu qof kasta oo Soomaali ah oo haysta dhalashada dalka Kenya ka codsaday in uu iska celiyo, islamarkaana ay ku kalsoonaadaan baasaboorka dalkooda Soomaaliya.
Jibriil wuxuu ka mid ahaa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo dhawaan laga soo celiyay garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay baasaboorka Kenya ku qaateen sifo aan sharci ahayn.
PUNTLAND POST
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · soomaaliya · dowladda · iska