Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhawaaqay hirgelinta hannaanka tartanka furan ee shaqaalaha dowladda
Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, isaga oo ka duulaya Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Qodobka 161-aad, farqaddiisa 1-aad, Sharciga Shaqaalaha Rayidka ah, Qodobkiisa 7-aad, iyo dhammaan xeerarka…
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, isaga oo ka duulaya Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Qodobka 161-aad, farqaddiisa 1-aad, Sharciga Shaqaalaha Rayidka ah, Qodobkiisa 7-aad, iyo dhammaan xeerarka, shuruucda iyo qaraarrada la xiriira Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda Federaalka, ayaa faray dhammaan Wasiirrada iyo mas’uuliyiinta kale ee dowladda in si buuxda oo aan dib-u-dhac lahayn loo hirgeliyo hannaanka shaqaalaysiinta iyo magacaabista ku salaysan kartida iyo mudnaanta.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa faray Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda in 20-ka Sebtembar la bilaabo wajiga koowaad ee dib-u-habaynta Agaasime Waaxeedyada, maadaama ay laf-dhabar u yihiin maamulka hay’adaha dowladda, ayna door muuqda ka qaataan hoggaaminta, hirgelinta siyaasadaha, fulinta qorsheyaasha iyo joogteynta shaqada hay’adaha.
Marka la hirgeliyo wajiga koowaad, dib-u-habayn ayaa lagu sameyn doonaa Agaasimayaasha Guud ee hay’adaha dowladda, iyadoo lagu salaynayo karti, aqoon, khibrad, hoggaamin iyo waxqabad, si loo dhiso hoggaan maamul oo xirfad leh, isla-xisaabtan leh, kana shaqeeya natiijooyin muuqda.
Mudane Xamsa ayaa sheegay in ujeeddada laga leeyahay nidaamkan ay tahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay yeelato hoggaan maamul oo xirfad leh oo joogto ah, awoodna u leh inuu hirgeliyo siyaasadda dowladda, una beddelo natiijooyin muuqda oo ay markhaati ka noqdaan shacabka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa xusay in afartii sano ee la soo dhaafay Xukuumadda DanQaran ay qaaday tallaabooyin muhiim ah oo lagu xoojinayo dhismaha, maamulka iyo tayada hay’adaha dowladda, iyada oo ujeeddadu tahay in la helo hay’ado dowladeed oo leh saldhig sharci iyo maamul adag, iyo Shaqaale Rayid ah oo leh aqoon, karti iyo karaan ku filan gudashada waajibaadka saaran.
“Waxaan dhidibka u taagnay tiirar sharci iyo kuwa hay’adeed ee lagama maarmaanka u ah dib-u-habaynta iyo horumarinta shaqaalaha rayidka ah. Waxa aan ansixinnay sharciyo, siyaasado, xeerar iyo qaab-dhismeedyo muhiim ah oo hagaya maamulka hay’adaha iyo shaqaalaha dowladda,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray dhammaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda in si buuxda loo hirgeliyo qaab-dhismeedyada hay’adaha ee la ansixiyey, iyada oo xilalka Agaasime Waaxeedyada lagu buuxinayo hannaan tartan furan.
Sidoo kale, dhammaan shaqaalaha u qalma ee ku jira adeegga rayidka ah waa in la siiyo fursad loo siman yahay oo ay ugu tartamaan xilalkaas, halka wixii xil ama jago bannaan ah ee shaqaalaha dowladda ah lagu buuxinayo hannaan tartan furan oo waafaqsan shuruucda iyo xeerarka dowladda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · dowladda · xamsa · shaqaalaha
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada