Maxaa laga yiri geerida ku timid Madaxweynihii hore ee HirShabelle?
Waxa dhacay
Hal il · Caasimada Online
Madaxweynihii hore ee HirShabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ku geeriyooday dalka Masar.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Marxuumka ayaa maalmihii u dambeeyay uu ku jiray xaalad caafimaad, isagoo ugu dambeyn uu ku geeriyooday magaalada Qaahira, sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah eheladiisa.
- Cali Cabdullaahi Cosoble wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho 15-kii bishii June sanadkii 1961-kii, wuxuuna ku soo barbaaray qoys caan ku ahaa siyaasadda Soomaaliya.
- “Allaha u naxariisto walaalkeey Cali Cabdullaahi Cosoble Madaxweynihii 1-aad ee Hirshabeelle waxa uu doorar kala duwan kasoo qaatay Dowlad-dhiska iyo nabadda Soomaaliya, sidoo kale waxa uu bud-dhig u ahaa Dowladnimada Hirshabeelle.”
- Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Mudane Xasan Cali Khayre oo isna ka tacsiiyay geerida ku timid Cali Cosoble ayaa sheegay inuu door wayn ka qaatay dhismaha HirShabelle.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin duruufaha gaarka ah ee ku xeeran geerida Cosoble?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Cali Cabdullaahi Cosoble wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho 15-kii bishii June sanadkii 1961-kii.
- Hoggaamiyaha Dowlad-gobaleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo qoraal soo saaray ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
- Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Mudane Xasan Cali Khayre oo isna ka tacsiiyay geerida ku timid Cali Cosoble ayaa sheegay inuu door wayn ka qaatay dhismaha HirShabelle.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda Soomaaliyeed ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay geerida ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Cali Cabdullaahi Cosoble, oo ahaa Madaxweynihii ugu horreeyay ee dowlad-goboleedka HirShabelle, kaas oo xalay ku geeriyooda dalka Masar.
Marxuumka ayaa maalmihii u dambeeyay uu ku jiray xaalad caafimaad, isagoo ugu dambeyn uu ku geeriyooday magaalada Qaahira, sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah eheladiisa.
Cali Cabdullaahi Cosoble wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho 15-kii bishii June sanadkii 1961-kii, wuxuuna ku soo barbaaray qoys caan ku ahaa siyaasadda Soomaaliya. Aabbihiis, Cabdullaahi Cosoble Siyaad, wuxuu soo noqday Wasiirkii Boostada iyo Isgaarsiinta dowladdii Maxamed Siyaad Barre sanadihii 1970-meeyadii iyo 1980-meeyadii, halka awoowgiis dhinaca hooyada, Axmed Geelle, uu ahaa Wasiirkii Cadaaladda ka hor xukunkii milatariga.
Hoggaamiyaha Dowlad-gobaleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo qoraal soo saaray ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday madaxweynihii hore ee HirShabelle, Cali Cabdullaahi Cosoble.
“Allaha u naxariisto walaalkeey Cali Cabdullaahi Cosoble Madaxweynihii 1-aad ee Hirshabeelle waxa uu doorar kala duwan kasoo qaatay Dowlad-dhiska iyo nabadda Soomaaliya, sidoo kale waxa uu bud-dhig u ahaa Dowladnimada Hirshabeelle.” Sidaasi waxaa yiri Hoggaamiyaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Mudane Xasan Cali Khayre oo isna ka tacsiiyay geerida ku timid Cali Cosoble ayaa sheegay inuu door wayn ka qaatay dhismaha HirShabelle.
“Waxaan qoyskiisa, qaraabadiisa, gaar ahaan shacabka reer Hiiraan iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Madaxwaynihii hore ee Hirshabeelle, marxuum Cali Cabdullahi Cosoble oo ku geeriyooday magaalada Qaahira ee dalka Masar. Madaxwayne Cali Cabdullahi Cosoble, waxa uu kaalin wayn ka qaatay dhismaha Dowladgobaleedka Hirshabeelle,” ayuu isna yiri Mudane Xasan Cali Khayre.
Madaxweynaha maamulka Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Deni ayaa isaguna diray dhambaa tacsi ah, wuxuuna marxuumka Alle uga baryay inuu ka waraabiyo Janatl Fardowsa.
“Allaah ha u naxariisto Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo geeriyooday, wuxuu ahaa masuul dadkiisa iyo dalkiisa ugusoo shaqeeyay xilal kala duwan. Waxaan geeridiisa uga tacsiyadaynaynaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, eheladii iyo qoyskii uu ka geeriyooday, marxuumka Allaah ha u danbi dhaafo, hoygiisana janatul fardowsa Allaah ha dhigo, dhammaanteenna Allaah Samir iyo iimaan ha inaga wada siiyo, Aamiin,” ayuu yiri Saciid Deni.
Taliyihii hore ee NISA, Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) “Allaha u naxariisto Walaalkeey, Saaxibkey Madaxweynihii hore ee Hirshabele Cali Cabdullaahi Cosoble oo xalay ku geeriyoodey dalka Masar. Dhammaan Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Ummadda Soomaaliyeed samir iyo iimaan Allaha ka siiyo Hana ka waraabiyo Naxariistiisa Jannatul Firdowsadii Sareysay. Cali waxa uu ahaa nin dadka iyo dalka u soo shaqeeyey mudo dheer. Dhankeyga cafis iyo masaamax”.
Wasiirkii hore ee amniga gudaha,Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa isna Waxaan halkan tacsi uga dirayaa Qoyska, Qaraabada, iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Dr. Cali C/llaahi Cosoble. Marxuumka wuxuu kaalin weyn kasoo qaatay dowlad dhiska Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Hirshabeelle. Waxaaan Alle uga baryeynaa inuu naxariistiisa ugu deeqo, jannatul firdowsana ka waraabiyo
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Madaxweynihii hore ee HirShabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ku geeriyooday dalka Masar. Madaxda Soomaaliyeed ayaa tacsi u diray geerida uu ku geeriyooday.
Qodobada muhiimka ah
- Madaxweynihii hore ee HirShabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ku geeriyooday dalka Masar.
- Cali Cabdullaahi Cosoble wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho 15-kii bishii June sanadkii 1961-kii.
- Hoggaamiyaha Dowlad-gobaleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo qoraal soo saaray ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
- Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Mudane Xasan Cali Khayre oo isna ka tacsiiyay geerida ku timid Cali Cosoble ayaa sheegay inuu door wayn ka qaatay dhismaha HirShabelle.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha la soo bandhigay.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka yimid dhinacyada kale ee ku saabsan geerida.
- Faahfaahinta ku saabsan sababta geerida ma cadda.
Gunaanadka akhristaha
Geerida Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa keentay tacsi ka timid madaxda Soomaaliyeed, taasoo muujinaysa doorkiisa ku aaddan HirShabelle.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin duruufaha gaarka ah ee ku xeeran geerida Cosoble?
- Ma jiri doontaa xaflad rasmi ah ama aaskiisa?
- Sidee geerida Cosoble u saameyn doontaa xaaladda siyaasadeed ee HirShabelle?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · madaxweynihii · hirshabelle · geerida
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada