Maxaa looga hadlayaa shirka Qaramada midoobe ee sanadkan?
Golaha Guud ee Qaramada Midoobay waa hay’adda ugu weyn ee doodaha iyo dejinta siyaasadaha guud ee Qaramada Midoobay, waxaana ku mideysan 193 dal, iyadoo dal kasta uu leeyahay hal cod.
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Golaha Guud ee Qaramada Midoobay waa hay’adda ugu weyn ee doodaha iyo dejinta siyaasadaha guud ee Qaramada Midoobay, waxaana ku mideysan 193 dal , iyadoo dal kasta uu leeyahay hal cod.
Golaha ayaa looga hadlaa arrimo badan oo khuseeya nabadda, amniga, horumarka, dhaqaalaha, cimilada iyo arrimaha bani’aadannimada.
Toddobaadka shirka heerka sare ee Golaha Guud ee sanadkan ayaa ka socda New York, iyadoo doodda guud ee kalfadhiga 81-aad ay bilaabatay 22-ka Sebtembar , waxaana qorshuhu yahay in madaxda iyo wakiillada sare ay khudbado jeediyaan illaa 28-ka Sebtembar.
Qaramada Midoobay waxay sheegtay in ku dhowaad 130 madax dowladeed iyo madax dal ay si toos ah uga qeybgalayaan toddobaadka heerka sare.
Madasha Golaha Guud ayaa muddo dheer ahayd goob ay hoggaamiyayaashu kaga hadlaan arrimaha ugu waaweyn ee xilliyadooda.
Khudbadaha qaar waxay diiradda saareen colaadaha iyo hanjabaadaha amni, halka kuwo kalena ay taabteen dagaallada, xuquuqda aadanaha, horumarka iyo iskaashiga caalamiga ah.
Haddaba oraahyo laga soo qaatay khudbadihii hoggaamiyayaal kala duwan, ayaa waxay qofka akhrisanaya uu aqoonsado hoggaamiyihii lahaa hadal kasta.
Barnaamijkan ayaa soo baxay xilli Golaha Guud uu wajahayo ajande ballaaran oo ay ku jiraan arrimo la xiriira nabadda iyo amniga caalamka, isbeddelka cimilada, diyaar-garowga cudurrada faafa, kor u kaca heerka badda, horumarka waara iyo la-dagaallanka takoorka .
Qaramada Midoobay waxay sheegtay in kulamada sanadkan lagu qabanayo mowduucyo dhowr ah oo u baahan iskaashi caalami ah.
Waxaa maanta, 23-ka Sebtembar , sidoo kale Qaramada Midoobay lagu qabanayaa kulan heer sare ah oo lagu xusayo 40-guuradii Bayaanka Xuquuqda Horumarka , kaas oo Golaha Guud lagu ansixiyey 1986.
Bayaankaasi wuxuu xoogga saarayaa ka-qaybgalka bulshada, fursadaha loo siman yahay iyo qaybsi cadaalad ah oo khayraadka dhaqaale ah.
Maalmaha soo socda waxaa ajandaha ku jira kulamo kale oo heer sare ah, oo ay ka mid yihiin kulan ku saabsan khatarta ka dhalanaysa kor u kaca heerka badda , kulan ku saabsan ka-hortagga iyo u diyaar-garowga cudurrada faafa , iyo kulan lagu xusayo 25-guuradii Bayaanka iyo Barnaamijka Waxqabadka Durban ee la-dagaallanka cunsuriyadda iyo takoorka.
Khudbadaha laga jeediyo Golaha Guud ma aha oo keliya hadallo loo jeediyo wakiillada dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay; waxay sidoo kale noqdeen qeyb ka mid ah diiwaanka siyaasadda iyo diblomaasiyadda caalamka.
Hadallada qaarkood waxay noqdeen kuwo lagu xuso buugaagta taariikhda, warbaahinta iyo doodaha siyaasadeed ee caalamiga ah.
Golaha Guud ee 81-aad ayaa sanadkan ku shaqeynaya hal-ku-dhigga “Restoring trust, managing transformation: A United Nations that delivers for all” , waxaana doodda guud ay soconaysaa iyadoo hoggaamiyayaasha iyo wakiillada 193-ka dal ay soo bandhigayaan mowqifyadooda iyo mudnaanta ay siinayaan arrimaha caalamka.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · qaramada · maxaa · shirka
Sii akhri
- WAR DEG DEG AH:Madaxwayne Dani oo ka codsaday Qaramada Midoobay in Puntland ay ka godo Soomaaliya
Hiiraanweyn
- Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay furitaanka Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay
Goobjoog Somali
- Muqdisho oo lagu soo xiray Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya 2026
Goobjoog Somali