Puntland: Ciidamo tababar loogu soo xiray Gaalkacyo
Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Puntland, Maxamed Baarri Shire, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Sarreeye Guuto Muumin Cabdi… Sii akhri
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Puntland, Maxamed Baarri Shire, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Sarreeye Guuto Muumin Cabdi Shire, ayaa maanta soo xiray tababarka Dufcadda 10-aad ee Ciidanka Booliiska Puntland, kuwaas oo ka qalin-jebiyay Dugsiga Tababarka Gen. Carays Godad ee magaalada Gaalkacyo.
Munaasabadda qalin-jebinta waxaa ka qaybgalay xubno ka tirsan Golaha Wakiillada Puntland, Golaha Wasiirrada, saraakiisha ciidamada kala duwan, maamulka Degmada Gaalkacyo iyo marti sharaf kale.
Ciidamada qalin-jebinayay ayaa munaasabadda ku soo bandhigay aqoonta, xirfadaha iyo tababarradii kala duwanaa ee ay soo qaateen muddadii ay ku jireen dugsiga tababarka, iyagoo muujiyay heerka ay u diyaarsan yihiin gudashada waajibaadka amniga iyo ilaalinta shacabka.
Masuuliyiinta munaasibadda ka hadlay ayaa hambalyo u diray saraakiisha iyo askarta cusub ee qalin-jebisay, iyagoo ku boorriyey inay si daacadnimo, anshax iyo waddaniyad leh ugu adeegaan bulshada iyo dalka.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.