Sawirro: Soomaaliya oo shir guddoomisay kulan aan caadi aheyn oo ka dhacay Nairobi
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiGuddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa shir-guddoomiyey kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen guddoomiyeyaasha baarlamaannada dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika (EAC) ee Nairobi.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga baarlamaannada iyo dardargelinta is-dhexgalka gobolka, iyadoo laga hadlay arrimo muhiim u ah wada-shaqeynta iyo isku-duwidda hay’adaha sharci-dejinta ee dalalka xubnaha ka ah ururka.
- Khudbad uu ka jeediyey kulanka, Guddoomiye Jaamac ayaa uga mahadceliyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Kenya iyo guud ahaan baarlamaanka dalkaas soo dhaweynta diirran ee loo sameeyey madaxda iyo wafdiyada ka qaybgalaya shirka, iyo qabanqaabada heerka sare ah ee kulanka.
- Sidoo kale, wuxuu u mahadceliyey xoghayeyaasha baarlamaannada iyo xoghayeyaasha guud dadaalka iyo diyaar-garowga ay muujiyeen intii uu socday kulankii farsamo ee diyaarinta shirka, kaas oo qabsoomay 27-kii iyo 28-kii Oktoobar 2026.
- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa khudbaddiisa ku soo bandhigay laba qodob oo muhiim ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin dib-u-eegista horumarka laga sameeyey hirgelinta go’aankii shir-madaxeedka madaxda dalalka xubnaha ka ah EAC ee la xiriiray gunnooyinka iyo doorashada xubnaha Baarlamaanka Sharci-dejinta Bariga Afrika (EALA), kaas oo la qorsheeyey inuu dhaqan galo Diseembar 2027.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay heshiisyada gaarka ah ee la gaaray intii lagu jiray kulanka?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa shir-guddoomiyey kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen guddoomiyeyaasha baarlamaannada dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika
- Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga baarlamaanna iyo dardargelinta is-dhexgalka gobolka.
- Qodobka labaad ayaa ahaa dhageysiga warbixin ku saabsan diyaar-garowga Ciyaaraha Baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika, oo loo yaqaanno EAC Inter-Parliamentary Games, kuwaas oo lagu qaban doono magaalada Arusha ee dalka Tanzania, inta u dhe
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Nairobi (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa shir-guddoomiyey kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen guddoomiyeyaasha baarlamaannada dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika (EAC), kaas oo lagu qabtay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga baarlamaannada iyo dardargelinta is-dhexgalka gobolka, iyadoo laga hadlay arrimo muhiim u ah wada-shaqeynta iyo isku-duwidda hay’adaha sharci-dejinta ee dalalka xubnaha ka ah ururka.
Khudbad uu ka jeediyey kulanka, Guddoomiye Jaamac ayaa uga mahadceliyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Kenya iyo guud ahaan baarlamaanka dalkaas soo dhaweynta diirran ee loo sameeyey madaxda iyo wafdiyada ka qaybgalaya shirka, iyo qabanqaabada heerka sare ah ee kulanka.
Sidoo kale, wuxuu u mahadceliyey xoghayeyaasha baarlamaannada iyo xoghayeyaasha guud dadaalka iyo diyaar-garowga ay muujiyeen intii uu socday kulankii farsamo ee diyaarinta shirka, kaas oo qabsoomay 27-kii iyo 28-kii Oktoobar 2026.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa khudbaddiisa ku soo bandhigay laba qodob oo muhiim ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin dib-u-eegista horumarka laga sameeyey hirgelinta go’aankii shir-madaxeedka madaxda dalalka xubnaha ka ah EAC ee la xiriiray gunnooyinka iyo doorashada xubnaha Baarlamaanka Sharci-dejinta Bariga Afrika (EALA), kaas oo la qorsheeyey inuu dhaqan galo Diseembar 2027.
Qodobka labaad ayaa ahaa dhageysiga warbixin ku saabsan diyaar-garowga Ciyaaraha Baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika, oo loo yaqaanno EAC Inter-Parliamentary Games, kuwaas oo lagu qaban doono magaalada Arusha ee dalka Tanzania, inta u dhexeysa 4-ta iyo 15-ka Diseembar 2026.
Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in Soomaaliya ay si buuxda ugu diyaar-garowday ka qaybgalka ciyaarahaasi, isla markaana Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu tartanka u diri doono wafdi isboorti, si loo xoojiyo xiriirka, saaxiibtinimada, isku-duubnida iyo is-dhexgalka baarlamaannada iyo dalalka gobolka.
Dhankiisa, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa guddoomiyeyaasha baarlamaannada ku dhiirrigeliyey inay si wadajir ah uga shaqeeyaan gaarista go’aanno wax-ku-ool ah oo la wada qaadan karo, kuwaas oo u adeegaya danta guud ee baarlamaannada iyo guud ahaan Bulshada Bariga Afrika.
Guddoomiye Jaamac ayaa muujiyey kalsoonida uu ku qabo in wada-tashiga iyo iskaashiga guddoomiyeyaasha baarlamaannada EAC ay horseedi doonaan natiijooyin wax-ku-ool ah oo xoojiya wada-shaqeynta, kobciya isku-duwidda hay’adaha, isla markaana horumariya himilooyinka wadajirka ah ee gobolka.
Wuxuu sidoo kale caddeeyey in Soomaaliya ay ka go’an tahay ka qaybqaadashada wada-tashi wax-ku-ool ah iyo xoojinta iskaashiga baarlamaannada dalalka Bariga Afrika.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa shir-guddoomiyey kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen guddoomiyeyaasha baarlamaannada dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika (EAC) ee Nairobi.
Qodobada muhiimka ah
- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa shir-guddoomiyey kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen guddoomiyeyaasha baarlamaannada dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika
- Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga baarlamaanna iyo dardargelinta is-dhexgalka gobolka.
- Qodobka labaad ayaa ahaa dhageysiga warbixin ku saabsan diyaar-garowga Ciyaaraha Baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika, oo loo yaqaanno EAC Inter-Parliamentary Games, kuwaas oo lagu qaban doono magaalada Arusha ee dalka Tanzania, inta u dhe
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dhinacyada kale ee ku lug leh.
- Eedeymaha ku saabsan muhiimadda kulanka waxay ku saleysan yihiin kaliya hadallada Cabdulqaadir Maxamed Nuur.
- Ma jiraan xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan natiijooyinka ama heshiisyada kulanka.
Gunaanadka akhristaha
Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa in la xoojiyo iskaashiga baarlamaannada Bariga Afrika iyo in la diyaariyo dhacdooyinka gobolka ee soo socda.
Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay heshiisyada gaarka ah ee la gaaray intii lagu jiray kulanka?
- Sidee ayay go'aannada la gaaray u saameyn doonaan iskaashiga dalalka xubnaha ka ah EAC?
- Waa maxay diyaar-garowga loo sameynayo Ciyaaraha Baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · caadi · kulan · shir
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada