Shariif oo ku dhawaaqay in Soomaaliya ay gashay marxalad adag, loona baahan yahay…
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka, isagoo sheegay in Soomaaliya ay ku jirto marxalad adag oo dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha ah.
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka, isagoo sheegay in Soomaaliya ay ku jirto marxalad adag oo dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha ah.
Shariif ayaa adkeeyay baahida loo qabo in la helo aragti mideysan oo ku aaddan sidii looga gudbi lahaa caqabadaha taagan, xilli dalka uu wajahayo marxalad adag oo kala guur ah.
“Shirkaan Himilo Qaran waxa uu imaanayaa marxalad siyaasadeed oo culus oo dalku marayo. Ujeeddadu waxay tahay in ra’yi la is dhaafsado oo ku saabsan dalka sida loo badbaadinayo, ummadda Soomaaliyeed sida loo mideynayo iyo sida hore loogu soconayo,” ayuu yiri Madaxweynihii hore oo ka hadlayay shir uu Muqdisho ku qabtay xisbigiisa Himilo Qaran.
Madaxweynihii hore ayaa tilmaamay in xaaladda hadda jirta ay u baahan tahay in Soomaalidu ay isu keento aragtideeda, isla markaana ay si wadajir ah uga shaqeyso sidii dalka looga saari lahaa marxaladda adag ee uu ku jiro.
“Waxaan joognaa marxalad adag oo u baahan in Soomaalidu ra’yigooda isu keento, fikirkeedana mideyso, una istaagto sidii marxaladdan looga gudbi lahaa,” ayuu yiri Shariif.
Waxa uu intaas kusii daray “Arrintu hadda kuma aaddana kursi iyo doorasho iyo is-riixriix, waxay si dhab ah ugu aaddan tahay masiirka ummadda iyo jiritaankeeda.”
Shariifka ayaa intaas ku daray in Soomaaliya aysan ka go’doonsanayn isbeddellada ka socda gobolka iyo dunida, sidaas darteedna loo baahan yahay in laga yeesho qorshe iyo jawaab ku habboon xaaladaha gudaha iyo kuwa caalamiga ah.
Ugu dambeyntiina wuxuu ku baaqay in Soomaalida gudaha iyo dibadda ay iska kaashadaan sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha dalka, isagoo rajo ka muujiyay in doodaha iyo isu-imaatinnada siyaasadeed ay horseedi karaan tallaabooyin wax ku ool ah.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · adag · soomaaliya · shariif
Sii akhri
- Xukuumadda Soomaaliya 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪d𝐚𝐲 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐡𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐭𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝a
Goobjoog Somali
- Soomaaliya oo Codkeeda Ku Biirisay Doodda Nabadda iyo Amniga ee Shiinaha iyo Afrika
Goobjoog Somali
- Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed oo Bogaadiyay Taageerada Turkiga ee Soomaaliya [Sawirro]
Shabelle Media