Soomaaliya oo Codkeeda Ku Biirisay Doodda Nabadda iyo Amniga ee Shiinaha iyo Afrika
Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 4-aad ee Shiinaha iyo Afrika ee Nabadda iyo Amniga, oo uu martigeliyay Wasiirka Difaaca Qaranka ee…
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 4-aad ee Shiinaha iyo Afrika ee Nabadda iyo Amniga, oo uu martigeliyay Wasiirka Difaaca Qaranka ee Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, Admiral Dong Jun.
Wasiir Fiqi ayaa madasha kaga hadlay arrimaha la xiriira nabadda, amniga iyo iskaashiga dhinaca difaaca, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha, iyo guud ahaan iskaashiga Shiinaha iyo dalalka Afrika.
Madasha ayaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga iyo difaaca, iyadoo dalalka ka qeybgalaya ay ka wada hadlayaan caqabadaha amni ee ka jira qaaradda Afrika iyo fursadaha lagu xoojin karo wada-shaqeynta caalamiga ah.
Ka qeybgalka Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sidoo kale qeyb ka ah dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirrada caalamiga ah ee dhinaca tababarka, tayeynta iyo dhismaha hay’adaha amniga iyo ciidamada qaranka.
Madasha ayaa magaalada Beijing ku soo uruurisay masuuliyiin iyo wakiillo sare oo ka kala socda Shiinaha iyo dalal badan oo Afrikaan ah, si looga wada hadlo mustaqbalka iskaashiga nabadda iyo amniga.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · afrika · amniga · soomaaliya
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada