SoDMA iyo UNDP oo Muqdisho ku Qabtay Shir Looga Diyaarinayo Istiraatiijiyadda Soo-kabashada Abaaraha
MUQDISHO – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay shir wadatashi ah oo looga hadlayay diyaarinta Istiraatiijiyadda Soo-kabashada iyo U-adkaysiga Abaaraha.
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
MUQDISHO – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay shir wadatashi ah oo looga hadlayay diyaarinta Istiraatiijiyadda Soo-kabashada iyo U-adkaysiga Abaaraha.
Shirka ayaa waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay SoDMA iyo Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP), iyadoo kulanka oo socday muddo laba maalmood ah ay ka qaybqaateen wakiillo ka kala socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedyada.
Intii uu socday shirka ayaa diiradda lagu saaray talooyin iyo aragtiyo ku saabsan sidii loo diyaarin lahaa istiraatiijiyad wax-ku-ool ah oo lagu xoojinayo soo-kabashada iyo u-adkaysiga bulshada Soomaaliyeed ee saameynta abaaraha. Talooyinka iyo aragtiyada kasoo baxay kulanka ayaa saldhig u noqon doona diyaarinta Istiraatiijiyadda Soo-kabashada iyo U-adkaysiga Abaaraha.
Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda SoDMA, Dr. Axmed Cabdi Aadan, ayaa bogaadiyay ka qaybgalayaasha iyo bah-wadaagta kaalin ka qaadanaya diyaarinta istiraatiijiyadda, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay wada-tashiga iyo iskaashiga hay’adaha kala duwan.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · soo · shir · looga
Sii akhri
- Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya
Goobjoog Somali
- Guddoomiyaha SoDMA oo Gaaray Baydhabo, Xilli Laga Digayo Saameynta Super El Niño
Shabelle Media
- Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay oo xoojinaya iskaashiga, iyadoo diiradda la saarayo nabadda, dhaqaalaha iyo amniga cuntada
Goobjoog Somali