Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Kormeer Ku Tagay Saldhigga Balidoogle
Balidoogle – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga, ayaa booqasho shaqo ku tagay Saldhigga Balidoogle, Intii uu ku guda jiray booqashadiisa, Taliyaha ayaa kormeer ku tegay Dugsiga Tababarka G/le Xasan Tuure ee Ciidanka XDS, halkaas oo ay tababar ku qaadanayaan dufcaddii 12-aad ee Kumaandooska Danab. […]

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Balidoogle – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga, ayaa booqasho shaqo ku tagay Saldhigga Balidoogle, Intii uu ku guda jiray booqashadiisa, Taliyaha ayaa kormeer ku tegay Dugsiga Tababarka G/le Xasan Tuure ee Ciidanka XDS, halkaas oo ay tababar ku qaadanayaan dufcaddii 12-aad ee Kumaandooska Danab.
Sidoo kale, Taliyaha ayaa kormeeray xeryaha Cutubka Gaarka ah ee Danab iyo Ururka 161-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Xoogg Dalka Kormeerkaasi wuxuu qeyb ka ahaa dhiirrigelinta ciidamada geesiyaasha ah ee loo diyaariyey difaaca dalka iyo la-dagaallanka kooxaha Khawaarijta.
Taliyaha ayaa hambalyo u diray saraakiisha ka tirsan Cutubyada gaarka ah ee Danab oo dhowaan loo dallacsiiyey darajooyinka kala duwan, isagoo ku boorriyey inay sii laba jibbaaraan gudashada waajibaadkooda qaran iyo difaaca shacabka Soomaaliyeed.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.