Wada-hadaladii mucaaradka iyo dowladda ee doorashooyinka oo fashilmay
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku wargeliyay in dadaallo wada-hadal oo looga gol lahaa in dhinacyada siyaasadda Soomaaliya la isku soo dhoweeyo aysan weli horseedin heshiis laga gaaro qaabka doorashada…
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku wargeliyay in dadaallo wada-hadal oo looga gol lahaa in dhinacyada siyaasadda Soomaaliya la isku soo dhoweeyo aysan weli horseedin heshiis laga gaaro qaabka doorashada dalka.
Golaha ayaa sheegay in dadaalladaas ay qayb ka ahaayeen dowladda Turkiga iyo dalalka ku bahoobay Quad, kuwaas oo kala ah Mareykanka, Boqortooyada Midowday, Qatar iyo Turkiga.
Sida uu Goluhu sheegay, wada-hadallada ayaa diiradda lagu saarayay sidii loo heli lahaa is-afgarad ku saabsan hannaanka doorashada Soomaaliya, balse dadaalladaasi aysan suuragelin in dhinacyada ay ka gaaraan heshiis mideysan.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale Golaha Ammaanka la wadaagay walaacyadiisa ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyadoo muhiimadda la saarayo in khilaafaadka jira lagu xalliyo wada-hadal iyo is-afgarad siyaasadeed.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay Soomaaliya ka taagan yihiin doodo siyaasadeed oo la xiriira hannaanka doorashada, muddo-xileedyada iyo sidii loo heli lahaa hannaan doorasho oo ay dhinacyada siyaasadeed ku wada qanacsan yihiin.
Ma ahan markii ugu horeeysay oo kulamadii mucaaradka iyo dowladda ay fashilmaan, madaama dhinacyada ay miiska wada-hadalka la yimadaan qodobo culus oo dhinacyada ku adag.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Raxanreeb Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · wada · dowladda · mucaaradka