Weriye Xasan Kaafi Qoyste oo ku geeriyooday Muqdisho
Waxaa saacadihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho la xaqiijiyay geerida weriye Xasan Kaafi, oo muddo dheer ku soo jiray mihnadda saxaafadda Soomaaliyeed, kana mid ahaa wariyeyaasha sida weyn looga yaqaanay bulshada.
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Waxaa saacadihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho la xaqiijiyay geerida weriye Xasan Kaafi, oo muddo dheer ku soo jiray mihnadda saxaafadda Soomaaliyeed, kana mid ahaa wariyeyaasha sida weyn looga yaqaanay bulshada.
Xasan Kaafi ayaa sannado badan ka shaqeynayay warbaahinta Soomaaliya, isagoo soo qabtay shaqooyin kala duwan oo la xiriira saxaafadda.
Waxa uu ka mid ahaa suxufiyiinta muddo dheer ku dhex jiray shaqada warbaahinta, waxaana lagu xusuusan doonaa doorkii uu ku lahaa tebinta iyo soo gudbinta wararka iyo barnaamijyada bulshada.
Geerida Xasan Kaafi waxaa si weyn uga tacsiyeeyay bahda warbaahinta Soomaaliyeed, iyadoo saaxiibbadiis, wariyeyaal iyo shaqsiyaad kale oo bulshada ka tirsan ay ka hadleen.
Xasan Kaafi wuxuu ahaa mid ka mid ah wariyeyaasha muddo dheer ka shaqeynayay, waxaana si gaar ah loogu xasuustaa sheekada caanka ah ee adeegto oo uu akhrin jirey.
Xasan kaafi wuxuu muddooyinkii ugu dambeeyay ka tirsanaa laanta af-soomaaliga ee VOA oo dhowaan la joojiyay qaar kamid ah barnaamijyadeeda, geeridiisana faahfaahin dheeraad ah lagama bixin.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · xasan · kaafi · muqdisho
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Wararkii ugu dambeeyay geerida ku timid Boqorka Bartamaha iyo Xasan Kaafi Qoyste
Caasimada Online
- Beesha Cayr oo Muqdisho ku soo dhaweysay Musharraxa Madaxweynaha Galmudug Liibaan Axmed Xasan
Goobjoog Somali
- Wafdi uu hoggaaminayo murashaxa madaxweynaha Galmudug Liibaan Axmed Xasan oo Gaaray Guriceel
Goobjoog Somali