Wararkii ugu dambeeyey ee xiisadda Eritrea iyo Itoobiya – Maxay Asmara maanta sameysay?
Waxa dhacay
70 ilbiriqsiDowladda Eritrea ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dalbatay inuu cambaareeyo waxa ay ku tilmaantay dagaal ay Itoobiya ku dhawaaqday, iyadoo xiisadaha u dhexeeya labada waddan ay sii xoogeysanayaan.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea, Osman Saleh, ayaa warqad uu 10-ka October u diray Golaha Ammaanka ku eedeeyay dowladda Itoobiya inay diyaarineyso duullaan ka dhan ah dalkiisa, isla markaana ay isku dayeyso inay weerarkaasi ugu qiil hesho sheegashooyin la xiriira xaqa is-difaacidda.
- Saleh ayaa si adag u beeniyay eedeymaha Itoobiya ee sheegaya in ciidamo Eritrean ah ay gudaha u galeen dhulkeeda, wuxuuna ku tilmaamay marmarsiinyo lagu doonayo in lagu sharciyeeyo dagaal ka dhan ah dalkiisa.
- “Isku dayga marin-habaabinta ah ee Itoobiya ay ku dooneyso inay falalkeeda dagaal ee ka dhanka ah dal madax-bannaan oo xubin ka ah Qaramada Midoobay ugu qiil hesho ‘is-difaacid’ waa arrin aan sal iyo raad lahayn, isla markaana meel ka dhac ku ah garashada beesha caalamka,” ayuu Saleh ku yiri warqadda.
- Wasiirka ayaa Golaha Ammaanka ugu baaqay inuu si adag u cambaareeyo waxa uu ugu yeeray dagaalka ay Itoobiya ku dhawaaqday, isla markaana uu qaado tallaabooyin ka hortag ah oo waafaqsan cutubka toddobaad ee Axdiga Qaramada Midoobay.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa xiisadaha sii kordhaya ee u dhexeeya Eritrea iyo Itoobiya, taasoo saameyn weyn ku yeelan karta xasiloonida gobolka.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee Golaha Ammaanka uu qaadi doono si uu uga jawaabo codsiga Eritrea?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Dowladda Eritrea ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dalbatay inuu cambaareeyo waxa ay ku tilmaantay dagaal ay Itoobiya ku dhawaaqday.
- Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea, Osman Saleh, ayaa warqad uu 10-ka October u diray Golaha Ammaanka ku eedeeyay dowladda Itoobiya inay diyaarineyso duullaan ka dhan ah dalkiisa.
- Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Gedion Timothewos, uu isaguna Golaha Ammaanka u gudbiyay qoraal uu ku eedeeyay Eritrea inay duullaan ballaaran ku soo qaadday waqooyiga Itoobiya.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Asmara (Caasimada Online) – Dowladda Eritrea ayaa Sabtidii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dalbatay inuu cambaareeyo waxa ay ku tilmaantay dagaal ay Itoobiya ku dhawaaqday, isla markaana qaado tallaabooyin looga hortagayo weerar ay sheegtay in Addis Ababa ay ku soo wajahan tahay dalkeeda, xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha u dhexeeya labada waddan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea, Osman Saleh, ayaa warqad uu 10-ka October u diray Golaha Ammaanka ku eedeeyay dowladda Itoobiya inay diyaarineyso duullaan ka dhan ah dalkiisa, isla markaana ay isku dayeyso inay weerarkaasi ugu qiil hesho sheegashooyin la xiriira xaqa is-difaacidda.
Saleh ayaa si adag u beeniyay eedeymaha Itoobiya ee sheegaya in ciidamo Eritrean ah ay gudaha u galeen dhulkeeda, wuxuuna ku tilmaamay marmarsiinyo lagu doonayo in lagu sharciyeeyo dagaal ka dhan ah dalkiisa.
“Isku dayga marin-habaabinta ah ee Itoobiya ay ku dooneyso inay falalkeeda dagaal ee ka dhanka ah dal madax-bannaan oo xubin ka ah Qaramada Midoobay ugu qiil hesho ‘is-difaacid’ waa arrin aan sal iyo raad lahayn, isla markaana meel ka dhac ku ah garashada beesha caalamka,” ayuu Saleh ku yiri warqadda.
Wasiirka ayaa Golaha Ammaanka ugu baaqay inuu si adag u cambaareeyo waxa uu ugu yeeray dagaalka ay Itoobiya ku dhawaaqday, isla markaana uu qaado tallaabooyin ka hortag ah oo waafaqsan cutubka toddobaad ee Axdiga Qaramada Midoobay.
Cutubkaasi ayaa Golaha Ammaanka awood u siinaya inuu soo rogo cunaqabateyn iyo tallaabooyin kale oo lagu xaqiijinayo nabadda iyo amniga caalamka, oo ay ku jiraan kuwa militari haddii loo baahdo.
Warqadda Eritrea ayaa timid maalin kaddib markii wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Gedion Timothewos, uu isaguna Golaha Ammaanka u gudbiyay qoraal uu ku eedeeyay Eritrea inay duullaan ballaaran ku soo qaadday waqooyiga Itoobiya.
Gedion ayaa sheegay in ciidamo Eritrean ah, oo ay ku jiraan cutubyo wata gaadiidka gaashaaman, ay gudaha u galeen gobolka Tigray, iyagoo gaaray goobo dhulka Itoobiya u jira illaa 60 kiiloomitir xadka labada waddan.
“Duullaanka ballaaran ee Eritrea ku soo qaadday qeybo ka mid ah waqooyiga Itoobiya waa arrin si cad loo ogyahay,” ayaa lagu yiri warqadda Itoobiya, oo weerarkaasi ku tilmaantay xadgudub u oggolaanaya Addis Ababa inay adeegsato xaqeeda is-difaacidda.
Itoobiya ayaa qoraalkeeda ku cuskatay qodobka 51-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay, kaas oo dalalka siinaya xaqa inay iska difaacaan weerar hubeysan, hase yeeshee ma aysan faahfaahin tallaabooyinka militari ee ay qaadeyso.
Eritrea ayaa dhankeeda sheegtay in dowladda Itoobiya ay saddexdii sano ee lasoo dhaafay waday siyaasad colaadeed oo ka dhan ah dalkeeda, iyadoo ku adkeysatay in eedeymaha hadda la soo jeediyay ay qeyb ka yihiin isku day lagu qiil siinayo weerar hore loo qorsheeyay.
Dagaalka ka socda waqooyiga Itoobiya
Xiisadda diblomaasiyadeed ayaa kusoo beegantay iyadoo ciidamada dowladda Itoobiya iyo maleeshiyaad la safan ay kusii siqayaan deegaannada u dhow xadka Eritrea, kaddib ku dhowaad saddex toddobaad oo dagaallo culus ay kula jireen isbahaysi kooxo hubeysan ah.
Saddex qof oo ku sugan magaalada Adigrat, oo qiyaastii 30 kiiloomitir u jirta xadka Eritrea, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in ciidamada Itoobiya iyo kuwa taageera ay Sabtidii gudaha u galeen magaaladaasi.
Reuters ayaa sheegtay inaysan xaqiijin karin in ciidamada dowladda ay si buuxda ula wareegeen Adigrat, oo warar hore ay tilmaamayeen inay ka hawlgalayeen ciidamo Eritrean ah.
Hay’adda ACLED ee la socota colaadaha caalamka ayaa sheegtay in ciidamada Eritrea ay Arbacadii kasoo gudbeen xadka agagaarka magaalada Zalambessa, kaddibna ay u dhaqaaqeen dhinaca Adigrat iyo Idaga Hamus.
Sida ay hay’addu sheegtay, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Itoobiya ayaa duqeeyay fariisimo ay ciidanka Eritrea ku lahaayeen deegaannadaasi, taas oo keentay inay dib uga gurtaan goobo ku dhow Adigrat.
Eritrea ayaa beenisay inay ciidamadeedu gudaha u galeen Itoobiya, waxayna wararkaasi ku tilmaantay eedeymo Addis Ababa ay u adeegsaneyso marmarsiinyo dagaal.
Dagaallada ayaa sidoo kale ku lug leh isbahaysi ka kooban toddoba kooxood oo hubeysan, oo uu qeyb ka yahay Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray ee TPLF, kuwaas oo sheegay inay doonayaan inay meesha ka saaraan xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.
Isbahaysiga ayaa 23-kii September bilaabay weerarro ka dhan ah ciidamada dowladda, taas oo dhalisay dagaalladii ugu cuslaa ee waqooyiga Itoobiya ka dhaca tan iyo markii uu dhammaaday dagaalkii sokeeye ee dalkaasi sanadkii 2022.
Ciidamada dowladda iyo kuwa taageera ayaa horraantii bishan dib ula wareegay magaalada Mekelle, oo ah xarunta gobolka Tigray, kaddib markii ay halkaasi ka baxeen dagaalyahannada TPLF. Hase yeeshee, dagaallada ayaa weli ka socda deegaanno kale.
Itoobiya ayaa Eritrea ku eedeysay inay taageero militari siineyso isbahaysiga hubeysan, balse Asmara ayaa beenisay eedeyntaasi.
Muranka marin-u-helidda Badda Cas
Warqaddiisa Golaha Ammaanka, wasiirka arrimaha dibadda Eritrea ayaa dhaqdhaqaaqyada militari ee Itoobiya ku xiriiriyay damaceeda muddada dheer ee marin-u-helidda Badda Cas, isagoo ku eedeeyay Addis Ababa inay dooneyso inay xoog ku qabsato dhul Eritrea ka tirsan.
Saleh ayaa sheegay in dowladdiisu ay marar badan beesha caalamka uga digtay hadallada Itoobiya ee ku saabsan helitaanka marin badeed ay madax-bannaani ku leedahay, taas oo Eritrea ay u aragto khatar ku wajahan qarannimadeeda iyo wadajirka dhulkeeda.
Wasiirka ayaa sidoo kale soo hadal qaaday hadallo uu sheegay inuu 27-kii September jeediyay taliye ku-xigeenka ciidamada Itoobiya, General Abebaw Tadesse.
Sida uu Saleh ku andacooday, General Abebaw ayaa qabsashada dekedda Assab ee Eritrea ku tilmaamay hadafka ugu dambeeya ee dagaalka, isaga oo magaalada Mekelle ku sheegay meel loo sii marayo duullaan lagu qaado Eritrea.
Si madax-bannaan looma xaqiijin karo hadalladaasi uu wasiirka Eritrea u nisbeeyay sarkaalka Itoobiya.
Itoobiya ayaa noqotay dal aan bad lahayn markii Eritrea ay madax-bannaanideeda qaadatay sanadkii 1993, waxaana xukuumadda Abiy Ahmed ay marar badan sheegtay in helitaanka marin badeed uu muhiim u yahay horumarka dhaqaalaha dalka.
Abiy ayaa Isniintii mar kale ku celiyay mowqifkaasi, xilli uu khudbad u jeedinayay baarlamaanka kaddib markii loo dhaariyay muddo-xileed cusub.
“Annagoo ku saleyneyna mabda’a wax is-dhaafsiga, waxaan si dadaal leh uga shaqeyn doonnaa inaan xaqiijinno in Itoobiya ay hesho marin ay badda uga baxdo,” ayuu yiri.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku adkeysanaya in dowladdiisu ay doonayso inay marin-badeedka ku hesho wada-hadal nabadeed, balse Eritrea ayaa walaac ka muujisay hadallada madaxda Itoobiya ee ku saabsan dekedda Assab, oo ka mid ah goobaha istaraatiijiga ah ee Badda Cas.
Xiriirkii labada dal oo burburay
Xiisadda hadda taagan ayaa dib usoo nooleysay colaaddii taariikhiga ahayd ee labada waddan, kuwaas oo dagaal dhiig badan ku daatay uu dhexmaray intii u dhexeysay 1998 iyo 2000, ka hor inta aysan kala saxiixan heshiiskii nabadda ee Algiers.
Xiriirkooda ayaa si weyn u soo hagaagay sanadkii 2018, markii Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, ay gaareen heshiis nabadeed oo soo afjaray ku dhowaad labaatan sano oo colaad iyo kala fogaansho ah.
Heshiiskaasi ayaa qeyb weyn ka qaatay in Abiy Ahmed uu sanadkii 2019 ku guuleysto abaalmarinta Nobel Peace Prize.
Labada dal ayaa markii dambe isku dhinac ka dagaallamay dagaalkii Tigray ee socday intii u dhexeysay 2020 iyo 2022, balse xiriirkooda ayaa xumaaday kaddib heshiiskii Pretoria ee lagu soo afjaray colaaddaasi.
Warqaddiisa, Saleh ayaa xusay digniino ay Qaramada Midoobay iyo dalal kale soo saareen bishii December 2025, markaas oo ay ku beegnayd sannad-guuradii 25-aad ee heshiiskii Algiers, kuwaas oo labada waddan loogu baaqay inay ilaaliyaan nabadda iyo madax-bannaanida midba midka kale.
Waxa uu dowladda Itoobiya ku eedeeyay inay iska indhatirtay baaqyadaasi, isla markaana ay qorshaheeda uu ku eedeeyay ee duullaanka Eritrea ku dartay dagaalka hadda ka socda waqooyiga Itoobiya.
Saleh ayaa ugu dambeyn ka digay in dagaal cusub oo dhex mara labada dal uu sababi karo burbur baaxad leh oo soo gaara shucuubtooda, isla markaana uu khalkhal gelin karo xasilloonida guud ahaan gobolka Geeska Afrika.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Dowladda Eritrea ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dalbatay inuu cambaareeyo waxa ay ku tilmaantay dagaal ay Itoobiya ku dhawaaqday, iyadoo xiisadaha u dhexeeya labada waddan ay sii xoogeysanayaan.
Qodobada muhiimka ah
- Dowladda Eritrea ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dalbatay inuu cambaareeyo waxa ay ku tilmaantay dagaal ay Itoobiya ku dhawaaqday.
- Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea, Osman Saleh, ayaa warqad uu 10-ka October u diray Golaha Ammaanka ku eedeeyay dowladda Itoobiya inay diyaarineyso duullaan ka dhan ah dalkiisa.
- Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Gedion Timothewos, uu isaguna Golaha Ammaanka u gudbiyay qoraal uu ku eedeeyay Eritrea inay duullaan ballaaran ku soo qaadday waqooyiga Itoobiya.
- Itoobiya ayaa qoraalkeeda ku cuskatay qodobka 51-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay, kaas oo dalalka siinaya xaqa inay iska difaacaan weerar hubeysan.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay bayaanno ka yimid dowladaha Eritrea iyo Itoobiya iyada oo aan la xaqiijin madax-bannaan.
- Jawaab ka timid dowladda Itoobiya oo ku saabsan eedeymaha Eritrea laguma darin.
- Tirakoobka khasaaraha ama hawlgallada gaarka ah laguma faahfaahin ama laguma xaqiijin.
Gunaanadka akhristaha
Xaaladda u dhexeysa Eritrea iyo Itoobiya waa mid kacsan, iyadoo labada dowlad ay midba midka kale eedeyn culus u jeedinayaan.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee Golaha Ammaanka uu qaadi doono si uu uga jawaabo codsiga Eritrea?
- Sidee bay xaaladdu u horumari doontaa ka dib eedeymahan labada dowladood?
- Maxay yihiin saameynta ay ku yeelan karto dadka rayidka ah ee ku sugan gobollada xadka?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa xiisadaha sii kordhaya ee u dhexeeya Eritrea iyo Itoobiya, taasoo saameyn weyn ku yeelan karta xasiloonida gobolka.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · itoobiya · asmara · eritrea
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada