Wasaaradda Qoyska iyo Guddiga Doorashooyinka oo ka wada hadlay ka-qaybgalka haweenka
Muqdisho, Soomaaliya – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xuduudaha, Mudane Cabdikariin Axmed, ayaa ka wada hadlay xoojinta wada-shaqeynta…
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Waxa muhiimka ah
- Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac.
- Wasiirka ayaa adkaysay in haweenka iyo dadka naafada ah ay si buuxda uga qaybqaataan geeddi-socodka siyaasadeed.
- Waxaa la isla gartay in la xaqiijiyo qoondada 30% ee haweenka iyo qoondada dadka naafada ah.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho, Soomaaliya – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xuduudaha, Mudane Cabdikariin Axmed, ayaa ka wada hadlay xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac iyo sidii loo xaqiijin lahaa ka-qaybgal loo dhan yahay oo ay haweenka iyo dadka naafada ah ku yeeshaan doorashooyinka qof iyo cod.
Kulanka oo ay Wasiirka ku wehliyeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Bashiir Cumar, la-taliyeyaal iyo qaar ka mid ah agaasimeyaasha waaxyaha Wasaaradda, ayaa si gaar ah looga hadlay xaqiijinta qoondada 30% ee haweenka iyo qoondada dadka naafada ah.
Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale isla eegay muhiimadda ay leedahay in labada dhinac ay si wadajir ah uga shaqeeyaan ilaalinta iyo hirgelinta ka-qaybgalka haweenka iyo dadka naafada ah ee geeddi-socodka doorashooyinka dalka.
Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa adkaysay muhiimadda ay leedahay in haweenka iyo dadka naafada ah ay si buuxda uga qaybqaataan geeddi-socodka siyaasadeed iyo doorashooyinka dalka.
Waxay sheegtay in Wasaaraddu ay diyaar u tahay inay Guddiga kala shaqeyso sidii loo xaqiijin lahaa in qoondadooda iyo xuquuqdooda ka-qaybgalka doorashooyinka si dhab ah loo dhowro.
Ugu dambeyn, Wasiiraddu waxay uga mahadcelisay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xuduudaha, Xoghayaha iyo dhammaan xubnaha Guddiga soo dhaweyntii diirran iyo sida ay uga go’an tahay wada-shaqeynta lagu xaqiijinayo ka-qaybgalka haweenka iyo dadka naafada ah.
Kulanka ayaa sidoo kale muujiyey muhiimadda ay leedahay in hay’adaha dowladda ay si wadajir ah uga shaqeeyaan xaqiijinta doorashooyin loo dhan yahay, oo dhammaan qaybaha bulshada ay si siman uga qaybqaataan.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · guddiga · qoyska · hadlay
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada