Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Kulan la Yeeshay Wasiirka Difaaca Shiinaha
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan heer sare ah la yeeshay Wasiirka Difaaca Shiinaha, Admiral Dong Jun.
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Jimco 18 Sep 2026 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan heer sare ah la yeeshay Wasiirka Difaaca Shiinaha, Admiral Dong Jun.
Kulanka oo ku dhacay jawi saaxiibtinimo iyo is-afgarad leh, ayaa diiradda lagu saaray sii xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha iyo ballaarinta iskaashiga difaaca iyo amniga. Labada dhinac waxay adkeeyeen muhiimadda wada-shaqeyn ku dhisan is-ixtiraam, ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed, kana jawaabta xaaladaha amni ee Soomaaliya iyo isbeddellada ka socda gobolka iyo caalamka.
Wasiir Fiqi ayaa dhiggiisa Shiinaha uga warramay horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dhinacyada amniga iyo xasilloonida, guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo dib-u-dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Wuxuu tilmaamay in mudnaanta Dowladda Federaalka ay tahay dhismaha ciidan qaran oo tababaran, qalabeysan, awoodna u leh difaaca dalka iyo la wareegidda mas’uuliyadda amniga qaranka.
Admiral Dong Jun ayaa bogaadiyey horumarka muuqda ee Soomaaliya ka gaartay amniga, dowlad-dhiska iyo tayeynta ciidanka qaranka. Wasiir Fiqi ayaa dhankiisa Dowladda Shiinaha uga mahadceliyey taageerada soo jireenka ah ee wax-ku-oolka ah iyo garab-istaagga joogtada ah ee ay u fidiso Soomaaliya.
Labada Wasiir ayaa isla gartay in la dardargeliyo hirgelinta is-afgaradyada jira, lana sii ballaariyo iskaashiga difaaca iyo amniga, si xiriirka istaraatiijiga ah ee labada dal loogu beddelo tallaabooyin la taaban karo oo wax ka tara nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.
Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Hiiraanweyn
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · wasiirka · gaashaandhigga · difaaca
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada