Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Qaabilay Safiirka Aljeeriya
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiWasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa la kulmay Safiirka Aljeeriya u fadhiya Soomaaliya, Danjire Maxamed Caliim, si looga wada hadlo xoojinta iskaashiga labada dal.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Aljeeriya, gaar ahaan dhinacyada warfaafinta, dhaqanka, dalxiiska iyo horumarinta wada-shaqeynta warbaahinta labada dal.
- Labada dhinac ayaa sidoo kale isla soo qaaday muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha warbaahinta, is-dhaafsiga khibradaha iyo tababarrada xirfadeed, horumarinta dhaqanka, fanka iyo suugaanta, iyo casriyeynta warbaahinta dowladda.
- Kulanka kaddib, Wasiirka iyo Safiirka ayaa si wadajir ah u booqday qeybaha kala duwan ee Warbaahinta Qaranka, oo ay ka mid yihiin Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed (SONNA), Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV), Radio Muqdisho iyo Kaydka Taariikhiga ah ee Radio Muqdisho.
- Sidoo kale, waxay booqdeen Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed, halkaas oo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen Hobollada Qaranka ee Waaberi iyo kooxaha ciyaaraha dhaqanka.
Sida ay sheegtay Shabelle Media
- Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay heshiisyada gaarka ah ee lagu gaaray kulanka?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Aljeeriya, gaar ahaan dhinacyada warfaafinta, dhaqanka, dalxiiska iyo horumarinta wada-shaqeynta warbaahinta labada dal.
- Safiirka Aljeeriya, Danjire Maxamed Caliim, ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Warfaafinta soo dhoweynta diirran ee loo sameeyey, isaga oo muujiyey sida ay Dowladda Aljeeriya uga go’an tahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ay la leedahay Soo
- Wasiir Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga labada dal, isaga oo xusay in wada-shaqeynta dhinacyada warfaafinta, fanka iyo dhaqanku ay door muhiim ah ka qaadan karto horumarinta warbaahint
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa xarunta wasaaradda ku qaabilay Safiirka Dowladda Aljeeriya u fadhiya Soomaaliya, Danjire Maxamed Caliim.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Aljeeriya, gaar ahaan dhinacyada warfaafinta, dhaqanka, dalxiiska iyo horumarinta wada-shaqeynta warbaahinta labada dal.
Labada dhinac ayaa sidoo kale isla soo qaaday muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha warbaahinta, is-dhaafsiga khibradaha iyo tababarrada xirfadeed, horumarinta dhaqanka, fanka iyo suugaanta, iyo casriyeynta warbaahinta dowladda.
Kulanka kaddib, Wasiirka iyo Safiirka ayaa si wadajir ah u booqday qeybaha kala duwan ee Warbaahinta Qaranka, oo ay ka mid yihiin Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed (SONNA), Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV), Radio Muqdisho iyo Kaydka Taariikhiga ah ee Radio Muqdisho.
Sidoo kale, waxay booqdeen Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed, halkaas oo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen Hobollada Qaranka ee Waaberi iyo kooxaha ciyaaraha dhaqanka. Kooxaha ayaa soo bandhigay bandhigyo ka tarjumaya hodantinimada hiddaha, dhaqanka iyo fanka Soomaaliyeed.
Safiirka Aljeeriya, Danjire Maxamed Caliim, ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Warfaafinta soo dhoweynta diirran ee loo sameeyey, isaga oo muujiyey sida ay Dowladda Aljeeriya uga go’an tahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada warfaafinta, dhaqanka, fanka iyo suugaanta.
Dhankiisa, Wasiir Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga labada dal, isaga oo xusay in wada-shaqeynta dhinacyada warfaafinta, fanka iyo dhaqanku ay door muhiim ah ka qaadan karto horumarinta warbaahinta qaranka, ilaalinta hiddaha iyo dhaqanka, iyo is-dhaafsiga khibradaha labada dal. Wasiirka ayaa sidoo kale Safiirka uga mahadceliyey booqashadiisa iyo dadaallada uu ugu jiro xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Aljeeriya.
Ugu dambayn, kulankan ayaa muujinaya dadaallada ay Soomaaliya iyo Aljeeriya ku doonayaan inay ku sii xoojiyaan xiriirkooda taariikhiga ah, isla markaana ku ballaariyaan iskaashiga dhinacyada warfaafinta, dhaqanka, fanka iyo suugaanta, si loo abuuro fursado cusub oo horseeda is-dhaafsi aqooneed, horumarinta warbaahinta iyo kobcinta xiriirka labada shacab.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa la kulmay Safiirka Aljeeriya u fadhiya Soomaaliya, Danjire Maxamed Caliim, si looga wada hadlo xoojinta iskaashiga labada dal.
Qodobada muhiimka ah
- Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa la kulmay Safiirka Aljeeriya u fadhiya Soomaaliya, Danjire Maxamed Caliim.
- Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Aljeeriya, gaar ahaan dhinacyada warfaafinta, dhaqanka, dalxiiska iyo horumarinta wada-shaqeynta warbaahinta labada dal.
- Safiirka Aljeeriya, Danjire Maxamed Caliim, ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Warfaafinta soo dhoweynta diirran ee loo sameeyey, isaga oo muujiyey sida ay Dowladda Aljeeriya uga go’an tahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ay la leedahay Soo
- Wasiir Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga labada dal, isaga oo xusay in wada-shaqeynta dhinacyada warfaafinta, fanka iyo dhaqanku ay door muhiim ah ka qaadan karto horumarinta warbaahint
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dhinacyada aan ka qaybgalin kulanka.
- Ma jiraan xaqiijin madax-bannaan oo lagu bixiyay eedeymaha ku jira maqaalka.
- Maqaalku ma caddaynayo wax natiijo ah ama heshiisyo ka soo baxay kulanka.
Gunaanadka akhristaha
Kulankan wuxuu muujinayaa dadaallada diblomaasiyadeed ee socda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya si loo xoojiyo xiriirkooda taariikhiga ah.
Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay heshiisyada gaarka ah ee lagu gaaray kulanka?
- Sidee loo hirgelin doonaa iskaashiga Soomaaliya iyo Aljeeriya?
- Waa maxay talaabooyinka xiga ee ka dambeeya kulankan?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · warfaafinta · wasiirka · qaabilay