Topic
Warkasta is tracking soomaaliya across 149 reports from 7 sources. Recent coverage touches dowladda, ciraaq, and wada, each linked to its original source with side-by-side comparison where outlets differ.
Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka Bulshada ee dowladda Federalka Soomaaliya ayaa soo saartay warbixin ku saabsan kiis ku saabsanaa qof loo karantiilay xanuunka Ebola. Warsaxaafadeedka wasaaraddu soo saartay ayaa lagu sheegay in “iyadoo daba socota war-saxaafadeedkii ay soo saartay 12 Oktoobar 2026, waxay shacabka Soomaaliyeed la wadaagaysaa warbixintii ugu dambeysay ee ku saabsan muwaadinkii So
Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii Ugu Dambeye Soomaaliya Caalamka ee Warbaahinta HMC Somali TV. HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa casuumaad rasmi ah u fidiyay Xisbiga Nabad iyo Nolol, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, Madasha Midnimo Qaran iyo Dalladda Bulshada Rayidka, si ay uga qaybgalaan gogol wadatashi qaran oo lagu qaban doono magaalada Muqdisho inta u dhexeysa 14-ka ilaa 18-ka Nofeembar 2026. Gogoshan ayaa ujeeddadeedu tahay…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb-galaysa madasha caalamiga ah ee wada-hadalka dhaqamada kala duwan ee sannadka 2026, iyadoo maanta uu magaalada Baku ee caasimadda dalka Azerbaijan u ambabaxay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Cabdifataax Qaasim Maxamuud. Madashan oo ah tii toddobaad ee nooceeda ah ayaa diiradda lagu saarayaa xooji
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu baaqay dhammaan qaybaha kala duwan ee Soomaaliya in ay isugu timaadaan shir deg… Sii akhri
Ku dhowaad 874,000 oo qof ayaa laga yaabaa in ay guryahooda ka barakacaan Soomaaliya saddexda bilood ee soo socda, daadad awgood. Waxaa arrintan ka digtay Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), iyadoo webiyada oo fatahaadaya iyo roobab xooggan ay khatar ku yihiin bulshooyin horeba ula tacaalayay abaaraha iyo barakac soo noqnoqday. “Waxaan ka cabsi qabnaa…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si adag u cambaareysay weerar culus oo lagu qaaday kaniisad ku taalla gobolka Karak ee dalka Urdun, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah oo xilligaas ku sugnaa goobta. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerarrada noocan…
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, László Máthé. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub ee dhinacyada difaaca, amniga, tayeynta awoodda ciidamada qalabka sida iyo taageerada dadaallada dowladda e
Rome, Talyaaniga – Munaasabadda “ECCELLENZE 2026”, oo macnaheedu yahay “Waxqabadka Heerka Sare ee 2026”, laguna qabtay xarunta Baarlamaanka Talyaaniga, ayaa lagu soo bandhigay xiriirka sii kobcaya ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga. Munaasabadda waxaa ka qaybgalay madax sare oo ka tirsan Dowladda Talyaaniga, Sii-hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Talyaaniga, Danjire Khaalid Macow Cabdulqaadir, i
Wafdi ka socday Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka (UNESCO) ayaa kulan la yeeshay Danjiraha Soomaaliya iyo hawl-wadeennada Safaaradda, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac ee dib-u-howlgelinta iyo horumarinta xarumaha muhiimka ah ee dhaqanka Soomaaliya. Kulanka oo ka dhacay xarunta Safaaradda Soomaaliya ayaa si gaar ah…
Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa si weyn ugu tiirsan badeecadaha dibadda laga soo dejiyo, halka wax-soo-saarka gudaha iyo warshadeynta badeecadaha dalka ay weli kooban yihiin.
Munaasabadda “ECCELLENZE 2026”, oo macnaheedu yahay “Waxqabadka Heerka Sare ee 2026”, laguna qabtay xarunta Baarlamaanka Talyaaniga, ayna ka qaybgaleen madax sare oo ka tirsan Dowladda Talyaaniga, ayaa lagu soo bandhigay xiriirka sii horumaraya ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga. Munaasabaddan, oo ay sidoo kale ka qaybgaleen Sii-hayaha Safaaradda Soomaaliya ee…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa khudbad ka jeediyay Shir Madaxeedka 25aad ee Ururka Suuqa Bariga iyo Koonfurta Afrika (COMESA), oo ka dhacay magaalada Harare ee dalka Zimbabwe. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa khudbaddiisa ku sheegay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga dhaqaale ee dalalka gobolka, kobcinta…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay dib ula wareegtay in ka badan 55% dhulkii ay maamulayeen kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, iyadoo in ka badan 1.5 milyan oo qof laga xoreeyay cadaadiska kooxahaas. La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji ayaa sheegay in dalka uu horumar weyn ka sameeyay wiiqidda awoodda kooxaha hubeysan…
Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda oo ka saxiixay Baaqa Muqdisho, iyadoo la soo Gabagabeeyay Dib u-eegista Muddada Dhexe. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta saxiixay Baaqa Muqdisho ee Madasha Maalgashiga iyo Ganacsiga Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda ee Bandhigga Wadajirka…
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Prof. Salim Alio Ibro iyo Wasiirka Jinsiga, Shaqada iyo Horumarinta Bulshada ee Uganda, Hon. Lt. Gen. Henry Tumukunde ayaa kala saxiixday heshiis laba-geesood ah oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal ee dhinacyada shaqada iyo shaqaaleysiinta. Heshiiskan ayaa ujeeddadiisu tahay nidaaminta shaqa
Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay habraac cusub oo guurka, kaasi oo dhigaya in kaliya ay wax isku mehrin karaan garsoore ama ma’duun u diiwaan gashan dowladda. Wasaaradda ayaa xustay in habraaca cusub ee la soo saaray uu nidaaminayo diiwaangelinta ma’duunnada iyo fulinta guurka, si…
DOHA, Qatar — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay dib u xoreysay in ka badan 55% dhulkii ay dalka ka joogeen kooxaha argagixisada ah, iyadoo cabsi-gelinta kooxahaas laga xoreeyey ku dhowaad 1.5 milyan oo qof. Warkan waxaa shaaca ka qaaday La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, isagoo khudbad ka…
Dowladda Uganda ayaa qirtay in Soomaaliya ka wayn tahay laba jibaar dalkaasi, isla markaasna aan la iska indha tiri karin goobta Juquraafi ee ku taallo iyo Xeebaha kheyraadka ka buuxo. “Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho waxay ku taallaa xeebta Badweynta Hindiya, waana goob istaraatiiji ah oo isku xirta Bariga Afrika, Jasiiradda…
Dowladda Turkiga ayaa shaacisay inay sannadka 2027 kordhin doonto tababarrada ciidamada Soomaaliya, si ay awood dheeraad ah ugu yeeshaan sugidda amniga dalka, ulana wareegaan mas’uuliyadda amniga guud ee Soomaaliya. Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa sheegtay in iskaashiga difaac ee labada dal uu dhigayo in Ankara ay tababarto oo qalabeyso ciidamada Soomaaliyeed, ku
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ciraaq, Fu’aad Xuseen, intii uu socday kulanka 52-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC). Labada wasiir ayaa ka wada hadlay dardargelinta hawlaha Guddiga Wadajirka ah ee Soomaaliya…
Xulka kubadda cagta Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa kaalinta labaad ka galay tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee CECAFA U-17, kaddib markii ay rigoorayaal kaga adkaadeen xulka Uganda, oo ciyaarta ku badiyay 6-5.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan la qaatay Marwo Ruth Anne Stevens-Klitz, oo ah Ku-simaha Madaxa Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga difaaca, taageerada Mareykanka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dardargelinta wada-shaqeynta labada dhinac ee dhinacyada amniga, tababarka…
Hay’adda Caalamiga ah ee Gaadiidka Cirka (IATA) iyo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad oo lagu xoojinayo…
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) iyo wakiillo ka socday dowladda Norway. Kulankan ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u-diyaargarowga xaaladaha El Niño iyo ka hortagga saameynta musiibooyinka. Kul
Dowladaha Soomaaliya iyo Spain ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray iskaashiga dhinaca kalluumeysiga. Wasiiru-dowlaha Arrimaha…
Doha, Qatar — Dowladda Soomaaliya iyo Spain ayaa isku raacay in la baaro suurtagalnimada bilaabista wada-tashiyo siyaasadeed oo rasmi ah, kuwaas oo lagu qaban karo Muqdisho ama Madrid, si loo xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dal. Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa magaalada Doha…
Dowladaha Soomaaliya iyo Ciraaq ayaa maanta ku heshiiyay arrim muhiim ah, kadib kulan labada geesood ah oo ay yeesheen wasaaradda arrimaha dibadda labada dal oo is arkay intii lagu guda jiray kulanka 52-aad ee wasiirrada arrimaha dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC). Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay)…
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Baqdaad kulan kula yeeshay dhiggiisa dalka Ciraaq, Fu’aad Xuseen, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan.
Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Xasan Aadan, ayaa kulan la yeeshay Danjiraha cusub ee Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Ferhat…
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u daah-furay dib u soo celinta nidaamka caalamiga ah ee tigidhada diyaaradaha ee IATA-BSP, kaas oo Soomaaliya…
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa sheegay inaysan jirin adeeg ay wasaaraddu bixiso oo lacag laga qaado dadka. Wasiirka…
Soomaaliya ayaa horey ugu soo badisay xulalka kubada cagta ee 17sano jirka ka yar ee dalalka Tansania, kenya iyo Rwanda oo ay Finalka ugu gudbeen.
Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka tartanka CECAFA U17 ee isreeb-reebka Koobka Qaramada Afrika 2026, kaddib markii ay rigoorayaal kaga adkaadeen xulka Rwanda.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cali (Abdisalam Ali), ayaa ka qaybgalaya furitaanka kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC). Kalfadhigan ayaa diiradda lagu saarayaa wada-hadalka iyo midnimada oo saldhig u ah xaqiijinta nabadda, amniga iyo horuma
Dowladda Itoobiya ayaa lagu eedeeyay inay door ku leedahay colaadda iyo qalalaasaha siyaasadeed iyo amni ee ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo warbixinno la daabacay ay su’aalo ka keeneen dhaqdhaqaaqyada ciidamada Itoobiya iyo saameynta ay ku leeyihiin xaaladda amni ee gobolka. Eedeymahan ayaa soo baxaya xilli Koonfur Galbeed ay ka jiraan…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa galabta magaalada Muqdisho ku tijaabinaysa hub culus, sida lagu sheegay farriin wargelin ah oo Taliska Ciidanka Booliska u diray shacabka ku dhaqan gudaha caasimadda. Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Macallin Mahdi, ayaa sheegay in tijaabada hubka la sameyn doono inta u dhexeysa 2:00 iyo 3:00…
Khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya ka taagan hannaanka doorashooyinka ayaa sii xoogeysanaya, kaddib markii Guddiga Doorashooyinka Qaranka uu shaaciyey jadwalka doorashooyinka, tallaabadaas oo ay mucaaradka iyo siyaasiyiin kale qaarkood ka muujiyeen diidmo, iyaga oo ku baaqay in marka hore heshiis siyaasadeed laga gaaro qaabka doorashada dalka loo qabanayo.
madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo xubno ka tirsanaa maamulkiisii hore ayaa ku sugan yihiin magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo la sheegay inay kulammo iyo wadatashiyo siyaasadeed ka wadaan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dowladda federaalku aysan dalka u horseedayn dagaal siyaasadeed, isla markaana aysan qorsheynayn inay weerarto madaxda mucaaradka iyo dadka ka aragtida duwan dowladda.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay jadwalka ay guddiga doorashooyinku soo saareen ee ku saabsan xilliga la qabanayo doorashada madaxweynaha dalka, iyadoo sheegtay inay bilaabi doonto diyaar-garowga lagama maarmaanka u ah hirgelinta doorashadaas.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo ka hadlay doorashooyinka heer federaal iyo wadahadallada siyaasadeed Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka hadlay arrimaha la xiriira doorashooyinka heer federaal iyo wadahadallada siyaasadeed ee dalka, kuwaas oo muhiim u ah geeddi-socodka dowlad-dhiska iyo xoojinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya. Mu
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhoweynaysaa jadwalka uu shaaciyey Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, ee ku saabsan qabashada doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Xukuumaddu waxa ay u aragtaa jadwalkan tallaabo muhiim ah oo loo qaaday hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka
Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika ahna Madaxa Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Danjire El Hadji Ibrahima Diene “Boly”, ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka…
Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shaaciyay jadwalka doorashooyinka ee heer federaal, gaar ahaan doorashada labada gole iyo tan madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya. Warsaxaafadeed kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in 15-ka April 2027 ay dhici doonto doorashada xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaal