Dowladda Ireland oo shaaca ka qaaday in ay ka cabsi qabto in 22 caruur Soomaali ah la…
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiDowladda Ireland ayaa ka cabsi qabta in 22 carruur Soomaali ah oo dalkaas tagay iyagoo aan qoyskoodu wehelin ay noqdeen dhibanayaal loo gaystay tahriibinta dadka.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Go’aan la gaarayDib-u-dhac ku yimid hirgelinta shuruucda Sharci la ansixiyay sannadkii 2024 ayaa dhigayay in hay’ado kale oo madax-bannaan ay booliska la wadaagaan awoodda rasmiga ah ee lagu aqoonsanayo dhibanayaasha tahriibinta.
- Tusla ayaa tirokoob ay siisay wargeyska ku caddeysay inay sannadkan walaac dhanka ka-ganacsiga dadka ah ka muujisay 35 carruur ah oo dalkaas soo gaaray, iyadoo carruurta Soomaalida ahna ay noqdeen ku dhawaad saddex meelood laba meel tirada guud ee kiisaska laga shakisan yahay.
- Wargelinta loo gudbiyay laamaha amniga ayaa ku kooban tuhun laga qabo tahriibin, mana aha mid si rasmi ah u xaqiijinaya in carruurtan ay dhammaantood dhibanayaal noqdeen.
- Hay’adda Tusla kama aysan hadlin kiisaska shakhsiga ah, sidoo kale wargeysku ma uusan soo bandhigin da’da carruurta, waddooyinkii ay dalka ku soo galeen, iyo nooca dhiig-miirashada ee looga shakisan yahay.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa walaacyada socda ee ku saabsan badbaadada carruurta keligood yimid ee Ireland, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda meelaha dagaallada ka socda.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee la qaadayo si loo ilaaliyo carruurtaan?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Tusla ayaa tirokoob ay siisay wargeyska ku caddeysay inay sannadkan walaac dhanka ka-ganacsiga dadka ah ka muujisay 35 carruur ah.
- Warbixintu waxay muujisay in inta badan carruurta iyo dhallinyarada keligood ku yimaada Ireland ay ka soo cararayaan dagaallo ama qalalaase bani’aadannimo oo ka taagan dalalkooda.
- Dul-duleellada dhanka aqoonsiga dhibanayaasha Guddiga Xuquuqda Aadanaha iyo Sinnaanta ee Ireland (IHREC) ayaa bishii Sebtembar ee la soo dhaafay uga digay dowladda in dalku ku fashilmay inuu si rasmi ah u aqoonsado dhibanayaal badan oo carr
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Dublin (Caasimada Online) — Hay’adda daryeelka carruurta iyo qoysaska ee dalka Ireland (Tusla) ayaa booliska dalkaas ku wargelisay tuhun xooggan oo la xiriira in 22 carruur Soomaali ah oo dalkaas tagay iyagoo aan qoyskoodu wehelin (unaccompanied minors) ay noqdeen dhibanayaal loo gaystay tahriibinta iyo ka-ganacsiga dadka (human trafficking), sida uu Talaadadii shaaciyay wargeyska The Irish Examiner.
Tusla ayaa tirokoob ay siisay wargeyska ku caddeysay inay sannadkan walaac dhanka ka-ganacsiga dadka ah ka muujisay 35 carruur ah oo dalkaas soo gaaray, iyadoo carruurta Soomaalida ahna ay noqdeen ku dhawaad saddex meelood laba meel tirada guud ee kiisaska laga shakisan yahay.
Wargelinta loo gudbiyay laamaha amniga ayaa ku kooban tuhun laga qabo tahriibin, mana aha mid si rasmi ah u xaqiijinaya in carruurtan ay dhammaantood dhibanayaal noqdeen.
Hay’adda Tusla kama aysan hadlin kiisaska shakhsiga ah, sidoo kale wargeysku ma uusan soo bandhigin da’da carruurta, waddooyinkii ay dalka ku soo galeen, iyo nooca dhiig-miirashada ee looga shakisan yahay.
Carruurta kale ee la xiriira digniintan ayaa waxaa ka mid ah shan u dhalatay dalka Afgaanistaan, min laba ka soo jeeda dalalka Vietnam, Ereteriya iyo Gambia, iyo min hal carruur ah oo ka yimid Guinea iyo Pakistan.
Hay’addu waxay sheegtay in Soomaaliya, Afgaanistaan iyo Ukraine ay yihiin dalalka ugu badan ee ay ka soo jeedaan carruurta keligood yimid ee hadda ku jira xarumaha daryeelka ee Tusla.
“Inta badan carruurta iyo dhallinyarada keligood ku yimaada Ireland waxay ka soo cararayaan dagaallo ama qalalaase bani’aadannimo oo ka taagan dalalkooda,” ayuu afhayeen u hadlay Tusla u sheegay wargeyska, isagoo xusay in carruurta waalidkood ka maqan yihiin ay wajahaan dhibaatooyin maskaxeed, go’doon, caqabado xagga luqadda ah iyo hubanti-la’aan ku aaddan mustaqbalkooda.
Dul-duleellada dhanka aqoonsiga dhibanayaasha
Guddiga Xuquuqda Aadanaha iyo Sinnaanta ee Ireland (IHREC) ayaa bishii Sebtembar ee la soo dhaafay uga digay dowladda in dalku ku fashilmay inuu si rasmi ah u aqoonsado dhibanayaal badan oo carruur ah oo loo geystay tahriibinta dadka.
Warbixinta guddiga ayaa muujisay in laamaha amnigu ay si rasmi ah u aqoonsadeen 18 carruur ah oo dhibanayaal noqday sannadkii 2025, halka 2024-kii ay ahaayeen 10 carruur ah, iyadoo labadaas sano midna aysan ku jirin carruur u dhalatay Ireland.
Warbixinta ayaa si gaar ah farta ugu fiiqday halista ay wajahayaan carruurta aan cidina wehelin iyo kuwa ku jira xarumaha daryeelka dowladda, maadaama aysan helin ilaalin iyo taageero gaar ah.
Waxaa sidoo kale warbixinta lagu sheegay in boolisku aysan inta badan u aqoonsan dhibanayaal carruurta loo adeegsado falalka dambiyada ah, sababo la xiriira jahwareer ka taagan qeexitaanka sharciga ee tahriibinta dadka.
Guddigu wuxuu caddeeyay in tahriibinta carruurtu aysan shardi ka dhigayn in xuduud laga tallaabiyo ama xoog la adeegsado, balse qorashada carruurta ee ujeeddooyinka dhiig-miirashada ah ay ku filan tahay qeexitaanka dambigaas.
Teresa Buczkowska, madaxa fulinta ee Golaha Muhaajiriinta Ireland (Immigrant Council of Ireland), ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri: “Dhibanayaal aad u tiro badan ayaan la aqoonsanayn, xitaa marka la aqoonsadana had iyo jeer ma helaan ilaalintii iyo taageeradii ficilka ahayd ee ay u baahnaayeen.”
Dib-u-dhac ku yimid hirgelinta shuruucda
Sharci la ansixiyay sannadkii 2024 ayaa dhigayay in hay’ado kale oo madax-bannaan ay booliska la wadaagaan awoodda rasmiga ah ee lagu aqoonsanayo dhibanayaasha tahriibinta.
Wasiirka Caddaaladda ee Ireland, Jim O’Callaghan, ayaa qoraal uu u gudbiyay baarlamaanka ku xaqiijiyay in xukuumaddu ay ka go’an tahay xoojinta Nidaamka Gudbinta Qaranka (NRM) ee lagu caawiyo dhibanayaasha, balse wuxuu qiray in qorshuhu uu la kulmay caqabado shaqo, gaar ahaan sidii isbeddelladan lala jaanqaadsiin lahaa nidaamka socdaalka iyo magangalyada dalka.
Wasiirka ayaa tilmaamay in xilligan booliska dalka (An Garda Síochána) ay yihiin cidda kaliya ee si sharci ah u aqoonsan karta dhibanayaasha, inkasta oo dowladdu ay waddo qorshe tallaabo-tallaabo ah oo awooddaas lagu siinayo hay’ado dheeraad ah.
Guddiga Xuquuqda Aadanaha ayaa ugu baaqay dowladda Ireland inay si degdeg ah oo aan dib-u-dhac lahayn u meelmariso nidaamka sharciga ah, isla markaana ay abuurto hannaan u gaar ah badbaadada carruurta oo ay weheliyaan tababarro xirfadeed iyo la-xisaabtan dhab ah.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Dowladda Ireland ayaa ka cabsi qabta in 22 carruur Soomaali ah oo dalkaas tagay iyagoo aan qoyskoodu wehelin ay noqdeen dhibanayaal loo gaystay tahriibinta dadka. Hay’adda Tusla ayaa sheegtay in sannadkan 35 carruur ah ay walaac ka muujisay tahriibinta dadka.
Qodobada muhiimka ah
- Dowladda Ireland ayaa ka cabsi qabta in 22 carruur Soomaali ah oo dalkaas tagay iyagoo aan qoyskoodu wehelin ay noqdeen dhibanayaal loo gaystay tahriibinta dadka.
- Tusla ayaa tirokoob ay siisay wargeyska ku caddeysay inay sannadkan walaac dhanka ka-ganacsiga dadka ah ka muujisay 35 carruur ah.
- Warbixintu waxay muujisay in inta badan carruurta iyo dhallinyarada keligood ku yimaada Ireland ay ka soo cararayaan dagaallo ama qalalaase bani’aadannimo oo ka taagan dalalkooda.
- Dul-duleellada dhanka aqoonsiga dhibanayaasha Guddiga Xuquuqda Aadanaha iyo Sinnaanta ee Ireland (IHREC) ayaa bishii Sebtembar ee la soo dhaafay uga digay dowladda in dalku ku fashilmay inuu si rasmi ah u aqoonsado dhibanayaal badan oo carr
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo faahfaahin gaar ah oo ku saabsan da'da ama faahfaahinta carruurta la xiriirta.
- Ma xaqiijinayso in dhammaan carruurta la xusay ay dhab ahaantii yihiin dhibanayaal.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka timid mas'uuliyiinta ku saabsan eedeymaha la soo bandhigay.
Gunaanadka akhristaha
Xaaladda carruurta Soomaali keligood yimid ee Ireland waxay keentaa walaac weyn oo ku saabsan badbaadadooda iyo wanaaggooda.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee la qaadayo si loo ilaaliyo carruurtaan?
- Sidee dowladda u qorsheynaysaa inay wax ka qabato walaacyada ay soo bandhigtay Tusla?
- Maxay yihiin nidaamyada taageero ee loogu talagalay carruurta keligood yimid ee Ireland?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa walaacyada socda ee ku saabsan badbaadada carruurta keligood yimid ee Ireland, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda meelaha dagaallada ka socda. Waxay kor u qaadaysaa wacyiga ku saabsan khataraha tahriibinta dadka ee ay wajahayaan carruurta nugul.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · soomaali · ireland · cabsi