Lafta-gareen oo war culus soo saaray kadib degmooyinkii ay qabsadeen ciidankiisa
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiXafiiska Lafta-gareen ayaa ku dhawaaqay in ciidamadiisu la wareegeen degmooyin dhowr ah oo ku yaal gobolka Baay, kuwaas oo horay u maamulayay ciidamada dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- War-saxaafadeedka oo ku taariikheysan 16-ka October 2026 ayaa lagu sheegay in maleeshiyada taabacsan Lafta-gareen ay toddobaadkan howlgallo ka fuliyeen gobolka Baay, kuwaas oo xafiiskiisu ku tilmaamay kuwo lagu sugayay amniga, laguna soo celinayay xasilloonida deegaannada.
- “Ciidanka Daraawiishta Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay ku guuleysteen inay dib ula wareegaan oo ay xoreeyaan afar degmo iyo deegaanno muhiim ah oo ka tirsan gobolka Bay,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
- Xafiiska Lafta-gareen, oo weli sheegta madaxweynaha Koonfur Galbeed, ayaa degmooyinkaasi ku sheegay Qansaxdheere, Buurhakaba, Bardaale iyo Diinsoor, isagoo sidoo kale xusay deegaanka Awdiile.
- Qoraalka ayaa eedeyn toos ah loogu jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo lagu sheegay inuu hoggaaminayo xoogagga ay ciidamada Lafta-gareen kula dagaallamayaan gobolka Baay, kuwaas oo war-saxaafadeedka uu ugu yeeray Salbalaar iyo Afbalaar.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doontaa jawaabta dowladda federaalka ee ku aaddan isbeddeladan dhulka?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Ciidamada Lafta-gareen ayaa la wareegay degmooyin dhowr ah oo ku yaal gobolka Baay.
- Degmooyinkaasi ku sheegay Qansaxdheere, Buurhakaba, Bardaale iyo Diinsoor.
- Xafiiska Lafta-gareen ayaa eedeyn toos ah loogu jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Baydhaba (Caasimada Online) – Xafiiska Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa maanta soo saaray war-saxaafadeed uu kaga hadlay guulaha ay maleeshiyadiisa ka gaareen gobolka Baay, kaddib markii ay maalmihii lasoo dhaafay la wareegeen degmooyin dhowr ah oo ay horay u maamulayeen ciidamada dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.
War-saxaafadeedka oo ku taariikheysan 16-ka October 2026 ayaa lagu sheegay in maleeshiyada taabacsan Lafta-gareen ay toddobaadkan howlgallo ka fuliyeen gobolka Baay, kuwaas oo xafiiskiisu ku tilmaamay kuwo lagu sugayay amniga, laguna soo celinayay xasilloonida deegaannada.
“Ciidanka Daraawiishta Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay ku guuleysteen inay dib ula wareegaan oo ay xoreeyaan afar degmo iyo deegaanno muhiim ah oo ka tirsan gobolka Bay,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Xafiiska Lafta-gareen, oo weli sheegta madaxweynaha Koonfur Galbeed, ayaa degmooyinkaasi ku sheegay Qansaxdheere, Buurhakaba, Bardaale iyo Diinsoor, isagoo sidoo kale xusay deegaanka Awdiile.
Qoraalka ayaa eedeyn toos ah loogu jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo lagu sheegay inuu hoggaaminayo xoogagga ay ciidamada Lafta-gareen kula dagaallamayaan gobolka Baay, kuwaas oo war-saxaafadeedka uu ugu yeeray Salbalaar iyo Afbalaar.
“Intii ay hawlgalladu socdeen, waxaa la beegsaday kooxda hubanta ah Salbalaar iyo Afbalaar ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Lafta-gareen.
Eedeyntan ayaa imaneysa xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafka siyaasadeed iyo iska horimaadyada u dhexeeya ciidamada Lafta-gareen iyo kuwa taageersan maamulka hadda ka jira Baydhaba, oo garab ka helaya dowladda federaalka.
Dhanka kale, xafiiska Lafta-gareen ayaa bogaadiyay shacabka ku nool deegaannada ay ciidamadiisu la wareegeen, isagoo sheegay inay muujiyeen adkeysi iyo taageero intii ay socdeen howlgallada.
Waxaa sidoo kale war-saxaafadeedka lagu soo qaaday xuquuqda shacabka iyo inay awood u yeeshaan go’aaminta arrimaha khuseeya mustaqbalkooda iyo maamulka deegaannadooda.
“Shacabka sharafta leh ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ay xaq u leeyihiin inay si xor ah uga qaybqaataan go’aannada masiiriga ah ee khuseeya mustaqbalkooda, dowladnimadooda iyo maamulka deegaannadooda,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli ay isbeddello waaweyn ka dhacayaan gobolka Baay, halkaas oo ciidamada taabacsan Lafta-gareen ay maalmihii ugu dambeeyay si isdaba joog ah ula wareegayeen magaalooyin muhiim ah.
Sida ay hore u baahisay Caasimada Online, ciidamada Lafta-gareen ayaa maanta si nabad ah ula wareegay degmada Bardaale, taas oo noqotay magaaladii saddexaad ee ay kala wareegaan maamulka Koonfur Galbeed, kaddib Buurhakaba iyo Qansaxdheere.
Wararka ayaa sheegaya in Lafta-gareen uu beddelay qaabkii uu ku qabsanayay magaalooyinka, isagoo hadda adeegsanaya wada-hadallo hoose iyo dhaqaale si uu u helo taageerada ciidamada ku sugan deegaannada, taas oo suurta-gelineysa in magaalooyinka qaarkood lala wareego dagaal la’aan.
Dhanka kale, maamulka uu hoggaamiyo Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa wajahaya cadaadis militari oo sii kordhaya, iyadoo ciidamada Lafta-gareen ay kusoo siqayaan deegaannada ku dhow Baydhaba, oo ah xarunta maamulka Koonfur Galbeed.
Lafta-gareen, oo horay xilka madaxweynenimada uga degay kaddib isbeddelladii siyaasadeed iyo militari ee ka dhacay Baydhaba, ayaa markii dambe ka laabtay go’aankaas, isagoo weli sheeganaya hoggaanka Koonfur Galbeed.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Xafiiska Lafta-gareen ayaa ku dhawaaqay in ciidamadiisu la wareegeen degmooyin dhowr ah oo ku yaal gobolka Baay, kuwaas oo horay u maamulayay ciidamada dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.
Qodobada muhiimka ah
- Ciidamada Lafta-gareen ayaa la wareegay degmooyin dhowr ah oo ku yaal gobolka Baay.
- Degmooyinkaasi ku sheegay Qansaxdheere, Buurhakaba, Bardaale iyo Diinsoor.
- Xafiiska Lafta-gareen ayaa eedeyn toos ah loogu jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
- Qoraalka ayaa eedeyn toos ah loogu jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Lafta-gareen oo aan la xaqiijin madax-bannaan.
- Jawaab ka timid Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ama maamulka uu hoggaamiyo laguma darin.
- Tirooyinka khasaare ama faahfaahinta howlgalka gaarka ah lama bixinin.
Gunaanadka akhristaha
Ciidamada Lafta-gareen ayaa sameeyay guulo waaweyn oo dhuleed oo ku yaal gobolka Baay, taasoo keentay su'aalo ku saabsan xasilloonida maamulka deegaanka.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doontaa jawaabta dowladda federaalka ee ku aaddan isbeddeladan dhulka?
- Sidee ayey bulshada deegaanka uga falcelin doontaa isbeddelada maamulka?
- Maxay noqon doontaa saameynta ay ku yeelan doonto khilaafka siyaasadeed ee socda gobolka?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · gareen · saaray · lafta
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada