Lula da Silva: Wiilkii Kabaha Nadiifin Jiray ee Afar Jeer Madaxweyne ka Noqday Brazil
Waxa dhacay
Hal il · Hiiraanweyn
Maqaalku wuxuu sheegayaa nolosha iyo xirfadda siyaasadeed ee Luiz Lula da Silva, oo ka soo baxay saboolnimo si uu madaxweyne uga noqdo Brazil.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Cidda ay saamaysayWuxuu ballaariyay barnaamijka Bolsa Família, oo qoysaska danyarta ah siinayay kaalmo lacageed, iyadoo carruurta laga doonayay inay dugsiyada dhigtaan, caafimaadkoodana lala socdo.
- Qoysku markii ay gaareen magaalada São Paulo, ma aysan helin noloshii ay rajaynayeen.
- Isagoo 17 jir ah ayuu shil shaqo ku waayay farta yar ee gacantiisa bidix.
- Wuxuu arkay in shaqaalaha mushaharkoodu yar yahay, xuquuqdooduna kooban tahay, qof walbana cabashadiisa keligiis uusan wax badan ku beddeli karin.
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa isbeddelka weyn ee bulshada Brazil hoos yimaada hogaaminta Lula da Silva, gaar ahaan marka la eego yareynta saboolnimada.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin siyaasadaha gaarka ah ee Lula uu hirgeliyay si loo yareeyo saboolnimada intii uu xilka hayay?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Luiz Lula da Silva wuxuu ku dhashay 1945 miyiga waqooyi-bari Brazil, wuxuuna ku koray saboolnimo.
- Lula da Silva wuxuu madaxweyne ka noqday Brazil 1-dii Janaayo 2003.
- Muddadii labadii xilli ee uu xilka hayay, malaayiin reer Brazil ah ayaa ka baxay saboolnimada.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Arbaco 25 Nov 2026 {HMC} Sannadkii 1945, miyiga waqooyi-bari Brazil waxaa ku dhashay wiil toddobo ku ahaa siddeed carruur ah oo qoyskoodu ku noolaa saboolnimo. Deegaanka ay ku dhasheen waxaa ka jiray abaar, shaqo la’aan iyo nolol adag. Markii uu toddoba jir ahaa, hooyadii ayaa isaga iyo carruurteeda ula safartay koonfurta Brazil, iyadoo raadinaysa meel ay nolol ka bilaabaan.
Qoysku markii ay gaareen magaalada São Paulo, ma aysan helin noloshii ay rajaynayeen. Waxay degeen qol yar oo ku yaallay dhabarka maqaaxi. Wiilkii yaraa wuxuu bilaabay inuu kabaha dadka u nadiifiyo, alaab yar iibiyo, farriimo qaado, si uu qoyskiisa uga caawiyo nolol maalmeedka. Markii uu 14 jir noqday wuxuu ka shaqo galay warshad, halkaas oo uu ka bartay farsamada biraha iyo mashiinnada.
Isagoo 17 jir ah ayuu shil shaqo ku waayay farta yar ee gacantiisa bidix. Dhaawacaasi ma joojin inuu shaqeeyo. Wuxuu sii watay nolosha warshadda.Waxbarasho sare ma uusan helin, qoys siyaasadeedna kama uusan dhalan. Laakiin warshaddii uu ka shaqaynayay ayuu ka bartay wax noloshiisa beddelay.
Wuxuu arkay in shaqaalaha mushaharkoodu yar yahay, xuquuqdooduna kooban tahay, qof walbana cabashadiisa keligiis uusan wax badan ku beddeli karin.
Wuxuu go’aansaday inuu dadka mideeyo. Qofka aan ka hadlayno waa Luiz Lula da Silva.
Wuxuu shaqaale ka dhigtay awood siyaasadeed
Markii hore wuxuu ku biiray ururrada shaqaalaha, dabadeedna wuxuu noqday hoggaamiyaha ururka shaqaalaha biraha ee São Bernardo do Campo.
Wuxuu abaabulay shaqo-joojinno waaweyn oo lagu dalbanayay mushahar iyo xuquuq wanaagsan, xilli Brazil ay xukumayeen milatarigu.
Dhaqdhaqaaqiisa awgiis waa la xiray, balse halkii uu ka quusan lahaa wuxuu ogaaday in ururrada shaqaaluhu ay abuuri karaan awood ka weyn mudaharaad keliya.
Sannadkii 1980-kii ayuu aasaasay Xisbiga Shaqaalaha, isagoo isku keenay shaqaale, aqoonyahanno, arday, culimo iyo dad doonayay in xukunka milatarigu dhammaado.
Wuxuu marka hore dhistay dad iyo urur, ka hor inta uusan raadin kursi dowladeed.
Sannadkii 1989 ayuu markii ugu horreysay u tartamay madaxtinnimada, waana laga adkaaday. 1994 iyo 1998 ayuu mar kale tartamay, haddana wuu guuldarraystay.
Wuxuu markaas fahmay in taageerada shaqaalaha iyo dadka saboolka ahi aysan keligeed ku filnayn in dal dhan lagu hoggaamiyo. Wuxuu u baahday inuu kalsooni ka helo ganacsatada, dabaqadda dhexe iyo siyaasiyiinta aan fikirkiisa la qabin.
Sannadkii 2002 ayuu beddelay habkii ololihiisa. Wuxuu ballanqaaday inuu ilaalinayo xasilloonida dhaqaalaha, wuxuuna madaxweyne ku-xigeen u doortay ganacsade weyn oo ka tirsanaa dhinaca muxaafidka, José Alencar. Tallaabadaasi waxay ganacsatada u muujisay inuusan doonayn inuu burburiyo ganacsiga gaarka loo leeyahay.
Wuxuu dhisay isbahaysi ka ballaaran kooxdiisii hore, wuxuuna ku guuleystay madaxtinnimada. Wiilkii kabaha nadiifin jiray ayaa 1-dii Janaayo 2003 noqday madaxweynaha Brazilz Markii uu xukunka qabtay, wuxuu xoogga saaray gaajada iyo saboolnimada.
Wuxuu ballaariyay barnaamijka Bolsa Família, oo qoysaska danyarta ah siinayay kaalmo lacageed, iyadoo carruurta laga doonayay inay dugsiyada dhigtaan, caafimaadkoodana lala socdo.
Wuxuu taageeray beeraleyda yaryar, wuxuu ballaariyay adeegyada bulshada, wuxuuna ilaaliyay xasilloonida dhaqaalaha si maalgashigu u socdo. Muddadii labadii xilli ee uu xilka hayay, malaayiin reer Brazil ah ayaa ka baxay saboolnimada.
Hase yeeshee, dowladdiisa waxaa hareeyay fadeexado musuqmaasuq. Isaga laftiisa ayaa xabsi galay sannadkii 2018, kaddib markii lagu xukumay kiis musuqmaasuq. Sannadkii 2021 ayay maxkamadda sare burisay xukunnadii lagu riday, iyadoo sabab uga dhigtay khaladaad sharci iyo awoodda maxkamaddii kiiska qaadday.
Wuxuu dib ugu soo laabtay siyaasadda, sannadkii 2022-na wuxuu doorasho adag kaga adkaaday Jair Bolsonaro. Laakiin loollankaasi halkaas kuma dhammaan.
Markii Lula dib ugu soo laabtay madaxtinnimada, xiriirka Brazil iyo maamulka Donald Trump ee Mareykanka wuxuu galay marxalad adag.
Xiisaddu waxay sii xoogaysatay markii dowladdii Trump ay cunaqabateyn saartay garsoorayaal reer Brazil ah, canshuuraha badeecooyinka dalkaasna gaarsiisay 50%, iyadoo arrimahaas lagu xiriiriyay dacwadihii iyo xukunkii madaxweynihii hore Jair Bolsonaro.
Xaaladdu waxay sii yeelatay weji siyaasadeed markii Jair Bolsonaro laga xukumay inuu ku lug lahaa qorshe lagu doonayay in lagu baajiyo natiijadii doorashadii 2022. Markii dambe wiilkiisa Flávio Bolsonaro ayaa noqday musharraxa la tartamaya Lula doorashadii sannadkan 2026.
Baaritaan ay Reuters daabacday 24-kii Oktoobar 2026 ayaa sheegay in laba masuul oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Darren Beattie iyo Ricardo Pita, ay olole u galeen sidii qoyska Bolsonaro dib loogu soo celin lahaa awoodda.
Sida ay Reuters ku warrantay, waxay riixayeen tallaabooyin lagu wiiqayo Lula, laguna taageerayo musharraxnimada Flávio.
Dhinaca Israa’iil, Netanyahu wuxuu si cad u taageeray Flávio Bolsonaro, isagoo farriin muuqaal ah u diray munaasabaddii uu ku shaaciyay musharraxnimadiisa.
Sidaas darteed, waxaa muuqday isbahaysi siyaasadeed oo Flávio ku xirayay garabka Trump iyo hoggaanka Israa’iil.Waxa la diiwaangeliyay waa faragelin siyaasadeed oo Mareykan ah iyo taageero muuqata oo Israa’iil siisay musharraxa ka soo horjeeday.
Lula wuxuu arrintaas kaga jawaabay inuu difaaco madax-bannaanida dalka, isla markaana uu diiday inuu doorashada Brazil u oggolaado faragelin dibadeed.
Bishii Luulyo 2026 dowladdiisu waxay diidday fiisooyin ay dalbadeen laba masuul oo Mareykan ah, iyadoo looga shakiyay inay doonayeen inay su’aal geliyaan hufnaanta nidaamka doorashada.
Wuxuu sidoo kale arrinta ka hadlay shirkii Qaramada Midoobay, isagoo sheegay in Brazil aysan ahayn dal cid kale leedahay ama ay faragelin ku samayn karto go’aanka dadkiisa.
Waxaa intaas dheer in cunaqabateyntii Mareykanka iyo canshuurihii la saaray Brazil ay dhaliyeen diidmo gudaha dalka ah, ayna qayb ka noqdeen doodda ku saabsan madax-bannaanida qaranka.
Reuters waxay sheegtay in tallaabooyinkaas qaarkood ay dib ugu noqdeen kuwii waday, maadaama ay xoojiyeen doodda Lula ee ah in dalka dibadda laga faragelinayo.
25-kii Oktoobar 2026 ayay Brazil u dareertay wareegii labaad ee doorashada. Lula wuxuu la tartamay Flávio Bolsonaro, oo ahaa wiilka madaxweynihii hore Jair Bolsonaro.
Flávio wuxuu wareeggii koowaad ka helay codad ka badan Lula, taas oo muujinaysay sida uu u adkaa tartanku. Laakiin wareeggii labaad, Lula ayaa ku guuleystay 51.8%, halka Flávio uu helay 48.2%. Sidaas ayuu Lula ku noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Brazil afar jeer ku guuleysta madaxtinnimada.
Flávio markii hore ma aqbalin natiijada, wuxuuna sheegay inuu doonayo in doorashada la buriyo. Balse maalmo kaddib, 28-kii Oktoobar, wuxuu ka baxay Brazil una cararay Mareykanka, xilli maxkamadda sare ay amartay inuu dhiibo baasaboorradiisa, iyadoo ay jireen baaritaanno sharci oo la xiriiray arrimo maaliyadeed.
Baaritaanka booliska Brazil ayaa sidoo kale soo bandhigay doorka nin hore uga tirsanaa sirdoonka Israa’iil ee Mossad, Menachem Booky Halevy, kaas oo la sheegay inuu ku jiray gaari ka horreeyay kii qaadayay Flávio iyo qoyskiisa markii ay u gudbayeen Argentina. Waxaa la baarayay in ninkaas uu ka caawiyay ka bixitaanka, iyadoo ay jirtay amar maxkamadeed.
Flávio markii uu gaaray Mareykanka wuxuu halkaas ka sheegay inuu weli yahay hoggaamiyaha saxda ah ee Brazil, isaga oo ku dooday in doorashada la musuqmaasuqay, balse ma uusan soo bandhigin caddayn xaqiijinaysa eedeyntiisa.
Casharka ku jira nolosha Luiz Lula da Silva;
Lula wuxuu ku bilaabay inuu dadka kabahooda u nadiifiyo, wuxuu ku koray inuu shaqaalaha codkooda mideeyo, wuxuuna gaaray inuu afar jeer ku guuleysto madaxtinnimada dalkiisa oo ilaa hadda uu hayo.
Sidaas ayaa qof aan waxba haysan uu u dhisi karaa awood, balse awooddaas waxaa qiime u yeelaya waxa uu dadka iyo dalkiisa u qabto
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Maqaalku wuxuu sheegayaa nolosha iyo xirfadda siyaasadeed ee Luiz Lula da Silva, oo ka soo baxay saboolnimo si uu madaxweyne uga noqdo Brazil. Waxay faahfaahinaysaa noloshiisa hore, firfircoonidiisa siyaasadeed, iyo saameynta madaxweynimadiisa ku yeelatay saboolnimada Brazil.
Qodobada muhiimka ah
- Luiz Lula da Silva wuxuu ku dhashay 1945 miyiga waqooyi-bari Brazil, wuxuuna ku koray saboolnimo.
- Lula da Silva wuxuu madaxweyne ka noqday Brazil 1-dii Janaayo 2003.
- Muddadii labadii xilli ee uu xilka hayay, malaayiin reer Brazil ah ayaa ka baxay saboolnimada.
- Lula da Silva ayaa xabsi galay sannadkii 2018, kaddib markii lagu xukumay kiis musuqmaasuq.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan sheegashooyinka la xiriira nolosha iyo madaxweynimada Lula da Silva.
- Ma jiraan jawaabo ka imaanaya dhaleeceeyayaasha ama aragtiyo ka soo horjeeda ficillada siyaasadeed ee Lula da Silva.
- Maqaalku ma haysto taariikho gaar ah oo ku saabsan qaar ka mid ah dhacdooyinka la xusay.
Gunaanadka akhristaha
Safarka Luiz Lula da Silva ee ka soo baxay saboolnimo ilaa madaxweynenimada ayaa muujinaya awoodda isbeddelka siyaasadeed ee Brazil.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin siyaasadaha gaarka ah ee Lula uu hirgeliyay si loo yareeyo saboolnimada intii uu xilka hayay?
- Sidee bay xabsi gelinta Lula u saameysay dhaxalka siyaasadeedkiisa?
- Maxay yihiin aragtida hadda ee ku saabsan madaxweynimada Lula ee reer Brazil?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa isbeddelka weyn ee bulshada Brazil hoos yimaada hogaaminta Lula da Silva, gaar ahaan marka la eego yareynta saboolnimada. Fahamka saameyntiisa ayaa muhiim u ah falanqaynta siyaasadda casriga ah ee Brazil.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Hiiraanweyn
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · brazil · jiray · jeer
Sii akhri
- Madaxweyne Deni oo difaacay Imaaraadka
Puntland Post
- Xog: Fiqi oo laba xil midkood loo badinayo in uu qabto
Caasimada Online
- Xog ka cusub baaritaanka ku socda xildhibaan Ilhaan Cumar
Caasimada Online