Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Wardheer Newsgeneral

Madaxweynihii Hore Sheekh hariif Sheekh Axmed oo Oggolaaday Dadaallada Xalraadinta Xiisadda Muqdisho

Muqdisho (WDN) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa oggolaaday in uu ka guuro hoygii uu dhawaan ka degay deegaanka Mirinaayo ee Muqdisho, isagoo dib ugu laabanaya gurigiisii hore ee agagaarka garoonka diyaaradaha. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah dejinta xiisaddii siyaasaddeed iyo amni ee ka taagnayd caasimadda. Go’aankan ayaa yimid... The post Madaxweynihii Hor

SO
Madaxweynihii Hore Sheekh hariif Sheekh Axmed oo Oggolaaday Dadaallada Xalraadinta Xiisadda Muqdisho
Sawir / xog muuqaal ah · Wardheer News

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa oggolaaday inuu ka guuro hoygiisii Mirinaayo, isagoo dib ugu laabanaya gurigiisii hore ee agagaarka garoonka diyaaradaha.

Maxaa la shaaciyey

  1. Shariif Sheekh Axmed ayaa dib ugu laabtay hoygiisa oo u dhow Garoonka Aadan Cadde.
  2. Dadaallo dhexdhexaadin ah ayaa ka dhacay, oo ay hoggaaminayeen odayaal dhaqameed iyo siyaasiyiin.
  3. Xiisadda siyaasadeed iyo amni ee Muqdisho ayaa loo arkaa inay yareyn karto ka bixitaanka Mirinaayo.

Macnaha guud

Dadaallo dhexdhexaadin ah ayaa ka socda Muqdisho si loo dejiyo xiisadda siyaasadeed iyo amni ee ka taagan caasimadda.

Odayaasha ayaa ku booriyay Sheekh Shariif inuu mudnaanta siiyo xasilloonida Muqdisho kana fogaado tallaabo kasta oo keeni karta dagaal hubeysan.

Shariif Sheekh Axmed
Muqdisho

Sababta ay muhiim u tahay: Dad badan oo Soomaaliyeed waxay arrintan u arkaan tusaalle muujinaya in wada-hadalka, iyo dhexdhexaadinta dhaqanka ay weli yihiin waddooyinka ugu muhiimsan ee lagu ilaalin karo midnimada iyo nabadda dalka.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Wardheer News

Muqdisho (WDN) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa oggolaaday in uu ka guuro hoygii uu dhawaan ka degay deegaanka Mirinaayo ee Muqdisho, isagoo dib ugu laabanaya gurigiisii hore ee agagaarka garoonka diyaaradaha. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah dejinta xiisaddii siyaasaddeed iyo amni ee ka taagnayd caasimadda.

Go’aankan ayaa yimid kadib dadaallo dhexdhexaadin oo ay hoggaaminayeen odayaal dhaqameed, siyaasiyiin iyo waxgarad kale oo ka shaqeynayay in khilaafku uusan isu beddelin iska horimaad ballaaran.

Wali wax tanaasul ah kama soo bixin dhinaca Xasan Sheekh, iada oo is-afgaradka la soo jeediyay u muuqdo mid culayskiisu saaran yahay dhinaca mucaaradka, halka Xasan Sheekh uu weli ku adkeysanayo isbeddelladiisa doorasho iyo dastuur oo hal dhinac ah arrin aan horseedi karin xal siyaasadeed oo waara, balse noqon karta xal ku meel gaar ah oo lagu qaboojiyo xiisadda degdegga ah.

Wararka ayaa sheegaya in kulan gaar ah oo dhexmaray Shariif Sheekh Axmed iyo odayaal dhaqameed uu door weyn ka qaatay dejinta xiisadda Mirinaayo. Odayaasha ayaa ku booriyay Sheekh Shariif inuu mudnaanta siiyo xasilloonida Muqdisho kana fogaado tallaabo kasta oo keeni karta dagaal hubeysan. Waxaa la filayaa in Shariif Sheekh Axmed ayaa dib ugu laabtay hoygiisa oo u dhow Garoonka Aadan Cadde.

Isha: Wardheer News. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Wardheer News
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralhoresheekhmuqdisho
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.

La socodsii

Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.