Maxaa ka jira in odayaal ergo ka ah Shariif ay u tageen Xasan Sheekh?
Waxa dhacay
70 ilbiriqsiMaqaalku wuxuu sheegayaa in qaar ka mid ah odayaasha ay beeniyeen sheegashooyinka ah in ay kulan la yeesheen Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud si ay uga hadlaan xiisadda kala dhexeysa madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyagoo sheegay in xaaladda Muqdisho ay dagan tahay.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Qaar ka mid ah odayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in aysan jirin wax kulan ah oo ay Xasan Sheekh Maxamuud kala yeesheen arrimaha la xiriira xiisadda kala dhexeysa Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyagoo si cad u beeniyay wararka la baahiyay.
- Sidoo kale, odayaasha ayaa sheegay in haatan xaaladda magaalada Muqdisho ay dagan tahay, isla markaana aysan jirin wax xaalad amni darro ah oo taagan, sida ay hadalka u dhigeen.
- Waxaa kale oo ay dadka baraha bulshada ku faafiyey wararkaas ugu baaqeen in aysan bulshada kicin oo aan lagu abuurin khal-khal iyo daganaansho la’aan.
- Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyadoo shalay si weyn magaalada caasimada ah ee Muqdisho looga dareemay dhaq-dhaqaaqyo xooggan oo u dhexeeyay ciidamada Sheekh Shariif iyo kuwa dowladda, kuwaas oo qarka u saarnaa inay isku dhacaan, kadib markii ay labada ciidan isku soo dhawaadeen, taas oo dhalisay cabsi laga qabo inuu dagaal dhex-maro labada dhinac.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee la qaadi doono si loo xalliyo xiisadaha la xusay?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Qaar ka mid ah odayaasha ayaa beeniyay wararka sheegaya in ay kulan la yeesheen Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud oo ku saabsan xiisadda kala dhexeysa madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
- Odayaasha ayaa sheegay in haatan xaaladda magaalada Muqdisho ay dagan tahay, isla markaana aysan jirin wax xaalad amni darro ah oo taagan.
- NISA ayaa sheegtay in maleeshiyaadkan ay weerar ku qaadeen ciidamada Ilaalada Shacabka, ayna afduubteen mid ka mid ah ciidamadii waajibaadkooda gudanayay.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo saacadihii ugu dambeeyay siyaabo kala duwan loo baahiyay warar sheegayay in odayaal dhaqameed ay u tageen Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, si ay ugala hadlaan xiisadda kala dhexeysa madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in wararkaas ay yihiin kuwa been abuur ah.
Qaar ka mid ah odayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in aysan jirin wax kulan ah oo ay Xasan Sheekh Maxamuud kala yeesheen arrimaha la xiriira xiisadda kala dhexeysa Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyagoo si cad u beeniyay wararka la baahiyay.
Sidoo kale, odayaasha ayaa sheegay in haatan xaaladda magaalada Muqdisho ay dagan tahay, isla markaana aysan jirin wax xaalad amni darro ah oo taagan, sida ay hadalka u dhigeen.
Waxaa kale oo ay dadka baraha bulshada ku faafiyey wararkaas ugu baaqeen in aysan bulshada kicin oo aan lagu abuurin khal-khal iyo daganaansho la’aan.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyadoo shalay si weyn magaalada caasimada ah ee Muqdisho looga dareemay dhaq-dhaqaaqyo xooggan oo u dhexeeyay ciidamada Sheekh Shariif iyo kuwa dowladda, kuwaas oo qarka u saarnaa inay isku dhacaan, kadib markii ay labada ciidan isku soo dhawaadeen, taas oo dhalisay cabsi laga qabo inuu dagaal dhex-maro labada dhinac.
NISA oo soo bandhigtay caddeymo ayaa sheegtay in ciidamo ka tirsan kuwa Shariif oo ku hubeysnaa AK-47, BKM iyo RPG ay xoog ku galeen guryo ku yaalla xaafadda Tiintiinley ee degmada Wadajir, halka eedeymahaas uu iska fogeeyay madaxweynihii hore ee dalka.
Sidoo kale Hay’adda NISA ayaa sheegtay in 24-kii Juun 2026, maleeshiyaadkan ay weerar ku qaadeen ciidamada Ilaalada Shacabka, ayna afduubteen mid ka mid ah ciidamadii waajibaadkooda gudanayay. 27-kii Juun 2026, waxay mar kale hor istaageen howlaha amni ee ciidamada ka howlgalayay Waaxda General Daa’uud.
Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd ayaa dhankiisa soo bandhigay tabasho uu qabo iyo eedeymo uu u jeediyay ciidanka dowladda, isaga oo tilmaamay inay jiraan dhacdooyin taxane ah oo walaac amni abuuray, kuwaas oo ay ka mid yihiin jidgooyooyin iyo xannibaadyo saameeyey isu-socodka agagaarka deegaanka uu deggan yahay Shariif, isaga oo sidoo kale xusay in la hor-istaagay adeegyada daruuriga ah ee nolol maalmeedka sida biyaha, cunnooyinka iyo wixii la mid ah, hase-yeeshee laga muujiyay dulqaad, si looga fogaado isku dhac hubeysan
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Maqaalku wuxuu sheegayaa in qaar ka mid ah odayaasha ay beeniyeen sheegashooyinka ah in ay kulan la yeesheen Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud si ay uga hadlaan xiisadda kala dhexeysa madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyagoo sheegay in xaaladda Muqdisho ay dagan tahay.
Qodobada muhiimka ah
- Qaar ka mid ah odayaasha ayaa beeniyay wararka sheegaya in ay kulan la yeesheen Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud oo ku saabsan xiisadda kala dhexeysa madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
- Odayaasha ayaa sheegay in haatan xaaladda magaalada Muqdisho ay dagan tahay, isla markaana aysan jirin wax xaalad amni darro ah oo taagan.
- NISA ayaa sheegtay in maleeshiyaadkan ay weerar ku qaadeen ciidamada Ilaalada Shacabka, ayna afduubteen mid ka mid ah ciidamadii waajibaadkooda gudanayay.
- Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd ayaa dhankiisa soo bandhigay tabasho uu qabo iyo eedeymo uu u jeediyay ciidanka dowladda.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan sheegashooyinka ay sameeyeen odayaasha.
- Ma jiro wax jawaab ah oo ka timid Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud oo ku saabsan hadallada odayaasha.
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay hadallo ka yimid odayaal aan la magacaabin iyo NISA.
Gunaanadka akhristaha
Akhristayaasha waa in ay taxaddar ka muujiyaan sheegashooyinka ku saabsan kulamada iyo xiisadaha, maadaama aan si madax-bannaan loo xaqiijin.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee la qaadi doono si loo xalliyo xiisadaha la xusay?
- Sidee ayey dowladda uga jawaabi doontaa cabashooyinka uu soo bandhigay madaxweynihii hore Shariif?
- Maxay yihiin tallaabooyinka lagu xaqiijinayo in xaaladda amni ay degan tahay Muqdisho?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · shariif · xasan · tageen
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada