Puntland oo gacanta ku dhigtay ciidamo ay DF ka qoratay Mudug
Warka oo kooban
50 ilbiriqsiCiidamada ammaanka ee Puntland ayaa qabtay laba gaari oo milatari ah oo siday ciidamo ka tirsan dowladda federaalka ee Gaalkacyo.
Qodobbada muhiimka ah
- Wararka ayaa sheegaya ‘in ciidamada u gacan galay Puntland’ ay kasoo tallaabeen dhanka Galmudug, isla markaana ay u socdeen dugsiga tababarka Xanan-buure ee gobolka Galgaduud, balse dhexda laga qabtay.
- Saraakiil amni ayaa sheegay in ciidamadu ay jihada ka luntay, kadibna ay sidaas ugu gacan galeen maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo xilligan khilaag iyo dagaalba uu kala dhexeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
- Sidoo kale, wararka ayaa intaas kusii daraya in labada gawaari ay midkiiba saarnaayeen ku dhawaad 50 askari, kuwaas oo haatan lagu hayo waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
- Muuqaallo iyo sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayo askarta oo saaran gawaarida, ayna joojinayaan ciidamada ammaanka ee Puntland.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doontaa jawaabta dowladda federaalka ee ku aaddan dhacdadan?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Ku dhawaad 50 askari ayaa midkiiba saarnaayeen labada gawaari ee la qabtay.
- Ciidamada la qabtay ayaa la sheegay inay u socdeen dugsiga tababarka Xanan-buure ee gobolka Galgaduud.
- Horay Puntland ayaa ula wareegtay xerooyin ay ciidamada dowladda ku lahaayeen gudaha maamulkaasi.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa saaka waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ku qabtay laba gaari BG ah, isla markaana siday ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka, kuwaas oo la sheegay in laga qoray koonfurta gobolka Mudug.
Wararka ayaa sheegaya ‘in ciidamada u gacan galay Puntland’ ay kasoo tallaabeen dhanka Galmudug, isla markaana ay u socdeen dugsiga tababarka Xanan-buure ee gobolka Galgaduud, balse dhexda laga qabtay.
Saraakiil amni ayaa sheegay in ciidamadu ay jihada ka luntay, kadibna ay sidaas ugu gacan galeen maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo xilligan khilaag iyo dagaalba uu kala dhexeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale, wararka ayaa intaas kusii daraya in labada gawaari ay midkiiba saarnaayeen ku dhawaad 50 askari, kuwaas oo haatan lagu hayo waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Muuqaallo iyo sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayo askarta oo saaran gawaarida, ayna joojinayaan ciidamada ammaanka ee Puntland.
Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Puntland iyo dhinaca dowladda dhexe oo ku aadan ciidamadaas la sheegay inay lagu qabtay dhanka waqooyi ee Gaalkacyo, halkaas oo muddooyinkan ay ka jireen dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda.
Horay Puntland ayaa ula wareegtay xerooyin ay ciidamada dowladda ku lahaayeen gudaha maamulkaasi, kadib markii ciidamadeeda ay weerareen saldhigyo ay joogeen ciidamo la sheegay inay dowladdu ka qoratay halkaasi.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa qabtay laba gaari oo milatari ah oo siday ciidamo ka tirsan dowladda federaalka ee Gaalkacyo. Ciidamada la qabtay ayaa la sheegay inay u socdeen dugsiga tababarka Xanan-buure ee gobolka Galgaduud.
Qodobada muhiimka ah
- Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa qabtay laba gaari oo milatari ah oo siday ciidamo ka tirsan dowladda federaalka ee Gaalkacyo.
- Ku dhawaad 50 askari ayaa midkiiba saarnaayeen labada gawaari ee la qabtay.
- Ciidamada la qabtay ayaa la sheegay inay u socdeen dugsiga tababarka Xanan-buure ee gobolka Galgaduud.
- Horay Puntland ayaa ula wareegtay xerooyin ay ciidamada dowladda ku lahaayeen gudaha maamulkaasi.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin rasmi ah oo ku saabsan eedeymaha la soo bandhigay.
- Ma jiro wax jawaab ah oo kasoo baxay Puntland ama dowladda federaalka oo ku saabsan ciidamada la qabtay.
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay warar aan la xaqiijin.
Gunaanadka akhristaha
Qabashada Puntland ee ciidamada federaalka waxay muujinaysaa khilaafaadka socda ee u dhexeeya maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doontaa jawaabta dowladda federaalka ee ku aaddan dhacdadan?
- Ma jiraan wax wadahadal ah ama khilaafyo u dhexeeya Puntland iyo dowladda federaalka?
- Maxay tahay saamaynta dhacdadani ku yeelan karto amniga gobolka?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · ciidamo · puntland · mudug
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Puntland: Maxaabiistii Burcad-badeedda oo baxsatay
Puntland Post
- Boosaaso: Puntland oo xukuno ku riday eedeysanayaal
Puntland Post
- Sidee u baxsadeen maxaabiistii burcad-badeedda ee Puntland qabatay?
Caasimada Online