R/W Xamza oo ciidamo cusub tababar ugu soo xiray Ballidoogle + Sawirro
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiRa’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa maamulay dhammaystirka Dufcaddii 12-aad ee Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab ee Dugsiga Tababarka Ballidoogle.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Munaasabadda tababarka lagu soo xirayay ayaa lagu qabtay Dugsiga Tababarka Ciidanka ee Ballidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose, taas oo loogu magac daray Shahiid Gaashaanle Xasan Tuure, waxaana ka qaybgalay qaar ka mid ah taliyayaasha ciidanka, macallimiintii bixiyey tababarka iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo madasha ka hadlay ayaa ciidanka kula dardaarmay inay kaalin muuqata ka qaataan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo soo celinta xasilloonida dalka.
- Sidoo kale, wuxuu ciidanka faray inay ilaaliyaan midnimada dalka, sharciga iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in guusha laga gaarayo dagaalka ay ku xiran tahay isku-xirnaanta hay’adaha dowladda, ciidamada iyo shacabka.
- Dhankiisa Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ciidanka ugu hambalyeeyay dhammaystirka tababarka, isagoo sheegay in askarigu uusan kaliya ahayn qof dagaal gala, balse uu yahay masuul qaadaya waajibka ilaalinta qaranka iyo shacabka.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin hawlgallada gaarka ah ee ay ciidamadan cusub ka qayb qaadan doonaan?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ciidanka ugu hambalyeeyay dhammaystirka tababarka, isagoo sheegay in askarigu uusan kaliya ahayn qof dagaal gala, balse uu yahay masuul qaadaya waajibka ilaalinta qaranka iyo shacabk
- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa isna dhankiisa sheegay in xoogga la saaray kor u qaadista tayada ciidanka, gaar ahaan tababarka iyo horumarinta xirfadaha ciidamada sida gaarka ah u
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, oo ay weheliyaan Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa maanta tababar u soo xiray Dufcaddii 12-aad ee Guutada 16-aad ee Kumaandooska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab.
Munaasabadda tababarka lagu soo xirayay ayaa lagu qabtay Dugsiga Tababarka Ciidanka ee Ballidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose, taas oo loogu magac daray Shahiid Gaashaanle Xasan Tuure, waxaana ka qaybgalay qaar ka mid ah taliyayaasha ciidanka, macallimiintii bixiyey tababarka iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo madasha ka hadlay ayaa ciidanka kula dardaarmay inay kaalin muuqata ka qaataan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo soo celinta xasilloonida dalka. Wuxuu sheegay in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ay laf-dhabar u yihiin hawlgallada lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah iyo kuwa caqabad ku ah dowladnimada Soomaaliya.
Sidoo kale, wuxuu ciidanka faray inay ilaaliyaan midnimada dalka, sharciga iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in guusha laga gaarayo dagaalka ay ku xiran tahay isku-xirnaanta hay’adaha dowladda, ciidamada iyo shacabka.
Dhankiisa Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ciidanka ugu hambalyeeyay dhammaystirka tababarka, isagoo sheegay in askarigu uusan kaliya ahayn qof dagaal gala, balse uu yahay masuul qaadaya waajibka ilaalinta qaranka iyo shacabka.
Fiqi ayaa sidoo kale kula dardaarmay ciidanka inay ku dhaqmaan anshaxa iyo shuruucda ciidanka, ayna muujiyaan daacadnimo, feejignaan iyo masuuliyad marka ay gudanayaan waajibaadkooda. Wuxuu sidoo kale ku adkeeyay inay ilaaliyaan sharafta iyo sumcadda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa isna dhankiisa sheegay in xoogga la saaray kor u qaadista tayada ciidanka, gaar ahaan tababarka iyo horumarinta xirfadaha ciidamada sida gaarka ah u tababaran.
Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed ayaa intaas ku daray in Dufcadda 12-aad ee Danab ay heshay tababar u suurtagelinaya gudashada waajibaadyo ciidan oo culus, isagoo ku boorriyay ciidanka inay aqoonta iyo xirfadaha ay heleen u beddelaan karti iyo waxqabad muuqda oo ay uga adeegaan dalka.
Munaasabadda ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay xirfadaha iyo aqoonta ay ciidamadu ku barteen muddadii uu socday tababarku, iyadoo ay muujiyeen heerka xirfadda ciidan ee ay gaareen iyo diyaar-garowgooda ku aaddan ka qaybqaadashada hawlgallada lagu soo afjarayo kooxaha argagixisada ah iyo kuwa ka soo horjeeda dowladnimada Soomaaliya.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa maamulay dhammaystirka Dufcaddii 12-aad ee Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab ee Dugsiga Tababarka Ballidoogle.
Qodobada muhiimka ah
- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa maamulay dhammaystirka Dufcaddii 12-aad ee Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab ee Dugsiga Tababarka Ballidoogle.
- Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ciidanka ugu hambalyeeyay dhammaystirka tababarka, isagoo sheegay in askarigu uusan kaliya ahayn qof dagaal gala, balse uu yahay masuul qaadaya waajibka ilaalinta qaranka iyo shacabk
- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa isna dhankiisa sheegay in xoogga la saaray kor u qaadista tayada ciidanka, gaar ahaan tababarka iyo horumarinta xirfadaha ciidamada sida gaarka ah u
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dhinacyada kale ee aan joogin munaasabadda.
- Eedeymaha ku saabsan muhiimadda tababarka waxay ku saleysan yihiin bayaanno rasmi ah oo aan la xaqiijin madax-bannaan.
- Ma jiraan xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan natiijooyinka tababarka ama waxtarka ciidanka.
Gunaanadka akhristaha
Dhammaystirka ciidanka cusub ee khaaska ah waa qayb ka mid ah dadaallada socda ee lagu xoojinayo awoodaha milatari ee Soomaaliya.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin hawlgallada gaarka ah ee ay ciidamadan cusub ka qayb qaadan doonaan?
- Sidee loo cabbiri doonaa waxtarka tababarkan mustaqbalka?
- Maxay yihiin cawaaqibka ballaaran ee amniga Soomaaliya ka dib tababarkan?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · xamza · xiray · tababar
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada