Sawirro: NISA oo caddeymo soo bandhigtay kadib markii ciidamada Shariif…
Waxa dhacay
70 ilbiriqsiNISA ayaa warbixin ka bixisay dhaq-dhaqaaqyo hubeysan oo ka dhacay Muqdisho, kuwaas oo u dhexeeyay ciidamada ammaanka dowladda iyo kuwa taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka, gaar ahaan madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- NISA ayaa shaaca ka qaaday in maleeshiyaad hubeysan oo ka amar qaata madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay isku dayeen inay isk hor imaad ku riixaan ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada shacabka ee Hay’adda, xilli ay ku sugnaayeen degmada Wadajir ee gobolk Banaadir.
- Qoraalka ayaa lagu sheegay in ciidamada Dharcadda ay muujiyeen feejignaan iyo xilkasnimo, isa markaana ay ka fogaadeen tallaabo kasta oo horseedi kartay gacan ka hadal iyo in lagu kor dagaalamo dadka shacabka ee aan waxba galabsan.
- “Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka ee Hay’adda, kuwaas oo ka howlgalayay Laanta Koowaad ee Waaxda General Daa’uud, degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
- Sidoo kale, NISA ayaa soo bandhigtay caddeymo ay ku jiraan muuqaalo ay duubeen kaamirooyinka CCTV, kuwaas oo muujinaya in maleeshiyaad ku hubeysnaa AK-47, BKM iyo RPG ay xoog ku galeen guryo ku yaalla xaafadda Tiintiinley ee degmada Wadajir”.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doonaan tallaabooyinka gaarka ah ee NISA ay qaadi doonto ka dib dhacdooyinkan?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- NISA ayaa sheegtay in maleeshiyaad hubeysan oo ka amar qaata madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay isku dayeen inay isk hor imaad ku riixaan ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada shacabka ee Hay’adda.
- NISA ayaa cambaareysay weerarrada iyo falalka hubeysan ee lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka, waxayna sheegtay inaysan oggolaan doonin in ciidamadeeda loo jiido khilaaf siyaasadeed.
- NISA ayaa soo bandhigtay caddeymo ay ku jiraan muuqaalo ay duubeen kaamirooyinka CCTV, kuwaas oo muujinaya in maleeshiyaad ku hubeysnaa AK-47, BKM iyo RPG ay xoog ku galeen guryo ku yaalla xaafadda Tiintiinley.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa faah-faahin ka bixisay dhaq-dhaqaaqyo hubeysan oo maalmihii ugu dambeeyay laga dareemay magaalada Muqdisho, kuwaas oo u dhexeeyay ciidamada ammaanka ee dowladda iyo kuwa taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka dalka.
NISA ayaa shaaca ka qaaday in maleeshiyaad hubeysan oo ka amar qaata madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay isku dayeen inay isk hor imaad ku riixaan ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada shacabka ee Hay’adda, xilli ay ku sugnaayeen degmada Wadajir ee gobolk Banaadir.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in ciidamada Dharcadda ay muujiyeen feejignaan iyo xilkasnimo, isa markaana ay ka fogaadeen tallaabo kasta oo horseedi kartay gacan ka hadal iyo in lagu kor dagaalamo dadka shacabka ee aan waxba galabsan.
“Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka ee Hay’adda, kuwaas oo ka howlgalayay Laanta Koowaad ee Waaxda General Daa’uud, degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir. Falalkan, oo ay ku lug leeyihiin maleeshiyaad hubeysan oo ka amar qaata Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed,” ayay tiri Hay’adda NISA.
Sidoo kale, NISA ayaa soo bandhigtay caddeymo ay ku jiraan muuqaalo ay duubeen kaamirooyinka CCTV, kuwaas oo muujinaya in maleeshiyaad ku hubeysnaa AK-47, BKM iyo RPG ay xoog ku galeen guryo ku yaalla xaafadda Tiintiinley ee degmada Wadajir”.
“Maleeshiyaadka ayaa isku dayay in ay ciidamada amniga ku riixaan iska hor-imaad hubeysan, balse ciidamada Ilaalada Shacabka ayaa muujiyay feejignaan iyo xilkasnimo, kana fogaaday tallaabo kasta oo horseedi kartay gacan-ka-hadal iyo waxyeello soo gaarta dadka rayidka ah. Caddeymaha ay NISA uruurisay ayaa muujinaya in maleeshiyaad ku hubeysnaa AK-47, BKM iyo RPG ay xoog ku galeen guryo ku yaalla xaafadda Tiintiinley ee degmada Wadajir,” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.
Dhinaca kale, NISA ayaa sheegtay in 24-kii Juun 2026, maleeshiyaadkan ay weerar ku qaadeen ciidamada Ilaalada Shacabka, ayna afduubteen mid ka mid ah ciidamadii waajibaadkooda gudanayay. 27-kii Juun 2026, waxay mar kale hor istaageen howlaha amni ee ciidamada ka howlgalayay Waaxda General Daa’uud.
“Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waa hay’ad amni oo ku shaqeysa sharciga, kana madax-bannaan loollanka siyaasadeed. Sidaas darteed, NISA ma oggolaan doonto in ciidamadeeda loo jiido khilaaf siyaasadeed, mana geli doonto wax gorgortan ah oo ku saabsan sugidda amniga iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed. Hay’adda waxaa ka go’an gudashada waajibaadkeeda sharci, ilaalinta xasilloonida caasimadda iyo ka hortagga fal kasta oo khatar gelinaya nabadgelyada bulshada,” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.
Goor sii horreysay Xisbiga Himilo Qaran ee Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo isna qoraal soo saaray ayaa ka digay ciidamo uu sheegay in la geeyay xaafadaha ay dagan yihiin mucaaradka, iyadoo arrintaas uu xisbiga ku tilmaamay inuu arko daan-daansi dagaal, uuna cambaareynayo.
“Xisbiga Himilo Qaran wuxuu si dhow ula socdaa daan-daansiga, xasarad abuurrka, hurrinta colaado sokeeye iyo abaabulka ciidamo si gaar ah uga amar qaata Madaxweynaha sharc-darrada ku jooga Villa Somalia ee Xasan Sheekh Maxamuud. Wuxuu Xisbigu cambaareynayaa tallaabooyinka qaar iska tuurka ah oo lagu khal-khalgelinayo bulshada caasimadda, laguna carqaladeynayo wadahadallada siyaasadeed, islamarkaana dib u celin karta dowladnimada jilicsan ee aan haysano,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Waxaa kale oo uu bayaanka intaas kusii daray “Xisbiga Himilo Qaran wuxuu ummadda Soomaaliyeed la wadaagayaa in Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday uu qaadi doono mas’uuliyadda iyo cawaaqib-xumo kasta oo ka dhalata duullaan lagu qaado xarumaha siyaasiyiinta”.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- NISA ayaa warbixin ka bixisay dhaq-dhaqaaqyo hubeysan oo ka dhacay Muqdisho, kuwaas oo u dhexeeyay ciidamada ammaanka dowladda iyo kuwa taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka, gaar ahaan madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Qodobada muhiimka ah
- NISA ayaa sheegtay in maleeshiyaad hubeysan oo ka amar qaata madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay isku dayeen inay isk hor imaad ku riixaan ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada shacabka ee Hay’adda.
- NISA ayaa cambaareysay weerarrada iyo falalka hubeysan ee lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka, waxayna sheegtay inaysan oggolaan doonin in ciidamadeeda loo jiido khilaaf siyaasadeed.
- NISA ayaa soo bandhigtay caddeymo ay ku jiraan muuqaalo ay duubeen kaamirooyinka CCTV, kuwaas oo muujinaya in maleeshiyaad ku hubeysnaa AK-47, BKM iyo RPG ay xoog ku galeen guryo ku yaalla xaafadda Tiintiinley.
- 24-kii Juun 2026, maleeshiyaadkan ay weerar ku qaadeen ciidamada Ilaalada Shacabka, ayna afduubteen mid ka mid ah ciidamadii waajibaadkooda gudanayay.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay bayaanno ka yimid NISA oo aan la xaqiijin madax-bannaan.
- Jawaab ka timid mucaaradka ama Sheekh Shariif Sheekh Axmed laguma darin.
- Tirooyinka khasaare ama natiijooyinka gaarka ah ee dhacdooyinka la soo sheegay laguma bixin.
Gunaanadka akhristaha
NISA ayaa warbixin ka bixisay xiisado socda oo ka jira Muqdisho oo ku saabsan maleeshiyaad iyo ciidamada dowladda.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doonaan tallaabooyinka gaarka ah ee NISA ay qaadi doonto ka dib dhacdooyinkan?
- Sidee bay mucaaradku uga jawaabi doonaan sheegashada NISA?
- Maxay yihiin saameynta amniga ee Muqdisho mustaqbalka?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · nisa · ciidamada · soo
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada