Sidee mucaaradka uga fal-celiyeen dib u doorashada Cali Guudlaawe?
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiCali Guudlaawe ayaa dib loo doortay Madaxweynaha HirShabelle, waxaana loo doortay Cabdifitaax Xasan Afrax madaxweyne ku xigeenka cusub doorasho ka dhacday Jowhar.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Siyaasiga Cabdulqaadir Cosoble oo kamid ah Madasha Samatabixinta mucaaradka ayaa u hambalyeeyay Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa, isaga oo u rajeeyay inuu Eebbe u fududeeyo mas’uuliyada culus loo igmaday.
- “Waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweynaha cusub ee Dowladda-Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe).
- Sidoo kale, wasiirkii hore ee amniga gudaha, Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo kamid ah Isbahaysiga Haybad Qaran ayaa hambalyo u diray hoggaanka la doortay ee HirShabelle, wuxuuna kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan midnimada bulshada labada gobol.
- Sidoo kale, wuxuu sii raaciyay “Hoggaanka cusub waxaan kula dardaarmayaa inay ku shaqeeyaan midnimo, una howlgalaan, sidii dib u heshiisiin dhab ah loo dhex dhigi lahaa Shacabka Hirshabeelle, gaar ahaan inta tabashada qabta”.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin falcelinta gaarka ah ee mucaaradka ka dib intii la shaaciyay natiijooyinka?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Cali Guudlaawe ayaa dib loo doortay Madaxweynaha HirShabelle.
- Cabdifitaax Xasan Afrax ayaa loo doortay madaxweyne ku xigeenka cusub ee maamul-goboleedka HirShabelle.
- Cabdulqaadir Cosoble ayaa u hambalyeeyay Madaxweyne Cali Guudlaawe.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka ayaa soo dhaweeyey doorashadii maanta ka dhacday magaalada caasimada ah ee Jowhar oo ay kusoo baxeen Madaxweyne Cali Guudlaawe oo dib loo doortay iyo Cabdifitaax Xasan Afrax, kadib markii loo doortay madaxweyne ku xigeenka cusub ee maamul-goboleedka HirShabelle.
Siyaasiga Cabdulqaadir Cosoble oo kamid ah Madasha Samatabixinta mucaaradka ayaa u hambalyeeyay Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa, isaga oo u rajeeyay inuu Eebbe u fududeeyo mas’uuliyada culus loo igmaday.
“Waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweynaha cusub ee Dowladda-Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe). Waxaan kuu rajaynayaa in Alle kuu fududeeyo xilka culus , kuguna asturo masuuliyaddaas weyn . Alle ha kugu garab galo gudashada waajibaadkaaga, hana kaa dhigo mid ka shaqeeya horumarka, nabadda ,dib u heshiisiinta iyo midnimada bulshada Hirshabeelle,” ayuu Cabdulqaadir Cosoble.
Sidoo kale, wasiirkii hore ee amniga gudaha, Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo kamid ah Isbahaysiga Haybad Qaran ayaa hambalyo u diray hoggaanka la doortay ee HirShabelle, wuxuuna kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan midnimada bulshada labada gobol.
“Waxaan hambalyo u dirayaa walaalkey marna saxiibkey Madaxweynaha cusub ee loo doortay Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe. Waxaan uga Alle uga baryeynaa inuu u fududeeyo masuuliyadda iyo xilka culus ee mar labaad lagu aaminay 5-ta sano ee soo socota,” ayuu yiri Islow.
Sidoo kale, wuxuu sii raaciyay “Hoggaanka cusub waxaan kula dardaarmayaa inay ku shaqeeyaan midnimo, una howlgalaan, sidii dib u heshiisiin dhab ah loo dhex dhigi lahaa Shacabka Hirshabeelle, gaar ahaan inta tabashada qabta”.
Dhankiisa Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geeddi ayaa yiri “Waxaan u hambaleynayaa Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo maanta loo doortay Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle shanta sano ee soo socota. Guudlaawe waa waaya-arag la tijaabiyay oo qunyar socod ah lana hubo in uu maamulka iyo shacabka Hirshabeelle gaarsiin doono nabad, xasillooni iyo horumar waara”.
Waxaa kale oo uu hambalyeeyay madaxweyne ku xigeenka “Sidoo kale waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Kuxigeenkiisa isagana maanta la doortay Mudane Abdifataax Xasan Afrax, waxaan labadooda u rajeynayaa in Ilaahay uu ku guuleeyo una fududeeyo mas’uuliyadda iyo waajibaadka loo igmada”.
Kala baxa doorashada Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle ayaa kusoo aaday, iyadoo todobaadkii hore ay dhacday doorashadii Galmudug oo uu isna kusoo baxay Madaxweyne Liibaan Axmed Xasan oo ka tirsan xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka ee JSP.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Cali Guudlaawe ayaa dib loo doortay Madaxweynaha HirShabelle, waxaana loo doortay Cabdifitaax Xasan Afrax madaxweyne ku xigeenka cusub doorasho ka dhacday Jowhar.
Qodobada muhiimka ah
- Cali Guudlaawe ayaa dib loo doortay Madaxweynaha HirShabelle.
- Cabdifitaax Xasan Afrax ayaa loo doortay madaxweyne ku xigeenka cusub ee maamul-goboleedka HirShabelle.
- Cabdulqaadir Cosoble ayaa u hambalyeeyay Madaxweyne Cali Guudlaawe.
- Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa hambalyo u diray hoggaanka la doortay ee HirShabelle.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dhinacyada ka soo horjeeda natiijooyinka doorashada.
- Eedeymaha ku saabsan falcelinta xubnaha mucaaradka waxay ku saleysan yihiin kaliya waxa ku qoran maqaalka.
- Ma jiraan xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan natiijooyinka doorashada.
Gunaanadka akhristaha
Dib u doorashada Cali Guudlaawe iyo magacaabista madaxweyne ku xigeenka cusub waxay muujinayaan sii socoshada hoggaaminta HirShabelle.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin falcelinta gaarka ah ee mucaaradka ka dib intii la shaaciyay natiijooyinka?
- Sidee hoggaanka cusub u wajahaan caqabadaha ka jira HirShabelle?
- Maxay yihiin saameynta doorashadan ee muuqaalka siyaasadeed ee Soomaaliya?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · guudlaawe · mucaaradka · cali
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada