Toddobo kooxood oo hubeysan oo ku dhawaaqay isbahaysi cusub oo ka dhan ah dowladda Abii Axmed
Waxa dhacay
80 ilbiriqsiToddobo kooxood oo hubeysan ayaa ku dhawaaqay in ay sameysteen isbahaysi cusub oo ka dhan ah dowladda Itoobiya ee uu hoggaamiyo Abiy Axmed, iyagoo doonaya inay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii meesha looga saari lahaa dowladda iyo in la dhiso dowlad ku-meel-gaar ah.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Isbahaysigan oo loogu magac daray “Ethiopian Peoples’ Forces Alliance for Survival” , ama “Alliance for Survival” , ayaa lagu dhawaaqay Axaddii, iyadoo kooxuhu sheegeen inay doonayaan inay khilaafaadkooda dhinac iska dhigaan, ayna sameeyaan hannaan siyaasadeed oo cusub oo lagu soo afjaro colaadaha dalka ka socda.
- Isbahaysiga waxaa ku jira Amhara Fano National Movement , oo ah isbahaysi ka kooban garabyada Fano ee dagaalka kula jira ciidamada dowladda gobolka Amhara tan iyo 2023; Tigray People’s Liberation Front (TPLF) , oo muddo dheer awood siyaasadeed ku lahayd Itoobiya, isla markaana dagaal weyn la gashay dowladda federaalka intii u dhexeysay 2020 iyo 2022; iyo Oromo Liberation Army (OLA) oo dagaal kula jirta ciidamada dowladda qaybo ka mid ah gobolka Oromia tan iyo 2018.
- Waxaa sidoo kale ku biiray ONLF , Ugugumo , iyo jamhado kale, ayadoo isbahaysigan cusubi uu xasaasi ka dhigaya xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Itoobiya, gaar ahaan maadaama qaar ka mid ah kooxaha hadda isku dhinac noqday ay horey u ahaayeen dhinacyo iska soo horjeeday.
- Fano, tusaale ahaan, waxay intii lagu jiray dagaalkii Tigray garab taagnayd ciidamada dowladda federaalka, iyadoo dagaalkaas oo socday 2020 ilaa 2022 uu sababay dhimasho aad u badan iyo barakac ballaaran.
Sida ay sheegtay Goobjoog Somali
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee isbahaysigu qaadi doono ka dhanka ah dowladda Itoobiya?
Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Toddobo kooxood oo hubeysan ayaa ku dhawaaqay in ay sameysteen isbahaysi cusub oo ka dhan ah dowladda Itoobiya ee uu hoggaamiyo Abiy Axmed.
- Isbahaysigan waxaa loogu magac daray 'Ethiopian Peoples’ Forces Alliance for Survival' oo ujeedkiisu yahay in la dhiso dowlad ku-meel-gaar ah.
- Kooxaha isbahaysiga sameystay waxay dowladda Abiy Axmed ku eedeeyeen inay dalka ku maamusho waxa ay ku tilmaameen “xukun kali-talisnimo ah” , ayna Itoobiya u horseedayso kala qaybsanaan.
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Toddobo kooxood oo hubeysan oo Itoobiyaan ah ayaa ku dhawaaqay inay sameysteen isbahaysi cusub oo ay ku mideysan yihiin, xilli kooxahan ay horey uga dhexeeyeen khilaafaad iyo dagaallo, iyagoo sheegay inay doonayaan inay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii meesha looga saari lahaa dowladda Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, isla markaana loo dhisi lahaa dowlad ku-meel-gaar ah oo loo dhan yahay.
Isbahaysigan oo loogu magac daray “Ethiopian Peoples’ Forces Alliance for Survival” , ama “Alliance for Survival” , ayaa lagu dhawaaqay Axaddii, iyadoo kooxuhu sheegeen inay doonayaan inay khilaafaadkooda dhinac iska dhigaan, ayna sameeyaan hannaan siyaasadeed oo cusub oo lagu soo afjaro colaadaha dalka ka socda.
Isbahaysiga waxaa ku jira Amhara Fano National Movement , oo ah isbahaysi ka kooban garabyada Fano ee dagaalka kula jira ciidamada dowladda gobolka Amhara tan iyo 2023; Tigray People’s Liberation Front (TPLF) , oo muddo dheer awood siyaasadeed ku lahayd Itoobiya, isla markaana dagaal weyn la gashay dowladda federaalka intii u dhexeysay 2020 iyo 2022; iyo Oromo Liberation Army (OLA) oo dagaal kula jirta ciidamada dowladda qaybo ka mid ah gobolka Oromia tan iyo 2018.
Waxaa sidoo kale ku biiray ONLF , Ugugumo , iyo jamhado kale, ayadoo isbahaysigan cusubi uu xasaasi ka dhigaya xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Itoobiya, gaar ahaan maadaama qaar ka mid ah kooxaha hadda isku dhinac noqday ay horey u ahaayeen dhinacyo iska soo horjeeday.
Fano, tusaale ahaan, waxay intii lagu jiray dagaalkii Tigray garab taagnayd ciidamada dowladda federaalka, iyadoo dagaalkaas oo socday 2020 ilaa 2022 uu sababay dhimasho aad u badan iyo barakac ballaaran.
Kooxaha isbahaysiga sameystay waxay dowladda Abiy Axmed ku eedeeyeen inay dalka ku maamusho waxa ay ku tilmaameen “xukun kali-talisnimo ah” , ayna Itoobiya u horseedayso kala qaybsanaan.
Dhankooda, waxay sheegeen in xukuumadda ku-meel-gaarka ah ee ay doonayaan in la dhiso ay yeelan doonto hannaan lagu soo afjaro dagaallada, lagu ilaaliyo xuquuqda shacabka, laguna qabto wada-hadal qaran oo loo dhan yahay.
dowladda Itoobiya ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin ku dhawaaqista isbahaysigan, xilli hoggaamiyeyaasha kooxahani ay sheegay in wada-hadallada lagu dhisayo isbahaysiga ay socdeen muddo ku dhow hal sano, taasoo muujinaysa in heshiiska cusub uusan ahayn tallaabo si lama filaan ah loo qaaday.
Ku dhawaaqista isbahaysiga ayaa sidoo kale ku soo beegmaysa xilli ay mar kale sare u kacayaan xiisadaha gobolka Tigray, ayadoo heshiiskii nabadeed ee Pretoria ee 2022 ee soo afjaray dagaalkii u dhexeeyay dowladda federaalka iyo xoogaggii Tigray uu u muuqdo mid burbur qarka u saaran.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Toddobo kooxood oo hubeysan ayaa ku dhawaaqay in ay sameysteen isbahaysi cusub oo ka dhan ah dowladda Itoobiya ee uu hoggaamiyo Abiy Axmed, iyagoo doonaya inay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii meesha looga saari lahaa dowladda iyo in la dhiso dowlad ku-meel-gaar ah.
Qodobada muhiimka ah
- Toddobo kooxood oo hubeysan ayaa ku dhawaaqay in ay sameysteen isbahaysi cusub oo ka dhan ah dowladda Itoobiya ee uu hoggaamiyo Abiy Axmed.
- Isbahaysigan waxaa loogu magac daray 'Ethiopian Peoples’ Forces Alliance for Survival' oo ujeedkiisu yahay in la dhiso dowlad ku-meel-gaar ah.
- Kooxaha isbahaysiga sameystay waxay dowladda Abiy Axmed ku eedeeyeen inay dalka ku maamusho waxa ay ku tilmaameen “xukun kali-talisnimo ah” , ayna Itoobiya u horseedayso kala qaybsanaan.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaab ka timid dowladda Itoobiya oo ku saabsan ku dhawaaqista isbahaysigan.
- Eedeymaha kooxaha ku saabsan xukun kali-talisnimo ee dowladda ma ahan kuwo la xaqiijiyay madax-bannaan.
- Maqaalku ma bixinayo faahfaahin ku saabsan waqtiga ama tallaabooyinka gaarka ah ee isbahaysiga qorsheynayo.
Gunaanadka akhristaha
Sameynta isbahaysigan waxay kordhin kartaa xiisadaha Itoobiya, iyadoo la tixgelinayo khilaafaadka taariikhi ah ee u dhexeeya kooxaha ku lugta leh.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee isbahaysigu qaadi doono ka dhanka ah dowladda Itoobiya?
- Sidee ayey isbahaysigan u saameyn doontaa khilaafaadka socda ee Itoobiya?
- Maxay tahay jawaabta dowladda Itoobiya ee ku saabsan isbahaysigan cusub?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · dhawaaqay · toddobo · hubeysan
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada