Trump oo dalbaday dagaal ka dhan ah Soomaalida Minnesota
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiDonald Trump ayaa dhaliyay caro kadib markii uu shacabka Minnesota ku booriyay inay iska caabiyaan bulshada Soomaaliyeed, isaga oo ku eedeeyay inay la wareegeen gobolka oo ay mas'uul ka yihiin rabshadaha iyo dembiyada.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Hadalka Trump, oo uu Khamiistii ku baahiyay bartiisa Truth Social, ayaa ururrada xuquuqda aadanaha iyo madaxda gobolka Minnesota ku tilmaameen mid cunsuriyad ah oo dhiirrigelin kara rabshado ka dhan ah bulshada Soomaaliyeed.
- “Gobolkii weynaa ee Minnesota waxaa la wareegaya soo-galooti Soomaali ah.
- Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku eedeeyay Soomaalida inay dadka Minnesota u arkaan kuwo daciif ah oo aan waxba garanayn, isaga oo mar kale ku celiyay baaqiisa ah in shacabka gobolkaasi ay iska caabiyaan.
- “Soomaalida waa inaan loo oggolaan inay ka baxsadaan waxa ay sameynayaan.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa kororka khilaafaadka Minnesota ee ku saabsan bulshada Soomaaliyeed iyo suurtagalnimada in khilaafku kordho ka dib hadallada Trump.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin dhacdooyinka gaarka ah ee rabshadaha uu Trump tixraacayo?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Donald Trump ayaa shacabka Minnesota ku booriyay inay iska caabiyaan bulshada Soomaaliyeed, isaga oo ku eedeeyay inay la wareegeen gobolka oo ay mas'uul ka yihiin rabshadaha iyo dembiyada.
- Guddoomiyaha Minnesota, Tim Walz, ayaa cambaareeyay hadalka Trump, isaga oo ku tilmaamay qoraallada madaxweynaha kuwo aan caqli-gal ahayn oo looga jeedinayo indhaha dadweynaha dhibaatooyinka kale ee dalka ka jira.
- Ururka xuquuqda Muslimiinta Mareykanka ee Council on American-Islamic Relations (CAIR) ayaa hadalka Trump ku tilmaamay cunsuriyad cad iyo baaq dadban oo dhiirrigelinaya rabshado ka dhan ah bulsho dhan.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhaliyay caro iyo cambaareyn xooggan kadib markii uu shacabka gobolka Minnesota ugu baaqay inay iska caabiyaan Soomaalida ku nool gobolkaas, isaga oo ku eedeeyay inay la wareegeen Minnesota, isla markaana ay mas’uul ka yihiin rabshadaha iyo falalka dembiyada ah ee halkaas ka dhaca.
Hadalka Trump, oo uu Khamiistii ku baahiyay bartiisa Truth Social, ayaa ururrada xuquuqda aadanaha iyo madaxda gobolka Minnesota ku tilmaameen mid cunsuriyad ah oo dhiirrigelin kara rabshado ka dhan ah bulshada Soomaaliyeed.
“Gobolkii weynaa ee Minnesota waxaa la wareegaya soo-galooti Soomaali ah. Waxaa gobolka oo dhan ka jira rabshado, dilal iyo qalalaase. Dadka Minnesota waa inay iska caabiyaan,” ayuu Trump ku yiri qoraalkiisa.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku eedeeyay Soomaalida inay dadka Minnesota u arkaan kuwo daciif ah oo aan waxba garanayn, isaga oo mar kale ku celiyay baaqiisa ah in shacabka gobolkaasi ay iska caabiyaan.
“Soomaalida waa inaan loo oggolaan inay ka baxsadaan waxa ay sameynayaan. Waxay idiin arkaan dad daciif ah oo doqonno ah. Iska caabiya Minnesota, iska caabiya!” ayuu yiri.
Trump ayaa intaas ku daray in dowladda federaalka ay diyaar u tahay inay soo farageliso haddii loo baahdo, isaga oo guddoomiyaha gobolka Minnesota, Tim Walz, iyo duqa magaalada Minneapolis, Jacob Frey, ugu baaqay inay si degdeg ah u codsadaan kaalmo federaal ah.
“Haddii aad u baahataan, dowladda federaalka ayaa idiin soo gurman doonta. Guddoomiyaha Tim Walz iyo duqa Minneapolis Jacob Frey waa inay si degdeg ah u codsadaan caawimaad federaal ah, inta kalena annaga noo daaya,” ayuu yiri.
Hadalka madaxweynaha ayaa yimid xilli ay gobolka Minnesota ka dhaceen dhowr dhacdo oo toogasho ah oo boolisku la xiriiriyeen kooxo dhallinyaro Soomaali ah, halka dowladda federaalka ay toddobaadkan dacwad ku soo oogtay wiil 18 jir ah oo asal ahaan Soomaali ah, kuna eedeysan inuu qorsheynayay weerar argagixiso oo ka dhaca xarunta ganacsiga Mall of America.
Dhacdooyinkaas ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo amniga gobolka, balse dadka dhaliilaya Trump ayaa ku eedeeyay inuu dembiyada loo haysto shaqsiyaad gaar ah u adeegsanayo eedeymo guud oo ka dhan ah bulshada Soomaaliyeed.
Jawaab adag oo ka timid Minnesota
Guddoomiyaha gobolka Minnesota, Tim Walz, ayaa si kulul u cambaareeyay hadalka Trump, isaga oo ku tilmaamay qoraallada madaxweynaha kuwo aan caqli-gal ahayn oo looga jeedinayo indhaha dadweynaha dhibaatooyinka kale ee dalka ka jira.
“Qoraallada waalida ah ee madaxweynaha ee baraha bulshada kama leexin karaan xaqiiqda ah inuu ku guuldarreysanayo dagaal, isla markaana uu sare u qaadayo qiimaha nolosha,” ayuu Walz ku yiri bayaan.
“Wuxuu weerarayaa gobollada ay Dimoqraaddiyiintu maamulaan, sababtoo ah ma awoodo inuu wax ka qabto cadowga dhabta ah ee Mareykanka,” ayuu raaciyay.
Walz ayaa sidoo kale farriin taageero ah u diray bulshada Soomaaliyeed, isaga oo u sheegay inay yihiin dad qiimo ku leh Minnesota, xaqna u leh inay halkaas ku noolaadaan.
Dhanka kale, ururka xuquuqda Muslimiinta Mareykanka ee Council on American-Islamic Relations (CAIR), gaar ahaan laantiisa Minnesota, ayaa hadalka Trump ku tilmaamay cunsuriyad cad iyo baaq dadban oo dhiirrigelinaya rabshado ka dhan ah bulsho dhan.
“Madaxweyne Trump wuxuu bartilmaameed dul dhigay dhabarka Soomaalida Mareykanka. Hadalladiisu ma aha oo keliya hadallo siyaasadeed, balse waa casuumaad khatar ah oo horseedi karta nacayb iyo rabshado,” ayuu yiri agaasimaha CAIR ee Minnesota, Jaylani Hussein.
Jaylani ayaa xusay in Minnesota ay hore uga dhaceen weerarro lagu beegsaday masaajidda, isaga oo ka digay in hadallada siyaasadeed ee naceybka xambaarsan ay dhalin karaan falal rabshado ah.
“Soomaalida Mareykanka ma aha dad shisheeye ah. Waa dad reer Minnesota ah, waxayna xaq u leeyihiin ammaan, sharaf iyo ilaalinta dastuuriga ah ee uu leeyahay qof kasta oo Mareykan ah,” ayuu raaciyay.
Ururka ayaa ugu baaqay madaxda labada xisbi ee Mareykanka inay cambaareeyaan hadalka madaxweynaha, halka hay’adaha ammaanka laga dalbaday inay xoojiyaan ilaalinta masaajidda, ganacsiyada Soomaalida iyo xarumaha bulshada.
Xildhibaan Jamal Osman oo ka tirsan golaha deegaanka Minneapolis ayaa isna Trump xusuusiyay in Soomaalida Minnesota ay ka mid yihiin muwaadiniinta uu mas’uulka ka yahay.
“Soomaalida Minnesota waa muwaadiniintaada sidoo kale. Mas’uuliyadda kaa saaran ilaalintooda kama duwana tan kaa saaran ilaalinta Mareykan kasta,” ayuu yiri Osman.
Weerarrada Trump ee Soomaalida
Hadalka cusub ayaa qeyb ka ah weerarro afka ah oo Trump muddooyinkii dambe si joogto ah ugu qaaday Soomaalida Mareykanka, gaar ahaan kuwa ku nool Minnesota, halkaas oo ay deggen yihiin bulshada Soomaaliyeed ee ugu badan dalka.
Trump ayaa bishii December ee sanadkii hore Soomaalida ku tilmaamay “qashin”, isaga oo sheegay inuusan dooneyn inay ku sii noolaadaan Mareykanka, hadalkaas oo xilligaas dhaliyay cambaareyn ballaaran.
Maamulkiisa ayaa sidoo kale kumannaan askari oo ka tirsan hay’adaha socdaalka u diray Minnesota, isaga oo tallaabadaas ku sababeeyay baaritaanno musuqmaasuq oo lagu sameeyay barnaamijyo dowladda maalgeliso, kuwaas oo qaar ka mid ah dadkii lagu helay dambiyada ay ahaayeen Soomaali.
Howlgalladaas ayaa dhaliyay muran sharci iyo mid siyaasadeed, waxaana dacwado maxkamadeed lagu eedeeyay saraakiisha socdaalka inay dadka ku bartilmaameedsadeen midabkooda iyo asalkooda.
Sida ay muujinayaan qiyaasaha tirakoobka Mareykanka, in ka badan 107,000 oo qof oo asal ahaan Soomaali ah ayaa ku nool gobolka Minnesota, kuwaas oo in ka badan 83,000 ay deggen yihiin magaalooyinka Minneapolis, St. Paul iyo nawaaxigooda.
Inta badan Soomaalida gobolka ayaa ah muwaadiniin Mareykan ah, halka tiro badan oo kalena ay ku dhasheen dalkaas.
Hadalka Trump ayaa kusoo aadaya iyadoo Mareykanka uu ku jiro olole siyaasadeed oo kulul oo ka horreeya doorashooyinka bartamaha muddo-xileedka ee November, kuwaas oo go’aamin doona awoodda labada xisbi ku yeelan doonaan Congress-ka.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Donald Trump ayaa dhaliyay caro kadib markii uu shacabka Minnesota ku booriyay inay iska caabiyaan bulshada Soomaaliyeed, isaga oo ku eedeeyay inay la wareegeen gobolka oo ay mas'uul ka yihiin rabshadaha iyo dembiyada.
Qodobada muhiimka ah
- Donald Trump ayaa shacabka Minnesota ku booriyay inay iska caabiyaan bulshada Soomaaliyeed, isaga oo ku eedeeyay inay la wareegeen gobolka oo ay mas'uul ka yihiin rabshadaha iyo dembiyada.
- Guddoomiyaha Minnesota, Tim Walz, ayaa cambaareeyay hadalka Trump, isaga oo ku tilmaamay qoraallada madaxweynaha kuwo aan caqli-gal ahayn oo looga jeedinayo indhaha dadweynaha dhibaatooyinka kale ee dalka ka jira.
- Ururka xuquuqda Muslimiinta Mareykanka ee Council on American-Islamic Relations (CAIR) ayaa hadalka Trump ku tilmaamay cunsuriyad cad iyo baaq dadban oo dhiirrigelinaya rabshado ka dhan ah bulsho dhan.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha Trump ama taageerayaashiisa.
- Eedeymaha ku saabsan rabshadaha iyo dembiyada ee la xiriira bulshada Soomaaliyeed ayaa la weriyay laakiin aan si madax-bannaan loo xaqiijin.
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay hadallada mas'uuliyiinta dadweynaha iyo ururada iyada oo aan la xaqiijin madax-bannaan.
Gunaanadka akhristaha
Hadallada Trump ayaa si xooggan loogu cambaareeyay hogaamiyeyaasha deegaanka iyo ururada xuquuqda aadanaha.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin dhacdooyinka gaarka ah ee rabshadaha uu Trump tixraacayo?
- Sidee ayay maamulka deegaanka uga jawaabi doonaan baaqa Trump?
- Maxay yihiin tallaabooyinka, haddii ay jiraan, ee la qaadi doono si loo xalliyo khilaafaadka bulshada?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa kororka khilaafaadka Minnesota ee ku saabsan bulshada Soomaaliyeed iyo suurtagalnimada in khilaafku kordho ka dib hadallada Trump.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · trump · minnesota · soomaalida
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada