Trump oo ku baaqay in lala dagaallamo Soomaalida Minnesota
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiDonald Trump ayaa sii xoojiyay hadalladiisa ka dhanka ah Soomaalida ku nool Mareykanka, isaga oo dadka gobolka Minnesota ugu baaqay inay iska caabiyaan bulshada Soomaaliyeed ee halkaas ku nool.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Trump ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Truth Social ku sheegay in gobolka Minnesota ay la wareegayaan muhaajiriin Soomaaliyeed.
- “Dadka Minnesota waa inay iska caabiyaan Muhaajiriinta ka yimid Soomaaliya,” ayuu yiri Trump, isaga oo intaas ku daray in Soomaalidu aysan ka baxsan karin dembiyada ay sameynayaan, isla markaana uu sheegay inay dadka gobolka ka adkaan doonaan soo-galootiga.
- Trump ayaa sidoo kale sheegay in haddii loo baahdo, dowladda federaalka Mareykanka ay u fidinayso gurmadka dadka Minnesota.
- Minnesota ayaa hoy u ah bulshada Soomaaliyeed ee ugu badan Mareykanka, waxaana gobolkaas ku nool Soomaali badan oo ka qayb qaata dhaqaalaha, siyaasadda iyo nolosha bulshada, kuwaasoo inta badan taageera xisbiga Dimuqraadiga, islamarkaana codka siiya xiliga doorashadda.
Sida ay sheegtay Shabelle Media
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa xiisadaha socda ee ku saabsan muhaajiriinta iyo xiriirka bulshada ee Minnesota, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee Trump ka filayo dadka Minnesota?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Donald Trump ayaa ku baaqay in dadka Minnesota ay iska caabiyaan bulshada Soomaaliyeed ee halkaas ku nool.
- Trump ayaa sheegay in muhaajiriin Soomaaliyeed ay la wareegayaan Minnesota.
- Trump ayaa sidoo kale sheegay in haddii loo baahdo, dowladda federaalka Mareykanka ay u fidinayso gurmadka dadka Minnesota.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
WASHINGTON – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sii xoojiyay hadalladiisa ka dhanka ah Soomaalida ku nool Mareykanka, isaga oo dadka gobolka Minnesota ugu baaqay inay “iska caabiyaan” bulshada Soomaaliyeed ee halkaas ku nool.
Trump ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Truth Social ku sheegay in gobolka Minnesota ay la wareegayaan muhaajiriin Soomaaliyeed.
“Dadka Minnesota waa inay iska caabiyaan Muhaajiriinta ka yimid Soomaaliya,” ayuu yiri Trump, isaga oo intaas ku daray in Soomaalidu aysan ka baxsan karin dembiyada ay sameynayaan, isla markaana uu sheegay inay dadka gobolka ka adkaan doonaan soo-galootiga.
Trump ayaa sidoo kale sheegay in haddii loo baahdo, dowladda federaalka Mareykanka ay u fidinayso gurmadka dadka Minnesota. Aqalka Cad ayaan ka jawaabin su’aal laga weydiiyay tallaabooyinka uu Trump uga jeedo baaqiisa ku aaddan in dadka gobolka ay “iska caabiyaan” Soomaalida.
Minnesota ayaa hoy u ah bulshada Soomaaliyeed ee ugu badan Mareykanka, waxaana gobolkaas ku nool Soomaali badan oo ka qayb qaata dhaqaalaha, siyaasadda iyo nolosha bulshada, kuwaasoo inta badan taageera xisbiga Dimuqraadiga, islamarkaana codka siiya xiliga doorashadda.
Intii uu xilka hayay, Trump ayaa marar badan hadallo kulul ku weeraray Soomaalida Mareykanka, gaar ahaan kuwa ku nool Minnesota, iyo xildhibaan Ilhan Omar oo asal ahaan Soomaali ah, kuna dhalatay Soomaaliya.
Hadallada Trump ee ka dhanka ah Soomaalida Minnesota ayaa sii xoogaystay kaddib warbixino la baahiyay sannadkii hore oo ku saabsanaa dad badan oo asal ahaan Soomaali ah oo lagu helay dambiyo la xiriira musuqmaasuq iyo wax isdaba marin.
Tan iyo xilligaas, Trump ayaa Soomaalida qaarkeed ku tilmaamay “dambiilayaal”, isaga oo sidoo kale Soomaaliya ku sifeeyay erayo meel ka dhac ah.
Baaqiisa ayaa imanaya iyadoo hadallada siyaasadeed ee Trump ee ku saabsan muhaajiriinta Soomaalida ay sii hurinayaan doodda ku saabsan takoorka, hadallada naceybka iyo sida loola dhaqmo bulshooyinka muhaajiriinta ah ee ku nool Mareykanka.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Donald Trump ayaa sii xoojiyay hadalladiisa ka dhanka ah Soomaalida ku nool Mareykanka, isaga oo dadka gobolka Minnesota ugu baaqay inay iska caabiyaan bulshada Soomaaliyeed ee halkaas ku nool.
Qodobada muhiimka ah
- Donald Trump ayaa ku baaqay in dadka Minnesota ay iska caabiyaan bulshada Soomaaliyeed ee halkaas ku nool.
- Trump ayaa sheegay in muhaajiriin Soomaaliyeed ay la wareegayaan Minnesota.
- Trump ayaa sidoo kale sheegay in haddii loo baahdo, dowladda federaalka Mareykanka ay u fidinayso gurmadka dadka Minnesota.
- Hadallada Trump ee ka dhanka ah Soomaalida Minnesota ayaa sii xoogaystay kaddib warbixino la baahiyay sannadkii hore oo ku saabsanaa dad badan oo asal ahaan Soomaali ah oo lagu helay dambiyo la xiriira musuqmaasuq iyo wax isdaba marin.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha bulshada Soomaaliyeed ama wax jawaab celin ah.
- Eedeymaha Trump ma ahan kuwo madax-bannaan oo la xaqiijiyay.
- Maqaalku ma bixinayo faahfaahin ku saabsan dambiyada la xusay.
Gunaanadka akhristaha
Hadallada Trump waxay muujinayaan sheeko ballaaran oo ku saabsan muhaajiriinta iyo dabeecadaha bulshada ee Mareykanka.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee Trump ka filayo dadka Minnesota?
- Sidee ayay bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota uga jawaabtay hadallada Trump?
- Waa maxay cadeymaha taageeraya eedeymaha Trump ee ku saabsan muhaajiriinta Soomaaliyeed iyo dambiyada?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa xiisadaha socda ee ku saabsan muhaajiriinta iyo xiriirka bulshada ee Minnesota, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · trump · minnesota · soomaalida
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Trump: Dadka gobolka Minnesota waa inay "iska caabiyaan" soogalootiga Soomaalida, dowladdu gacan ayay idinku siinaysaa"
BBC Somali
- Soomaalida oo Saameyn sii kordheysa ku yeelanaysa siyaasadda Itoobiya
Goobjoog Somali
- Mucaaradka oo si adag u cambaareeyay safarrada Xasan Sheekh ee laba dal oo col ah
Caasimada Online