Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Itoobiya iyo Eritrea
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiMaqaalku wuxuu sheegayaa in xiisadaha u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea ay sii kordhayaan, iyadoo diyaaradaha Itoobiya la sheegay inay duqeymo ku qaadeen ciidamo Eritrean ah oo gudaha u galay Tigray.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Duqeymahan ayaa lagu beegsaday gaadiid militari oo ay la socdeen ciidamo Eritrean ah, kuwaas oo ka soo baxayay fariisimo ku yaalla agagaarka magaalada Adigrat, sida ay sheegtay hay’adda dabagalka colaadaha ee ACLED oo fadhigeedu yahay Mareykanka.
- Ciidamada Eritrea ayaa Arbacadii ka soo gudbay xadka labada dal, iyagoo tobannaan kiiloomitir gudaha u galay gobolka Tigray, balse waxay markii dambe bilaabeen inay dib ugu laabtaan dhanka waqooyi, xilli ay wajahayeen duqeymo xooggan.
- Goobjoogayaal ayaa Arbacadii sheegay inay arkeen ciidamo Eritrean ah oo gaadiid waaweyn lagu daabulayo, kuwaas oo marayay magaalada Adigrat, oo qiyaastii 25 kiiloomitir gudaha uga jirta xadka Itoobiya.
- Tani waxay noqotay xaqiijintii ugu horreysay ee joogitaanka ciidamada Eritrea ee waqooyiga Itoobiya, tan iyo markii bishii hore ay dagaallo culus ka dhex qarxeen ciidamada dowladda federaalka Itoobiya iyo isbaheysi kooxo hubeysan ah oo kasoo horjeeda xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doontaa cawaaqibka ka dhalan kara baaqa dowladda Itoobiya ee ku saabsan in la kala baxo?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Ciidamada Eritrea ayaa la sheegay inay xadka u gudbeen gobolka Tigray, Itoobiya, Arbacadii.
- Dowladda Itoobiya ayaa ku baaqday in ciidamada Eritrea laga saaro dhulkeeda.
- Eritrea ayaa ku gacan seyrtay eedeymaha Itoobiya ee ku saabsan joogitaankeeda militariga ee Tigray.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Addis Ababa (Caasimada Online) – Xiisadda u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea ayaa gaartay heer cusub oo halis ah, kadib markii diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha lahayn ee Itoobiya la rumeysan yahay inay duqeymo ku qaadeen ciidamo Eritrean ah oo gudaha u galay gobolka Tigray, xilli ay sii kordhayaan walaaca laga qabo in labada dal ay galaan dagaal toos ah.
Duqeymahan ayaa lagu beegsaday gaadiid militari oo ay la socdeen ciidamo Eritrean ah, kuwaas oo ka soo baxayay fariisimo ku yaalla agagaarka magaalada Adigrat, sida ay sheegtay hay’adda dabagalka colaadaha ee ACLED oo fadhigeedu yahay Mareykanka.
Ciidamada Eritrea ayaa Arbacadii ka soo gudbay xadka labada dal, iyagoo tobannaan kiiloomitir gudaha u galay gobolka Tigray, balse waxay markii dambe bilaabeen inay dib ugu laabtaan dhanka waqooyi, xilli ay wajahayeen duqeymo xooggan.
Goobjoogayaal ayaa Arbacadii sheegay inay arkeen ciidamo Eritrean ah oo gaadiid waaweyn lagu daabulayo, kuwaas oo marayay magaalada Adigrat, oo qiyaastii 25 kiiloomitir gudaha uga jirta xadka Itoobiya.
Tani waxay noqotay xaqiijintii ugu horreysay ee joogitaanka ciidamada Eritrea ee waqooyiga Itoobiya, tan iyo markii bishii hore ay dagaallo culus ka dhex qarxeen ciidamada dowladda federaalka Itoobiya iyo isbaheysi kooxo hubeysan ah oo kasoo horjeeda xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.
Duqeymo culus iyo dib u gurasho
Hay’adda ACLED ayaa sheegtay in duqeymaha lagu beegsaday gaadiid ay saarnaayeen ciidamo iyo saanad militari, xilli ciidamada Eritrea ay ka baxayeen deegaanno ay hore u gaareen.
Laba ilo-wareed oo kala ah diblomaasi iyo khabiir dhinaca colaadaha ah, kuwaas oo xiriir la leh labada dhinac, ayaa wakaaladda Reuters u sheegay inay heleen warar muujinaya in ciidamada Eritrea ay dib ugu dhaqaaqeen waqooyiga, kadib duqeymo xooggan oo ay fuliyeen diyaaradaha Itoobiya.
Hase yeeshee, weli ma cadda in ciidamadaasi ay gebi ahaanba ka baxayaan dhulka Itoobiya iyo in ay dib uga abaabulanayaan goobo kale oo gudaha dalkaas ah.
Mid ka mid ah dadka deggan magaalada Adigrat ayaa sheegay inuu habeenkii maqlay saddex qarax oo xooggan oo ka dhacay dhanka waqooyi ee magaalada.
Sarkaal sare oo Itoobiyaan ah, oo codsaday inaan magaciisa la shaacin, ayaa sheegay in Eritrea ay gobolka Tigray ku leedahay hal guuto oo gaadiidka gaashaaman ah iyo saddex guuto oo ciidanka lugta ah, kuwaas oo mid kasta lagu qiyaasay 1,500 oo askari.
Hase yeeshee, Reuters ayaa sheegtay inaysan si madax-bannaan u xaqiijin karin tirada iyo xogta ku saabsan ciidamadaas.
Itoobiya oo is-difaac ballan-qaaday
Dowladda Itoobiya ayaa Khamiistii si rasmi ah ugu baaqday Eritrea inay ciidamadeeda kala baxdo dhulkeeda, iyadoo ku adkeysatay inay xaq u leedahay difaaca madax-bannaanideeda iyo midnimada dhuleed.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Gedion Timothewos, ayaa dalabkaas hor dhigay ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Amina J. Mohammed, oo uu kulan la yeeshay Khamiistii.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa sheegtay in wasiirku uu dalbaday in si degdeg ah ciidamada Eritrea looga saaro dhulka Itoobiya, isla markaana uu caddeeyay xaqa dalkiisu u leeyahay inuu difaaco madax-bannaanidiisa iyo xuduudihiisa, si waafaqsan sharciga caalamiga ah.
Dhanka kale, Eritrea ayaa ku gacan seyrtay eedeymaha Itoobiya, iyadoo ku tilmaantay qayb ka mid ah qorshe ay Addis Ababa ku doonayso inay ku sharciyeyso dagaal ka dhan ah dalkeeda.
Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Gebremeskel, ayaa Arbacadii sheegay in wararka ku saabsan ciidamada Eritrea ee gudaha Itoobiya ay qayb ka yihiin qorshe lagu abuurayo marmarsiiyo dagaal.
Labada dal ayaa toddobaadkii hore jaray xiriirkoodii diblomaasiyadeed, kadib markii Itoobiya ay Eritrea ku eedeysay inay taageerto kooxaha hubeysan ee la dagaallamaya dowladdeeda. Asmara ayaa marar badan beenisay eedeymahaas.
Muranka Badda Cas iyo cabsi dagaal
Xiisadda labada dal ayaa si weyn u sii xoogeysatay bilihii u dambeeyay, iyadoo Eritrea ay Itoobiya ku eedeysay inay qorsheyneyso duullaan militari oo lagu qabsado qayb ka mid ah xeebteeda Badda Cas.
Eritrea ayaa walaaceeda sal uga dhigaysa hadallada soo noqnoqday ee Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, kaas oo sheegay in helitaanka marin badeed uu muhiim u yahay amniga iyo dhaqaalaha Itoobiya.
Abiy ayaa ku adkeysanaya in dowladdiisu ay marin badeed ku raadineyso waddo nabadeed, balse hadalladiisa ayaa walaac xooggan ka abuuray Eritrea, gaar ahaan suurtagalnimada in Itoobiya ay isku daydo inay gacanta ku dhigto dekedda Casab.
Dagaallada bishii hore dib uga qarxay waqooyiga Itoobiya ayaa noqday kuwii ugu xoogga badnaa tan iyo markii uu dhammaaday dagaalkii sokeeye ee Tigray ee socday intii u dhexeysay 2020 iyo 2022.
Colaadda cusub ayaa sare u qaadday cabsida laga qabo in dagaalka gudaha Itoobiya uu isu beddelo isku dhac ballaaran oo saameeya Geeska Afrika, xilli gobolka uu horeba ula daalaa dhacayay dagaalka sokeeye ee Suudaan.
Itoobiya iyo Eritrea ayaa leh taariikh dheer oo colaado iyo iskaashi militari oo marba dhinac isu beddelayay.
Eritrea ayaa madax-bannaanideeda qaadatay sanadkii 1993, kadib halgan hubeysan oo socday 30 sano. Labada dal ayaa mar kale dagaal xuduudeed oo dhiig badan ku daatay dhex maray intii u dhexeysay 1998 iyo 2000.
Xiriirkooda ayaa soo hagaagay sanadkii 2018, markii Abiy Ahmed uu heshiis nabadeed la gaaray Eritrea, taas oo markii dambe ciidamadeeda ka garab dagaallantay dowladda Itoobiya dagaalkii Tigray.
Hase yeeshee, xiriirkaas ayaa mar kale xumaaday dhammaadkii dagaalka Tigray, waxaana xiisadda hadda taagan ay dhalisay walaac ah in labadii dal ee mar xulafada ahaa ay dib ugu laabtaan dagaal toos ah.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Maqaalku wuxuu sheegayaa in xiisadaha u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea ay sii kordhayaan, iyadoo diyaaradaha Itoobiya la sheegay inay duqeymo ku qaadeen ciidamo Eritrean ah oo gudaha u galay Tigray. Dowladda Itoobiya ayaa ku baaqday in ciidamada Eritrea laga saaro dhulkeeda.
Qodobada muhiimka ah
- Ciidamada Eritrea ayaa la sheegay inay xadka u gudbeen gobolka Tigray, Itoobiya, Arbacadii.
- Dowladda Itoobiya ayaa ku baaqday in ciidamada Eritrea laga saaro dhulkeeda.
- Eritrea ayaa ku gacan seyrtay eedeymaha Itoobiya ee ku saabsan joogitaankeeda militariga ee Tigray.
- Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa dalabkaas hor dhigay ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay warbixinno ka yimid ACLED iyo ilo aan la magacaabin.
- Tirakoobka khasaaraha iyo faahfaahinta militariga ma ahan kuwo madax-bannaan oo la xaqiijiyay.
- Jawaabta Eritrea ee eedeymaha waxaa lagu soo bandhigay iyada oo aan laga helin jawaab ka timid Itoobiya.
Gunaanadka akhristaha
Xiisadaha u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea ayaa sii kordhaya, iyadoo la soo sheegay hawlgallo militariga iyo baaqyo dib u soo celin ah.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doontaa cawaaqibka ka dhalan kara baaqa dowladda Itoobiya ee ku saabsan in la kala baxo?
- Sidee Eritrea uga jawaabi doontaa eedeymaha iyo baaqyada kala baxa?
- Maxay noqon doonaan cawaaqibka ka dhalan kara sii socoshada hawlgallada militariga ee Tigray?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · eritrea · dagaalka · itoobiya
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada