Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Amni ka Sameeyay Shabeellaha Hoose
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Shabeellaha Hoose – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutooyinka 27-aad iyo 17-aad ee Ciidanka Dhulka, ayaa howlgal amni xaqiijin ah ka sameeyay deegaannada u dhexeeya Sabiid, Caanoole iyo Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Intii uu socday howlgalka, ciidanka ayaa ka hortagay falal ay kooxaha argagixisadu isku dayaan inay dhibaato ku gaarsiiyaan shacabka, gaar ahaan dadka beeraleyda ah ee ku nool deegaannadaas, kuwaas oo la sheegay in kooxahaasi ay isku dayaan inay si dhuumaaleysi ah uga qaadaan baad.
Sidoo kale, Ciidanka Xoogga Dalka ayaa baaritaanno miinooyin ka sameeyay waddooyinka isku xira deegaannada howlgalka laga sameeyay, si looga hortago miinooyinka ay kooxda Al-Shabaabku aasaan waddooyinka, kuwaas oo khatar ku ah shacabka isticmaala.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalada lagu xaqiijinayo amniga shacabka iyo ka hortagga falalka kooxaha argagixisada ah ee khatarta ku ah nolosha iyo amniga bulshada.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Shabelle Media
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · dalka · amni · howlgal
Keep reading
- The Defense Committee of the House of Representatives Calls on the Minister of Defense and the Commander of the National Army
Goobjoog Somali
- The Parliament's Defense Committee Calls the Chief of Defense Forces and the Minister of Defense + Reason
Caasimada Online
- Prime Minister Hamza praises security forces for ensuring the safety of the capital
Goobjoog Somali