Soomaaliya iyo Kuwait oo ka wada hadlay xoojinta la-dagaallanka musuqmaasuqa
Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Macallin Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha Hay’adda La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Dowladda Kuwait, Rana Al-Fares, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen sidii loo xoojin…
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Macallin Maxamuud , ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha Hay’adda La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Dowladda Kuwait, Rana Al-Fares , iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga Soomaaliya iyo Kuwait ee dhinaca ka-hortagga iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan is-dhaafsiga khibradaha, aqoonta iyo habraacyada wax-ku-oolka ah ee la xiriira la-dagaallanka musuqmaasuqa.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka hadlay dhisidda awoodda hay’adaha dowladda iyo sidii loo horumarin lahaa hufnaanta iyo isla-xisaabtanka hay’adaha dowliga ah.
Guddoomiyaha Hay’adda La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Kuwait, Rana Al-Fares, ayaa soo jeedisay in Soomaaliya iyo Kuwait ay sii xoojiyaan khibrad-wadaagga iyo is-dhaafsiga aqoonta , si Soomaaliya ay uga faa’iideysato waayo-aragnimada iyo habraacyada Kuwait ee ku aaddan ka-hortagga iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa.
Wasiir Xasan Macallin Maxamuud ayaa soo dhaweeyey soo jeedinta, isaga oo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in labada dal ay yeeshaan iskaashi joogto ah, gaar ahaan dhinacyada tababarrada, horumarinta xirfadaha iyo dhisidda awoodda hay’adaha .
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga Soomaaliya iyo dalalka gobolka ee dhinacyada cadaaladda, hufnaanta maamulka iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa, iyadoo khibrad-wadaagga iyo iskaashiga hay’adaha loo arko inay muhiim u yihiin horumarinta nidaamyada isla-xisaabtanka iyo maamulka wanaagsan.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Goobjoog Somali
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · dagaallanka · soomaaliya · musuqmaasuqa
Keep reading
Live story thread
Open live story