Soomaaliya iyo Costa Rica oo horumarinaya xariirkooda dublumaasiyadeed
Dowladda Soomaaliya iyo Costa Rica ayaa magaalada New York ku yeeshay kulan heer wasiir ah, kaas oo looga hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga dhinacyada horumarinta.
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Dowladda Soomaaliya iyo Costa Rica ayaa magaalada New York ku yeeshay kulan heer wasiir ah, kaas oo looga hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga dhinacyada horumarinta.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cali , ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Cibaadada ee Costa Rica, Manuel Tovar Rivera , iyadoo kulanku ka dhacay magaalada New York, xilli uu socdo Kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay (UNGA81) .
Labada wasiir ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Costa Rica , iyo fursadaha lagu horumarin karo iskaashiga labada dal ee dhinacyada horumarinta.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu muujiyay danaha ay labada dal ka wadaagaan iskaashiga horumarineed, iyadoo la doonayo in la sii ballaariyo xiriirka iyo wada-shaqeynta Soomaaliya iyo Costa Rica.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay ku ballaarinayso xiriirkeeda caalamiga ah, gaar ahaan Latin America , iyadoo dowladda Soomaaliya ay raadineyso iskaashi iyo xiriirro cusub oo ay la yeelato dalalka ku yaalla gobolkaas.
Kulamada Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya uu la yeelanayo dhiggiisa dalalka kala duwan ayaa ka dhacaya iyadoo ay socdaan shirarka iyo kulamada heerka sare ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay , kuwaas oo fursad u siinaya Soomaaliya inay xoojiso xiriirkeeda laba geesoodka ah iyo iskaashiga caalamiga ah.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Goobjoog Somali
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · costa · rica · soomaaliya
Keep reading
Live story thread
Open live story